qorituur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituur
qorituur¹: m.l 1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
qorituur²: f.g1 (-ray, -rtay) U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorituur
qorituur¹: m.l 1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
qorituur²: f.g1 (-ray, -rtay) U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba. m.f.dh, qorituurid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorituur
-ka: (n) taking a chance; trying one's luck by drawing a lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorituur
(fal) (u ~) bakhtiyaanasiib u samee.
qorituur-ka: (magac, lab, keli) labo iyo in ka badan oo bakhtiyaanasiib wax loogu qaybiyo. Alaabtu way yar tahaye ragga qorituur u sameeya. Dh: bakhtiyaanasiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituuro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qorituur ka qayb qaadasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorituuro
v. draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorituuro
-da: (magac, dhedig, keli) qorituur ka qaybqaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorituuro
de: draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
lx: qorituuro
pd: (qorituurtay)
ps: v3b=intr
key: qorituuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituurad
m.l la-mid: qorituurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituurid
m.f.dh eeg qorituur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoririd
m.l Qorituur.

qorituurasho
m.f.dh eeg qorituuro. la-mid: qorituurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryo
qoryo¹: m.l.w Qori.
qoryo²: f.mg3 (-yaday, -yatay) Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoririd
m.l Qorituur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyaanasiib
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad sii garanayn oo aad ku nasiibsato heliddii iyo waayid labadaba; wax lagu helo qorituurasho. Dh: khammaar, baqtiyaanasiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakool
-ka: (magac, lab, keli) dhul ciid guduudan leh. Dhul dal badan oo bakool ah geela ku xerriya. Dh: gabiib, qorituur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariskatuur
-ka: (magac, lab, keli) qof naftiihallig ah. Dh: jariskatuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burtuur
burtuur¹: m.l Marka soorta la karinayo burarka yaryar oo ay yeelato.
burtuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Burar yaryar oo is haysta yeelasho (soor).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furtuur
-ka: (magac, lab, keli) qaraxa folkaanaha oo kale oo uu wixii walaxda ku jiray, daboolka soo dhaafo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
orateur
orateur, n.m. - qofka khudbeeya ama shir ka jeediya khudbad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
porteur
porteur, n.m. - xammaalka; qofka alaabta qaada (shaqadiisa taa tahay).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tortuer
tortuer, v. - ciqaabid; cadaadin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moniteur
moniteur, n.m. - horjooge; horjoogaha fasalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyiguur
-ka: (magac, lab, keli) hiyikac; laablakac. Dh: kalkageeddi, hiyikac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qareduur
m.l Qare aan la cunin oo duur ka baxa. la-mid: qaredameer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qareduur
-ka: (magac, lab, keli) jaad qaraha ka tirsan oo aan la cunin oo duur ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorisaar
qorisaar¹: m.l 1. Dedidda dhis iyo wixi lamida lagu dedo qoryo, alwaax iyo wixi lamida. 2. Saaridda la saaro daydka, xabaasha, ood, qori iyo wixi lamida. la-mid: qorisaarid.
qorisaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhismo iyo wixi lamida qori ku dedid. 2. Xabaal, ood, qori iyo wixi lamida ah saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorisaar
-ka: (magac, lab, keli) qoryo ku dedidda dhis iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoritaan
(Qoritaan-ka)
Qoraal; qormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoritaan
m.l la-mid: qorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoritaan
vl. n. act of writing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoritaan
-ka: (n) writing (raayting) ~ see also [eeg] qoraal, qorriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoritaan
-ka: (magac, lab, keli) qorida xuruufta la akhriyo lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) qoridda alaabta geedaha laga qoro lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) diiwaangelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoritaan
de: act of writing
lx: qoritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: qoritaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituraad
m.l la-mid: qorituurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolituug
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan sheegin xoolaha baadida ah ee qarsada. Boolituug baadi helaan wallee, baafin kuula soo bixine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorinuug
m.l/dh la-mid: dooritus.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fioritura
s.f. - uboxoobid (da), xilliga ay dhirtu ubaxaysato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fornitura
s.f. - cammiraad; siin (ta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fortitude
/foortatiyudh/ (n) adkaysi, dulqaad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fortitude
n., adkaan, -ti, geesinimo, -adi.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KURUSTUUR
Pentanisia microphylla 10
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
profiteur
profiteur, n.m. - qof wax ka faa'iidaysta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorixarar
m.l 1. Mindi yar oo wax lagu xardho. 2. la-mid: qorixardhe. (-ryo, m.dh) Qof wax xardha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorixarar
m. n., [compound] art of wood carving
qorixarar m. n., [compound] woodcarver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorixarar
-ka: (magac, lab, keli) mindi yar oo wax lagu xardho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scrittura
s.f. - qoris far.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
serviteur
serviteur, n.m. - u adeega
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tonitruer
tonitruer, v. - qaylin; dhawaaqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshintuur
burshintuur¹: m.l 1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. la-mid: burshintuurid.
burshintuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. la-mid: bushintuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burshintuur
-ka: (magac, lab, keli) faruurxidh.