qoridillo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoridillo
-da: (magac, dhedig, keli) qardabo iyo hantaaqo cid lagu sameeyo. Dh: hantaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goriilla
* Daayeerrada dadka lagu soo sooco oo adduunka kan ugu weyn; wuxuu ku nool yahay Afrika. Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo ka kor, culayskiisuna 300 (saddex boqol) oo kiilogaraam. Wuxuu lee yahay: madax weyn, sur gaaban, indho yaryar, san dulal waaweyn iyo dhogor oogadiisa ku wada rogan. Dabo ma laha; (ama gooriilla).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goriilla
m.l Nooc daayeerka ka mid ah oo dadka u eg oo ku nool Afrika oo dhererkiisu gaaro laba mitir ama ka badan. la-mid: gooriilla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goriilla
Gorilla
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goriilla
m. n. gorilla
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goriilla
-ha: (n) gorilla (goriila) ~ daanyeer weyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goriilla
de: gorilla {Eng / It}
lx: goriilla
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: goriilla
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
morbillo
s.m. - jadeeco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorirido
f.mg3 (-itay, -idatay) Qoririd wax ku qeybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindillo
(Dilindilla-da)
Garangarinta wixii duuban ama leh qaab kankoonsan ama wareegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindillo
m.dh Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. la-mid: dilindillayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dilindillo
m.dh Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. la-mid: dilindillayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilindillo
f. n. rolling, trundling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillo
-da: (magac, dhedig, keli) wilaanwilinta wax sida giraanta u wareega. Wax geerer waawayn lihi dilindillada kuma fiicna. Dh: giraangir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilindillo
de: rolling, trundling
lx: dilindillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dilindillo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firindiglo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: farandulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karinbillo
m.dh Habka dhar tooxiisu gaabtay loo tolo oo dhar kale loogu kabo. la-mid: karinbille.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karinbillo
-da: (magac, dhedig, keli) habka dhar tooxiisu gaabtay loo tolo oo dhar kale loogu kabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorideleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hantaaqo iyo dhibaato u geysasho. Dh: hantaaqayn, qardabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorideleys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoriddeleyn. qoridelley: (fal) hantaaqo iyo dhibaato u geyso. Dh: hantaaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quotidiano
agg. e s.m. maalmeed; wargeys (maalinle).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
torcicòllo
s.m. - qoor xanuun, qoor qallooc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooridhiille
m.dh Foori si degdeg ah geela loogu kiciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiillo
-da: (magac, dhedig, keli) aqal si wanaagsan loo dhiso oo leh qolala badan iyo daarad ballaadhan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grillo
s.m. - wariiq, qunbadalooshe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiillo
(Hiilla-da)
Labo qof oo dagaallama haya oo mid lala safto, si uu kan kale uga adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillo
m.dh la-mid: hiil¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiillo
f. n. taking sides, supporting, partisanship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiillo
-hiillada: (n) partiality; partisanship to a person or faction; favoritism, ~ hiil. —u hiilii -yey / say: (v) side with; team up with someone or group; favor one side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiillo
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo dagaalamaya oo mid lala soo safto, si uu kan kale uga adkaado. Dh: hiil, danaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiillo
de: taking sides, supporting, partisanship
lx: hiillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hiillo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hiillo
مُوَالَاةٍ وَمُنَاصَرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordin
m.f.dh eeg qordi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordin
-ta: (magar, dhedig, keli) la wadaagid oo cid wax ay isku fillaysiinayso la wadaagid oo ku wehelin. Dh: wadaagid, qordis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bidèllo
s.m. - adeege dugsi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corallo
s.m. - murjaan, shucaabi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cordial
/kordhiyal/ (adj) 1. soo dhawayn leh (si diirran oo furfuran). (n) 2. khamro (siiba khamri culus oo khudrad laga sameeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiillo
(Dhiilla-da)
War laga dido oo dadka cabsi geliya; dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiillo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiillo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiillo
f. n. animosity, hostility; bad news, news of disaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiillo
-dhiillada: (n) fear (fi-yar) ~ cabsi; walwal, walaac. -Syn: fright, dread, terror, horror, panic, alarm
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiillo
Apprensione
Apprehension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillo
-da: (magac, dhedig, keli) walbahaar iyo walaac uu qof war xun maqlaa la ledi waayo; war xun oo laga naxo. Dh: saymo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiillo
de: animosity, hostility; bad news, news of disaster (anything creating a negative emotional state in people)
lx: dhiillo
pd: (-da)
ps: n6-f
key: dhiillo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibillo
m.dh Daruuro badan oo biyeysan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gorilla
Goriilla
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gorilla
/gorila/ (n) goriilla (daanyeer weyn oo dadka lugu soo sooco, oo aan sayn lahayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gorilla
s.m. - nooc daayeerrada ka mid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorille
-ha: (magac, lab, keli) daayeerta kan ugu weyn oo lagu soo sooco dadka oo ku nool Afrika. Dhererkissu wuxuu gaadha labo mitir iyo dheeraad, culayskisuna ilaa sadeex boqol oo kilo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gorille
gorille, n.m. - gorille; daanyeer aad u weyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
midóllo
s.m. - dhuux.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
modèllo
s.m. - namuudaj, moodel.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oreille
oreille, n.f. - dhag.
tirer l'oreille de gn - dhago marmaroojin.
se faire tirer l'oreille - dhago adayga.
de bouche à oreille - dhagta ugu sheegid.
faire la sourde oreille - is dhaga tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabiilo
(Qabiila-da)
Qabiil; tol; qolo; jilib; reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabiilo
m.dh la-mid: qabiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabiilo
f. n. clan, tribe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiilo
-qabiilada: (n) tribes (taraayb); clans (kalaan) ~ qabiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabiilo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ku wada aroora hal isir ama awow. Dh: qabiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabiilo
de: clan, tribe
lx: qabiilo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: qabiil
key: qabiilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ridelle
ridelle, n.f. - baabuur daashdaash leh; baabuur dhigo leh
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
briciolo
s.m. biid, in yar, xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cordaalo
m.l la-mid: curdaalo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cordiale
agg. - diiran (salaan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fornèllo
s.m. - burjiko.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oisillon
oisillon, n.m. - shimbir yar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qorid-da
recrutement.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorijiid
qorijiid¹: m.l la-mid: qoriqaad¹.
qorijiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: qoriqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorniimo
m.dh la-mid: qorid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ridicolo
agg. - qosol leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirdilyo
(Sirdilya-da)
Silicdilyo qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirdilyo
m.dh Waxyeelidda si khayaamo ah cid wax loo yeelo. la-mid: sirdilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sirdilyo
m.dh Waxyeelidda si khayaamo ah cid wax loo yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirdilyo
f. n., [compound] secret torture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirdilyo
-da: (magac, dhedig, keli) si doqonmaggarato ah u dilid; silicdilyo qarsoon. Dh: sirdilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirdilyo
cf: silicdilyo
de: secret torture
initial: s
lx: sirdilyo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: sirdilyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
borsaiòlo
s.m. - ciyaal-jeeb.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
corbeille
corbeille, n.f, - Saladda; Sanbiil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
corneille
corneille, n.f. - Tuke (Shimbir madow oo hilib cun ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
domicilio
s.m. - hoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooriilla
m.l la-mid: goriilla.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooriilla
m. n. gorilla
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooriilla
de: gorilla {Eng / It}
lx: gooriilla
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: gooriilla
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iddidiilo
-da: (magac, dhedig, keli) rajo iyo saansaanyo wanaag la rajaynayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meridiano
s.m. lool.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mordiller
mordiller, V. - qanqaniinid aan xoog lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
portillon
portillon, n.m. - albaab yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiido
f.mg3 (-iitay, -iidatay) Qoordiid samaysasho (qof). la-mid: qoordiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoordiido
v., [compound] get a razor cut, have one's hair cut at the back of the neck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoordiido
cf: taalo {C & S}
de: get a razor cut, have one's hair cut at the back of the neck
lx: qoordiido
pd: (qoordiitay)
ps: v3b=cmp
key: qoordiido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: qoordiido.