qori'ismaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qori'ismaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sheeka xariirta Soomaalida ku jira oo kolna dad noqda kolna dugaag. Dh: geed'ismaris.
qori'ismaris: -ka: (magac, lab, keli) qof mar dad ah marna iska dhiga waraabe isagoo is marinaya qori khaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qori-ismaris
m.l.kh (-syo, m.dh) Qof mar dad ah marna iska dhiga waraabe isagoo is marinaya qori khaas ah (sheeko xariir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qori-ismaris
m.l.kh (-syo, m.dh) Qof mar dad ah marna iska dhiga waraabe isagoo is marinaya qori khaas ah (sheeko xariir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorismaris
(Qorismaris-ka)
(sheekaxariiro) Qof kolna dad ah kolna dhurwaa; waraabe-dadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorismaris
m. n. person who can change into a hyena
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorismaris
-ka:(n) a legend or story of a person who can turn himself into a beast by using a magic stick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorismaris
de: person who can change into a hyena (in folklore, by rubbing himself with a magical piece of wood)
lx: qorismaris
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qorismaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabadadow
m.l.kh W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabadadow
m.l.kh W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabadadow
-ga: (magac,lab, keli) qori ismaris. Waraabadadow ayaa nasoo galay xalay. Dh: qor'ismaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorisaarid
m.f.dh eeg qorisaar². la-mid: qorisaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeda'ismaris
-ka: (magac, lab, keli) dadka qaar lagu sheego inay geedo is mariyaan oo ay waraabe ama wax kale noqdaan haddana dad isu geddiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidmaris
m.l Hab loo ciqaabo qofka hanadu gasho (herin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horumaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg horumarin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
originàrio
agg. - ka yimid, asal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qori jarid
Lumbering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorriimays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorriimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribisaarid
m.dh la-mid: rubisaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribisaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ribo dul saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddismaris
-ka: (magac, lab, keli) qof la yidhi geedaha ayuu is mariyaa dabadeedna bahal ayuu noqdaa.