ereyga

qorrax ka soo bax

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qorrax ka soo bax

DHAN

n. phr., [expression] east, sunrise

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qorrax_ka_soo_bax

DHAFAN
1

bw: qorraxsoobax

2

cf: bari 'east'

3

de: east, sunrise

4

lx: qorrax ka soo bax

5

ps: np-expr

6

key: qorrax_ka_soo_bax

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bari

DHAABAN
1

(fal) nabad ku waaberiiso. Akambultee ma barideen baa ka fiican. Dh: cawabbari.

2

bari: (fal) Eebbi ama cidkale wax weydiiso. Eebbe la kala baryi og. Dh: tuug, baryootan.

3

bari -da: (magac, dhedig, keli) 'idaha' xubinta dabada kaga taal ee baruurta ah, subagga laga shiilo. Bari xun barya badan qudhmisa. Dh: badhi.

4

bari -da: (magac, dhedig, keli) subagga badhida idaha laga saaro ama laga shiilo. Bari ninkii cabbaa saw ladaabyo dili mayso. Dh: badhi.

5

bari -ga: (magac, lab, keli) jihada qorrax ka soo baxa, markaad woqooyi u jeeddid kaa qabata midig. Cadceeddu Bari bay ka soo baxdaa galbeed na way u dhacdaa. Dh: bugux, qorraxkasoobbax, qorraxkasoobbax. Li: cadceedudhac, qorraxudhac, galbeed, qorraxsin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qorrax madoobaad

DHAFANDHAAF

Solar eclipse

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qorrax madoobaad

DHAFANDHAAF

Eclipse solar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qorrax madoobaad

DHAFANDHAAF

-ka: (n) solar eclipse (soo-ler ik-lipsi)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qorax madoobaad

DHAFANDHAAF

Eclipse, solar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qorraxmadoobaad

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qorraxmadoobaad

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qorraxmadoobaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cadxeedda oo iftiinkeeda la waayo marka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Sannadkii siddeetankii qarnigii labaatanaad qorraxmadoobaad weyn ayaa Geeska Afrika ka dhacay. Dh: cadceedmadoobaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qorrax-madoobaad

DHAFANDHAAF
1

(Qorrax-madoobaad-ka)

2

Waxaa qorraxdu madoobaataa marka dayaxu yimaado ama ku abbaarmo qorraxda iyo dhulka dhexdooda, oo inta qorraxda isku gudbo, wada qariyo ama qaarkeed qariyo. Kolka dayaxu dibbado (oo uusan soo bixin) weeye kolka uu sigo ama sabab u noqdo qorraxmadoobaadka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qorrax-madoobaad

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] eclipse of the sun, solar eclipse

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

orraxmadoobaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cadceeddu marka ay madoobaato oo ah kolka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Dh: cadceedmadoobaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Cir ka soo dhac

DHAFANDHAAF

Meteorite

waa la naqliyay ✓