qoonqonbin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonqonbin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayar u socod oo kolba tallaabo aayar u qaadid. Dh: kuurkuursi, gaangaanbin, kuudkuudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoongoonbin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod xarrago iyo isla wayni ku jirto. Dh: xarragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoonbin
(Qoonbin-ta)
Lug ka dhutin;
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoonbin
vl. n. limping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonbin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhutin oo lug ka laangadhayn. Dh: dhutin, heetin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoonbin
de: limping
lx: qoonbin
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: qoombi
key: qoonbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonqoon
m.l Geed gaab aan qodax lahayn laamo toostoosan o guryaha lagu dhisto leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonqoomid
-da: (magac, dhedig, keli) naburro meelo badan ka gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoombin
m.f.dh eeg qoombi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoonbi.
qoonbis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoonbin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOOQOON
(Gogon) S, NFD, May Combretum hereroense Schinz. Combretaceae.
C Combretum cotractum Engl. Combretaceae.
S Combretum greenwayii ? Combretaceae.
S Annona squamosa L. Annonaceae.
May, S Ochna inermis Penzig Ochnaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqoban
La qoqobay; qoqob dhex maray, kala oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqoban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Xero, aqal iyo wixi lamida wax la qoqobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoqoban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Xero, aqal iyo wixi lamida wax la qoqobay ahaansho. m.f.dh, qoqobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoqoban
der. [adjective] partitioned; separate, isolated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoqoban
-qoqobnaa: (adj) separated by means of partition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqoban
(tilmaame) mid kala xidhan oo la kala teeday. Aqal kala qoqoban ayaan degey. Dh: kala oodan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoqoban
de: partitioned; separate, isolated
lx: qoqoban
pd: (qoqobnaa)
ps: adj-der
key: qoqoban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqobid
(Qoqobid-da)
Qoqob u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobid
m.f.dh eeg qoqob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isku wada furan kala qaybin oo kala teedid; qoqob u samayn. Qoqobiddu waxay ku fiican tahay aqalka arooska ah. Dh: qoqobis, teedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonnin
m.l/dh la-mid: aqoonni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonnin
v., neg., simple past tense: did not know
aqoonnin v., neg.-imp: don't know!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoonnin
(v) did not know or was not familiar.... Ex: magaalada muu kala aqoonnin; he was notfamiliar with the city
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobid
(Qonbobid-da)
Wax qonbobay ama qonbobsan noqosho; isku soo kogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid oo wax qallalan noqosho. Kereemka ayaa qonbobidda laga marsadaa. Dh: kogid, qallalid, engegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoongoon
-ka: (magac, lab, keli) geed gaab aan qodax lahayn laamo toostoosan o guryaha lagu dhisto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqnaan
m.f.dh eeg qooqan. la-mid: qooqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qooshnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqooneynin
v., neg. past progressive form: do / does not know; was / were not recognizing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqooneynin
a: oqooneyn(in)
de: do / does not know; was / were not recognizing
lx: aqooneynin
pd: (aqooneyn)
ps: v4d-neg-ppgr
xe: It was not known / recognized.
xv: Ma la aqooneynin.
key: aqooneynin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontoobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsanaan
m.f.dh eeg aqoonsan. la-mid: aqoonsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashada iyo fahanka cilmi iyo aqoon.
aqoonsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) ictiraafsanida cid kale oo kuu dhiganta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabanqaabin
(Qabanqaabin-ta)
Diyaarin; abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabin
m.f.dh eeg qabanqaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl abaabul iyo tabaabulshe u samayn. Qabanqaabinta shirku muddo badan ayay soo socotay. Dh: diyaarin, abaabulid; qabanqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotonsanaan
m.f.dh eeg qotonsan. la-mid: qotonsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotonsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel likaysan oo sare u taagan ahaan.