qoriinsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoriinsho
-ha: (magac, lab, keli) qof qorqoran oo qurxoon. Hibaaq waa gabadh qoriinsho wanaag- san. Dh: qorqornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoriridasho
m.f.dh eeg qorirido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qornaansho
(Qornaansha-ha)
1. Wax la qoray ama qoran ahaansho.
2. Qaab wanaagsan lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qornaansho
m.l/dh la-mid: qornaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qornaansho
vl. n., stative v. state of being carved ~ written; beauty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qornaansho
de: state of being carved ~ written; [ext.] beauty
lx: qornaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: qornaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turniinsho
m.dh la-mid: turaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turniinsho
-ha: (magac, lab, keli) turniimo; turriin; turaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorasho
m.f.dh eeg qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryasho
m.f.dh eeg qoryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqortiirsho
-ha: (magac, lab, keli) gacanyaraha boqor ama madaxweyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiidasho
m.f.dh eeg qoordiido. la-mid: qoordiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiirasho
m.l/dh la-mid: qoordiidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, damiin ka noqosho. Damiinasho ayaa lagu soo daayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digniinsho
(Digniinsha-ha)
War ama wax kale oo digniin ah, is gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digniinsho
m.l la-mid: digid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digniinsho
vl. n. act of giving the alarm, alerting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digniinsho
de: act of giving the alarm, alerting
lx: digniinsho
pd: (/ha)
ps: vn6-m
key: digniinsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hornaansho
m.l la-mid: hornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiinasho
m.f.dh eeg kamiino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ku cusub oo qariib ah ahaan. Dh: waadaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodnaansho
m.l/dh la-mid: qodnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax qodan ahaansho. Dh: qodniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirasho
(Xariirasha-da)
1. Il bugta xariir isaga samayn.
2. Caano xariir ka dhigasho.
3. Summad (xariir) xoolaha ku dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirasho
m.f.dh eeg xariiro. la-mid: xariirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirasho
-da: (magac, dhediq, keli) caano bie darid oo badhxasho. Xariirashada caanubad kugu koobnaato. Dh: badhxasho, fadhxasho.
xariirasho -da: (magac, dhedig, keli) il bugta xariir iskaga samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinsasho
-ka: (magac, lab, keli) wax u barasho. Dh: joogtaysasho, caadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqortiirshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Gacan yaraha boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriirsasho
m.f.dh la-mid: gowriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowriirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku kor foorarsasho oo qaandoodsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hor'imaansho
-ha: (magac, lab, keli) maxkamad ama meel kale soo imaansho, si aad uga garbaxdid ama aad ula hadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hor-imaansho
m.f.dh eeg hor-imow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiqsasho
m.f.dh eeg horfiiqso. la-mid: horfiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansasho
(Qooraansasha-da)
Wax eegid iyadoo qaarka sare la godayo ama kor loo qaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansasho
m.f.dh eeg qooraanso. la-mid: qooraansad, qooraansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooraansasho
-da: (magac, dhedig, keli) si qoollaalli ah wax u eegid. Dh: goodaaliyid, goollaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituurasho
m.f.dh eeg qorituuro. la-mid: qorituurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqomaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg qorqornaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biinso
-biinsada: (n) [Pl. biisooyin- ka] pincers (pin saris); pliers (palaayaris) ~ kelbed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: heenso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiinso
v. sip ~ suck up small amount of milk (etc.) from a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinso
(fal) wax yar oo caano ah oo weel ku jira, ka fuuqso. Dh: heenso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiinso
de: sip ~ suck up small amount of milk (etc.) from a vessel
lx: hiinso
nt: hiinsad (ka) [vn-m], hiinsasho (/da) [vn-f], hiinsi (ga) [vn2a-m]
pd: (hiinsaday)
ps: v3a=
key: hiinso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liisho
-ah: (adj) smooth (ismuuth) ~ siman. Ex: sagxad liisho ah; smooth surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liisho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan girgirro lahayn oo sibiibix ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhihida; hadal ku dhawaaqid. Oroshada hadalka waa lagaa yaqaan. Dh: odhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariin
m.l Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariin
-ka: (magac, lab, keli) geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu como cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. la-mid: qarshad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarsho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. la-mid: qarshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsho
f. n. bottle; pane of glass, windowpane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarsho
-qarshada: (n) 1. bottle (botel) ~ dhalo, quraarad. 2. piece of glass. Ex: qarsho baa sartay; he was cut by glass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarshad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsho
a: qarshad
de: bottle; pane of glass, windowpane
lx: qarsho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qarsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Uunsi iyo wixi lamida shidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoonso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhibsasho. m.f.dh, qoonsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoonso
v. be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoonso
-qoonsaday / qoonsatay: (v) feel displeased or be disagreeable to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonso
(fal) ka xumaw oo niyadda ka nac. Dh: kaho, nebcayso, genso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoonso
bw: genso
de: be dissatisfied ~ disappointed in; take offense at
lx: qoonso
nt: qoonsasho (/da) [vn-f]
pd: (qoonsaday)
ps: v3a=tr
key: qoonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordin
m.f.dh eeg qordi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordin
-ta: (magar, dhedig, keli) la wadaagid oo cid wax ay isku fillaysiinayso la wadaagid oo ku wehelin. Dh: wadaagid, qordis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorshe
(Qorsha-ha)
Maamul wanaagsan; jaangooyo; qaybis; aqool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) 1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo. 2. la-mid: qorshayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) 1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorshe
m. n. plan, program; distribution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorshe
-qorshaha: (n) plan (palaan); policy (polasi); strategy (istaraataj); course of action
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qorshe
Piano
Plan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshe
-ha: (magac, lab, keli) tub maamul oo loo dejiyo wax qabad la maaggan yahay. Qorshe cusub ayaa loo dejiyay haqabtirka korantada dalka. Dh: hab, khuddo, agaasin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorshe
de: plan, program; distribution
lx: qorshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qorshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riidho
-da: (magac, dhedig, keli) nagaadh yar oo udgoon oo subagga lagu dhex shiilo xoolaha cunaana ay caano macaanaadaan. Dh: reexaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinso
f.mg3 (-saday, -satay) Duuf iska soo saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siinso
v. blow one's nose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siinso
de: blow one's nose
initial: s
lx: siinso
pd: (siinsaday)
ps: v3a=intr
syn: duufso
key: siinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrinso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: arrin, xal u raadsasho; arrin ka talabixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrinso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: arrin, xal u raadsasho; arrin ka talabixid. m.f.dh, arrinsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrinso
v. consult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrinso
(fal) go'aanno iyo talooyin wax kuu tara qaado. Arrinsoo aynigaa raac. Dh: tasho, malayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrinso
de: consult
lx: arrinso
pd: (arrinsaday)
ps: v3a=
key: arrinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariiso
(Bariisa-da)
Wax dadka ku soo waabberiista ama waabberigii dhaca (roob, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariiso
bariiso¹: m.dh 1. Waqtiga u dhexeeya qoraxsoobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
bariiso²: f.mg3 (-stay, -satay) Meel lagu hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta kiciyo ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariiso
bariiso¹: m.dh 1. Waqtiga u dhexeeya qorax-soobaxa ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta kiciya ka yeelato. 2. Roob da'a arooryada hore.
bariiso²: f.mg3 (-stay, -satay) Meel lagu hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta kiciyo ku sugnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariiso
f. n. any event happening at dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bariiso
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilli subax ah oo la bariisanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariiso
(fal) inta ay qorraxdu dheeraanayso sug. Xooluhu xilliga barwaaqada way bariistaan.
bariiso -da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore inta ayna cadceeddu kululaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariiso
de: any event happening at dawn
lx: bariiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bariiso