qorraxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxso
f.mg3 (-saday, -satay) Qorrax isu dhigid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxso
f.mg3 (-saday, -satay) Qorrax isu dhigid (qof). m.f.dh, qorraxsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorraxo
name-f sun; daylight; sun-rays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax kuleyl badan ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsi
m.l la-mid: qorraxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid. m.f.dh, qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxsoobax
-a: (magac, lab, keli) dhinaca bari ee ay cadceeddu ka soo baxdo. Roobku wuxu nagaga yimaad qorraxsoobax.
qorraxsoobax-a: (magac, lab, keli) milayga ay qorraxdu soo baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorrax_ka_soo_bax
bw: qorraxsoobax
cf: bari 'east'
de: east, sunrise
lx: qorrax ka soo bax
ps: np-expr
key: qorrax_ka_soo_bax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorraxsoobax
de: dawn, daybreak, sunrise
lx: qorraxsoobax
pd: (-a)
ps: vn-m-cmp
key: qorraxsoobax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxood
m.f.dh eeg qorraxoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsad
m.l la-mid: qorraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorraxsin
(Qorraxsin-ka)
Docda qorraxdu u dhacdo; galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsin
m.l Jahada ay qorraxda u dhacdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxsin
m.l Jahada ay qorraxda u dhacdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorraxsin
pr. n., loc. west
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxsin
-ka: (magac, lab, keli) xagga cadceeddu u dhacdo. Dhankaa qorraxsinka ayuu noo dhaafay Dh: gabbaldhac, cadceeddhac, qorraxdhac, galbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorraxsin
de: west
lx: qorraxsin
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: galbeed, bugux
key: qorraxsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax
(Qorrax-da)
Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidmaysa oo gaas iyo olol ah; waxay dhulkeenna ka weyn tahay malyuun jeer, kulkeeduna, meeleheeda qaarkood, waxaa lagu wadaa inuu gaari karo 20 malynun oo darajo (dhulkeenna meesha u kululi waa 60° darajo!). Qorraxdu waa xiddig weyn oo aad inooku dhow haddii xiddigaha kale loo eego; waxay inoo jirtaa 150 malyuun oo kiilomitir ku dhowaad, waa ay isku wareegtaa, 25kii maalmood iyo 9kii saacba kol. Sagaal meere oo dhulkeennu kamid yahay baa weheliya oo ku dulmeera; ~ cadceed; libdho; gabbal; qundhac; dhalco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax
Sun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrax
f. n. sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorrax
name-m sun; daylight; sun-rays. Syn: Cadceed, Gabbal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrax
-da: (n) sun (san) ~ cadceed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qorrax
magac loo bixiyo wiil dharaar dhasha ama quruxdiisa la moodo cadceed oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: cadceed, orrax; libdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrato
(Qorrata-da)
Jaadadka qallajista mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorrato
m.dh.u Jaad la bah ah goodaaddada ama qallajista oo ku nool guryaha iyo geedaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorrato
m.dh.u Jaad la bah ah goodaaddada ama qallajista oo ku nool guryaha iyo geedaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrato
f. n. lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrato
-qorratada: (n) small lizard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qallajis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorrato
de: lizard sp.
lx: qorrato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: qallajis {N}
key: qorrato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorrax_1
de: sun
hm: 1
lx: qorrax
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: cadceed, gabbal, libdho, qundhac
key: qorrax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorrax_2
de: eclipse of the sun, solar eclipse
hm: 2
lx: qorrax
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: qorrax_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxay
(fal) eeg qallaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax qorrax u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax qorrax u dhigid. m.f.dh, qorraxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorraxee
v. put something out in the sun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorraxee
-yey / qorraxeysay: (v) sun (san); warm or dry to the sun's heat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorraxee
de: put s.t. out in the sun
lx: qorraxee
pd: (qorraxeeyey)
ps: v2b=tr
key: qorraxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxsasho
m.f.dh eeg qorraxso. la-mid: qorraxsad, qorraxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysi
m.l la-mid: qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: qorraxayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararabso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: qararamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararamso
f.g3 (-saday, -satay) Wax adag ilko ku burbursasho. la-mid: qararabso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qararamso
f.g3 (-saday, -satay) Wax adag ilko ku burbursasho. m.f.dh, qararamsasho. la-mid: qararabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafso
(fal) xayraanso oo kolba meel wax ka raadso. Orod suuga ka soo qarraafso. Dh: gadhaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax eegid iyadoo qaarka sare kor loo qaadayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qooraanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax eegid iyadoo qaarka sare kor loo qaadayo. m.f.dh, qooraansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooraanso
v. crane one's neck (in order to see), glance at sideways
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qooraanso
-day tay: (v) glance (galaans); look briefly; glimpse (gilimsi) by stretching one's neck toward something for a better view ~ dhugo, jalleecso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooraanso
de: crane one's neck (in order to see), glance at sideways
lx: qooraanso
nt: qooraansad (ka) [vn-m], qooraansasho (/da) [vn-f], qooraansi (ga) [vn-m]
pd: (qooraansaday)
ps: v3a=tr
key: qooraanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: qoraar².
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qorrax-da
soleil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorraxayn
(Qorraxayn-ta)
Qorraxda u dhigid; warid; qallajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxayn
m.f.dh eeg qorraxee. la-mid: orraxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan qallajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorraxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorraxbax
m. n., [compound] sunrise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorraxbax
de: sunrise Opp: gabbaldhac
lx: qorraxbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: qorraxbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysad
m.l la-mid: qorraxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho. m.f.dh, qorraxaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrax
m.dh la-mid: qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Orrax
magac loo baxiyo wiil sida cadceedda u cad ama dharaar dhashay. Waxa kale oo loo baxiyaa wiil dhiblow ahaa oo hooyadii mashaqeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: qorrax, cadceed, libdho, milic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Dad, xoolo iyo wixi lamida cabsi awgeed meel ugala cararid. 2. Dhuxul shidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxso
v. drive away for one's own benefit
qaxso v. make something glow (charcoal, a fire)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorso
f.g3 (-saday, -satay) Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorso
(fal) (ka ~) neef qoodh ah, cid kale ka amaaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorbax
(ereydhawaaq) eyda lagu yidhaahdo marka la eryayo. Dh: wid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraxso
v. set aside as a reserve, store (up for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxso
(fal) eeg madhaxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraxso
de: set aside as a reserve, store (up for oneself)
lx: maraxso
nt: maraxsad (ka) [vn-m], maraxsasho (/da) [vn-f], maraxsi (ga) [vn-m]
pd: (maraxsaday)
ps: v3a=
key: maraxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxay
(fal) engeji oo cadceedda u dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: qorraxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarafso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax lagu noolaado sida miro iyo wixi lamida duur ka raadsasho. 2. Socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarafso
v. search for a living; beg, panhandle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafso
(fal) shaxaad wax ku raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarafso
de: search for a living; beg, panhandle
lx: qarafso
pd: (qarafsaday)
ps: v3a=
key: qarafso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarayso
v. become robust
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorato
(Qoorata-da)
Wax cararaya oo laga dheereeyo oo laga hor yimaado inta waddo kale oo toobiye ah oo gaaban la qaado; bogdoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorato
m.dh 1. Q. ah: col si gaadmo iyo dhumaleysi wax ku laaya. 2. la-mid: qoorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoorato
vl. n. getting in front of someone running and cutting him off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorato
-da: (magac, dhedig, keli) horgabatayn wax cararaya inta laga dheereeyo ama hulo gaaban lagaga baxo xagga hore lagaga yimaad oo la joojiyo. Dh: horgabatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoorato
de: getting in front of s.o. running and cutting him off
lx: qoorato
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qoorato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorays
-ta: (magac, dedig, kell) eeg qoorayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorasho
m.f.dh eeg qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorroto
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo siiraanyada la jaad ah kana yara buuran oo derbiyada aqallada inta badan lagu arko. Dh: caashawadhi, qallajis, wasakhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxso
f.g3 (-saday, -satay) Wax qurux u yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxso
v. embellish, adorn for one's own benefit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxso
de: embellish, adorn for one's own benefit
lx: quruxso
pd: (quruxsaday)
ps: v3a=tr
key: quruxso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sorriso
s.m. - qosol, muusaw.