qorshays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qorshaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshay
(fal) qorshe lagu hawl galo samee Shaqada sida loo galayo waxa la qorsheeyay bil ka hor. Dh: qorshee, aqool, agaasin, jaangoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorshayn
(Qorshayn-ta)
Wax qorshe u samayn, u yeelid; wax kala aqoolid; qaybin; agaasimid; jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshayn
m.f.dh eeg qorshee. la-mid: qorshe (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorshayn
vl. n. planning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorshayn
-ta: (n) planning (palaan-ing). Ex: Wasaaradda Qorshaynta; the Ministry of Planning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qorshayn
Pianificazione
Planification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qorshe lagu hawl galo samayn. Dh: qaabayn, agaasimid, jaangoyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorshayn
de: planning
lx: qorshayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qorshayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorsheys
m. n. plan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorsheys
de: plan
lx: qorsheys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qorsheys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshaysan
(tilmaame) wax la habeeyey oo la jaangooyay ah; mid habaysan. Tub qorshaysan ayaa lagu socdaa. Dh: agaasiman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashruuc
(Mashruuc-a)
Jaangooyo hawl gaar ah loo sameeyo; waxkaqabashada iyo fulinteeda; barnaamij; qorshays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaangoo
f.g/mg2 (-gooyay, -gooysay) 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggal
talaggal¹: m.l 1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. la-mid: talaggelid.
talaggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Ku t.: wax qorshaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaangoo
f.g/mg2 (-gooyay, -gooysay) 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn. m.l/dh, jaango'naansho. m.f.dh, jaangoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talaggal
talaggal¹: m.l T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe.
talaggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Ku t.: wax qorshaysasho. m.f.dh, talaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulnaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid loo hawl galay oo qorshaysan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslay
(fal) si aan qorshaysnayn oo kolba meel laga bilaabayo hawl u qabo. Baslaynta jooji si fiican wax u doodndoon. Dh: baslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicisow
(fal) fashilan oo dhexda ku baaba'.
dhicisow-ga: (magac, lab, keli) hawl qorshaysnayd, iyada oo aan halkii loogu talagalay gaadhin, fashilmid oo dhexda ku baabi'id. Dh: fashilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin qorshaysan oo cid saboolnimo loogu horseedayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilan
-ka: (magac, lab, keli) ku guuldarraysadka wax hore loo qorsheeyay.
fashilan: (fal) arrin iyo talo qorshaysnayd, dhicisoow ama kharriban.
fashilan: (tilmaame) arrin fashilantay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaango'an
(tilmaame) wax la qorsheeyay; arrin qorshaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugduub
-ka: (magac, lab, keli) ciyaaraha la tumo, sida lugaha loogu ciyaaro oo la isu rogrogo.
lugduub -ka: (magac, lab, keli) kaxaysashada qof aan socod u qorshaysnayn oo dhexda laga kaxaysto. Dh: daylqaaf.
lugduub -ka: (magac, lab, keli) si hababka fardaha loo fuulo ka mid ah. Iyada oo lugi fidsan tahay lugina laaban tahay ayaa faraska lagu boodaa oo kolka dushiisa lala siman yahay, lugtii laabnayd inta dhinaca kale la soo mariyo dusha looga baxaa oo lagu toosaa. Lugduub ayuu faraska ku wadaa Timir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manhaj
-ka: (magac, lab, keli) waxbarasho jaangoyn leh oo si xilliyaysan oo qorshaysan loo dejiyey Dh: minhaj.
manhaj-ka: (magac, lab, keli) waddo cilmiyaysan oo loo dejiyo in la raaco si loo helo waxbarasho tayo leh oo qiyamka iyo dhaqanka bulshadaa ka tarjumaysa. Dh: minhaaj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaad
-ka: (magac, lab, keli) ka baagasho laga baaqdo geeddi horay u qorshaysnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) oolin oo socod ama safar cid horay ugu qorshaysnaa ka baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaw
negaw!: (fal) ool oo geeddi horay kuugu qorshaysnaa ka baago. Maanta negaw berri ayaan israacaynaaye.
negaw: (fal) nabad gelyo ku deggenaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negays
-ta: (magac, dhedig, keli) oolin oo socod ama safar cid horay ugu qorshaysnaa ka baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoondaysi
-ga: (magac, lab, keli) shey isa siin o lahaanshihiisa niyadda gelin. Dh: qorshaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorsheysan
der. [adjective] planned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorsheysan
-qorshaysnaa / qorshaysnay: (adj) worked out; planned (palaanidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorsheysan
de: planned Alt. sp: qorshaysan
lx: qorsheysan
pd: (qorsheysnaa)
ps: adj-der
key: qorsheysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoondhays
vl. n. fixing, placing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooratays
-ka: (magac, lab, kell) eeg qooratayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorraxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorsheeye
m. n. planner
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorsheeye
de: planner
lx: qorsheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qorsheeye
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorsheyn.
m.f.dh, qoondayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshe qoys
m.l (-shayaal ..., m.l/dh) 1. Isticmaalka dawo si loo dhimo ama loo kala dheereeyo dhalashada ilmaha ee qoys. 2. Habab ka hortagga dhalmada oo ay bulsho ama dal uu ku dhaqanto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorshe-qoys
m.l (-shayaal ..., m.l/dh) 1. Isticmaalka dawo si loo dhimo ama loo kala dheereeyo dhalashada ilmaha ee qoys. 2. Habab ka hortagga dhalmada oo ay bulsho ama dal uu ku dhaqanto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorshe
(Qorsha-ha)
Maamul wanaagsan; jaangooyo; qaybis; aqool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) 1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo. 2. la-mid: qorshayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) 1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorshe
m. n. plan, program; distribution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorshe
-qorshaha: (n) plan (palaan); policy (polasi); strategy (istaraataj); course of action
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qorshe
Piano
Plan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshe
-ha: (magac, lab, keli) tub maamul oo loo dejiyo wax qabad la maaggan yahay. Qorshe cusub ayaa loo dejiyay haqabtirka korantada dalka. Dh: hab, khuddo, agaasin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorshe
de: plan, program; distribution
lx: qorshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qorshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusays
-ka: (magac, lab, keli) eeg qusayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorays
-ka: (magac, lab, keli) gumaysi ka dulqaadid. xorayso: (fal) wax cidi awood kaaga haysato muruq ama malo ku soo dhacso. Xuquuqdaada xorayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerhays
m.dh Khidmad laga siiyo geel la iibiyay qof la socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfays
m.l la-mid: gorfayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorfays
vl. n. process of coming to a decision, thorough treatment of a problem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gorfays
-ka: (n) deliberation (di libireeyshen); careful thought
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorfays
cf: talo 'decision' vs gar 'judgement'
de: process of coming to a decision, thorough treatment of a problem
lx: gorfays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gorfays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hormayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarshad
(Qarshad-da)
Quraarad; dhalo; (ama qarsho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarshad
m.dh la-mid: qarsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarshad
f. n. bottle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarshad
-da: (magac, dhedig, keli) quraarad Qarshad jabtay ayaa i heertay Dh: quruurad. dhalo, qarsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarshad
de: bottle
lx: qarshad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: qarsho
key: qarshad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorays
-ta: (magac, dedig, kell) eeg qoorayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooshan
La qooshay, laysku daray; qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooshan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax, wax kale lagu qooshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qooshan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax, wax kale lagu qooshay ahaansho. m.f.dh, qooshnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooshan
der. [adjective] mixed (together, of solid with liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qooshan
-qooshnaa / qooshnayd: (adj) mushed (maashidh); reduced to mush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshan
(tilmaame) wax la qooshay ah. Dh: cajiinan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooshan
de: mixed (together, of solid with liquid) With preposition ku
lx: qooshan
pd: (qooshnaa)
ps: adj-der
key: qooshan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoodhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormayn
m.f.dh eeg qormee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Hawl sidii loo qaban lahaa u nidaamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorshee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Hawl sidii loo qaban lahaa u nidaamin. m.f.dh, qorshayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorshee
v. plan out, make a program; distribute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorshee
-yey / qorsheysay: (v) make a plan; form a plan; mark out a course
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshee
(fal) tub wax loo maamulo deji waxqabad la maaggan yahay jaangoyn fiican u same.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorshee
de: plan out, make a program; distribute
lx: qorshee
pd: (qorsheeyey)
ps: v2b=tr
key: qorshee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryayn
m.f.dh eeg qoryee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushayn
(Qushayn-ta)
Qush gelin; xumaato ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushayn
m.f.dh eeg qushee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rushays
(Rushays-ka)
Rushayn; bilbil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushays
m.l la-mid: rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushays
-ka: (magac, lab, keli) eeg rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhays
-ka: (magac, lab, keli) wax boodhayn; boodh marmarin. Dh: boorays.
boodhays -ka: (magac, lab, keli) boodh la isku daahiriyo oo salaadda lagu bannaysto sababo sharcigu caddeeyay aawadood, sida biyala'aanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ururin; caano xoolo badan laga soo lisay oo meel la isugu keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurihays
f. n./m: housekeeper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurihays
de: housekeeper
lx: gurihays
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n2-f/m
key: gurihays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho iyo tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashays
m.l la-mid: maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaramayn.