qorfo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorfo
m.l Dhul oommane ah oo aan cidna joogin. la-mid: qafro, qarfo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorfo
-ha: (magac, lab, keli) dhul commane ah oo aan cidna joogin. Dh: qafro, garfo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iyo wixi lamida qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho. m.f.dh, qorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoro
v. write down for oneself; employ, hire; appoint, assign; register
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoro
de: write down for oneself; employ, hire; appoint, assign; register
lx: qoro
pd: (qortay)
ps: v3b=tr
key: qoro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarfo
(Qarfa-da)
Qafro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarfo
m.dh la-mid: qorfo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarfo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarfe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorfe
(Qorfa-ha)
Qolof udgoon oo dhirta cunnada lagu dhireeyo kamid ah; qaranfuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorfe
m.l Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorfe
m.l Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorfe
m. n., [collective] cinnamon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorfe
-qorfaha: (n) cinnamon (sini-man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorfe
-ha: (magac, lab, keli) qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorfe
bw: qarfe
cf: qaranfuul
de: cinnamon
lx: qorfe
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: qorfe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormo
m.dh 1. Habka geedaha, dhagxaanta iyo wixi lamida looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (- ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qormo
m.dh 1. Habka geedaha, dhagxaanta iyo wixi lamida looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (-ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qormo
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidi deggan tahay ama u calaamadaysan. Dh: jago, booto.
qormo -da: (magac, dhedig, keli) qoraal aan badnayn. Qormada saddexaad ee bogga hore akhri. Dh: qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryo
qoryo¹: m.l.w Qori.
qoryo²: f.mg3 (-yaday, -yatay) Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoryo
m. n., pl. building materials, lumber; firewood; crutches; various kinds of wood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoryo
- qoryaha: (n) firewood (faayar-wuudh); brushwood (buraash-wuudh) ~xaabo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoryo
de: building materials, lumber; firewood; crutches; various kinds of wood
lx: qoryo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: qoryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafro
m.l la-mid: qorfo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorofol
m.l la-mid: qaranful.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarafo
m.dh Baryo meelo kala duwan lagu tago iyadoo cunto la raadsanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafo
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan kolba qof wax la weydiisto. Guhaad wuxu yidhaa: qarafo ku liibaana akhwaan. Dh: dhawrto, sadago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorso
f.g3 (-saday, -satay) Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorso
(fal) (ka ~) neef qoodh ah, cid kale ka amaaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqor
-ka: (magac, lab, keli) qodobbayn lagu soo gabagabeeyo dacwadaha oo labada dhinac la weydiiyo inay wax u hadheen; dhaabadaynta doodda la furo. Qorqorka dacwadda odayada ha loo daayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrof
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabatin dhagaxaan badan ku dhexyaal; meel godan oo sallaxyo leh. Daayeerku biyaha qorrofka ayuu cabbaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrog
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah weelasha xoolaha lagu maalo. Dh: gorof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oro
imperative v., sg. say!, speak!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
oro
s.m. dahab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
óró
pref. - hor kabe macnihiisu yahay buur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oro
(fal) dheh; odho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oro
de: say!, speak! Rarely used
lx: oro
pd: (odho)
ps: v4a-imp-sg
see: dheh {N}
key: oro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qof
(Qof-ka)
Ku ama tu dad ah; nin ama naag, aan lab iyo dheddig midna lagu sheegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qof
qof¹: m.l/dh (-faf, m.l) 1. Shakhsi aadami ah. 2. Q.na: ninna, cidna. 3. Q.af: dad.
qof²: m.l/dh (naxwe) Mid ka mid ah kaqaybgalayaasha warisgaarsiinta: “aniga” waa qofka 1aad oo hadlaya, “adiga” waa qofka 2aad oo ah lala hadlaha, “isaga”/”iyada” waa qofka 3aad oo ah laga hadlaha; saddexdaan qof kala keliga ah mid weliba waa wadaroobaa: 1aad “annaga/innaga”, 2aad “idinka”, 3aad “iyaga”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qof
m. n. person; individual
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qof
-ka: (n) person (peerson); individual (in-dhi-vijuwal) ~ shakhsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qof
Persona
Person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qof
-ka: (magac, lab, keli) ruux binu'aadan ah. Dh: ruux.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qof
cf: dad
de: person; individual
lx: qof
pd: (-ka Pl: qofaf (ka))
ps: n4-m
key: qof
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qof
شخص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax qallalan biyo gelin. la-mid: qooy.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax qallalan biyo gelin. m.f.dh, qoyn. la-mid: qooy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoo
v. moisten, make something wet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoo
-yey / qooysay: (v) wet (wet); dampen (dham-pen) ~ qoy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoo
(fal) biyo ku dul shub oo wax qoyan ka dhig. Go'a ii qoo. Dh: qoy. Li: qallaji, engeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoo
a: qoy
de: moisten, make s.t. wet
lx: qoo
pd: (qooyey / qooysey)
ps: v2a=tr
key: qoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qor
(Qor-ka)
Qoryaha la qorayo, inta aan loo baahnayn oo la jarayo ama la jaray; qiro dheeri ah oo aan weli la qorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qor
qor¹: m.l 1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iyo wixi lamida oo la farsameynayo.
qor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xaraf, erey, hadal iyo wixi lamida meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iyo wixi lamida ka samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qor
qor¹: m.l 1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iyo wixi lamida oo la farsameynayo.
qor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xaraf, erey, hadal iyo wixi lamida meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iyo wixi lamida ka samayn. m.f.dh, qorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qor
v. carve, whittle, sculpt; sharpen
qor v. write
qor m. n., [collective] timber
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qor
-ay/tay: (v) 1. write (raayt). Ex: toban bog buu qoray; he wrote ten pages 2. sculpt an object. 3. hire (haayer); employ (em-palooy) ~ shaqaalee
isku qor -ay -tay: (v) enter, register or enrol [for example, in school].
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qor
(fal) xuruufo la akhrin karo waraaq ku dul dhig; xarfo meel ku sawir si loo akhriyo. Magacaaga qor. Dh: dhig.
qor: (fal) qori diirka ka jaf oo shey wax lagu falo ka samee.
qor: (fal) dhagax ama wax kale oo adag hareeraha ka jejebi oo wax farshaxan qurux badan leh ka samee.
qor: (fal) gof diiwaan wax barasho ama mid shaqo magaciisa ku dar. Wiilka askarta qor. Dh: diiwaangeli.
qor-ka: (magac, lab, keli) hadhaaga iyo qashinka noolaha dabada ka yimaadda. Dh: xaar, sindho, saalo.
qor-ka: (magac, lab, keli) hadhaaga iyo jajabka ka hadha wax la qorayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còro
s.m. - jiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doro
m.dh Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fòro
s.m. - dalool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horo
f.g3 (-rtay, -ratay) Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax sugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koro
v. wait for ~ on, expect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koro
(fal) arrin ama wax kale sug oo dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koro
de: wait for ~ on, expect
lx: koro
pd: (kortay)
ps: v3b=tr
key: koro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofo
f.mg3 (-ftay, -fatay) Wax rimid u baahan noqosho (sac).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofo
(fal) dhedig rimaya oo lab u baahan ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooro
(Oora-da)
Cudur dhegaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooro
m.dh (daawo) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooro
m.dh (daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooro
f. n. secretion from otitis (disease of the ear); smegma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo maqalka wax yeela.
ooro -da: (magac, dhedig, keli) usgag ku dhasha ilkaha fuula kolka la cadan waayo. Ooroda iska caday. Dh: huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooro
de: secretion from otitis (disease of the ear); smegma
lx: ooro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ooro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órlo
s.m. - qar, gaw, daraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormo
m.dh (-ooyin, m.l) Koox. la-mid: hormo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hormo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
órso
s.m. - madaxkuti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òrto
s.m. - beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaro
m.dh la-mid: qiro¹.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaro
solide.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaro
-da: (magac, dhedig, keli) baaxadda iyo dhumucda uu shay leeyahay. Shamiis qara yar iyo macawis qaro weyn ayuu isku sitaa wadaadku. Dh: balaadh, dhumuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiro
(Qira-da)
Inta xalleefsanaanta ballaarku le'eg tahay; dhumuc; baaxad: jurmi; (ama qaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiro
qiro¹: m.dh Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. la-mid: qaro.
qiro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Qof fal in uu sameeyey caddeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiro
qiro¹: m.dh Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. la-mid: qaro.
qiro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Qof fal in uu sameeyey caddeyn. m.f.dh, qirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiro
f. n. breadth, thickness
qiro v. admit (fault, debt); confess
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiro
-qirtay / qiratay: (v) confess (kon-fees); make a confession (kon-feshen).
qiro -qirada: (n) thickness (thik-nes) ~ xajmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiro
(fal) wax ad samaysay oo lagugu eedaynayo oggolow in aad samaysay. Nimankii way qirteen dembigii lagu haystay. Li: inkir, diid, dafir.
qiro-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaro.
qiro -da: (magac, dhedig, keli) maan; niyad. dembigaad gashay in aan laguu dhaafayn qirada geli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobo
m.dh Dhaxan aad u qabow oo habeenkii soo dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho. m.f.dh, qodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodo
v. dig for oneself; plow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodo
-qotay / qodotay: (v) dig up for oneself; unearth (an-eerth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodo
(fal) meel adigu iskaa u daloosho; beer ad gaar u leedahay qod. Dh: faqo, falo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodo
de: dig for oneself; plow
lx: qodo
pd: (qotay)
ps: v3b=tr
key: qodo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolo
(Qola-da)
Dad xiriir ka dhexeeyo; cid; reer; dad; tol; jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.