qoomiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama bulsho af iyo dhaqan wadaagta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qomiyad
-da: (magac, dhedig,keli) dad ama bulsho af iyo dhaqan wadaagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowmiyad
m.dh (-do, m.l) la-mid: qawmiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qowmiyad
m.dh la-mid: qawmiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowmiyad
f. n. nationalism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qowmiyad
-da: (n) nationality (nashi-naaliti). Ex: qowmiyado kala duwan; different nationalities ~ qawmiyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowmiyad
bw: Arabic
de: nationalism
lx: qowmiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: qawmiyad
key: qowmiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carab
-ka: (magac, lab, keli) nin Carab ah.
Carab -ta: (magacwadareed) dadka u dhashay qoomiyadda carabta.
Carab: magac loo baxsho wiil cad oo la moodo in uu Carab yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo ka tirsan qoomiyadda Carabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
af-Soomaali
-ga: (magac, lab, keli) afka qoomiyadda Soomaalidu ku hadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruumo
-ha: (magacwadareed) ummado hore oo tegey. Dh: dadyaw, qoomiyado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koofiyad
(Koofiyad-da)
Madaxgashiga ragga iyo wiilasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koofiyad
m.dh (-do, m.l) Shey ka samaysan dun, dhar iyo wixi lamida oo raggu madaxa gashadaan. la-mid: koofi, koofiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koofiyad
m.dh (-do, m.l) Shey ka samaysan dun, dhar iyo wixi lamida, oo raggu madaxa gashadaan. la-mid: koofi, koofiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koofiyad
f. n. hat, cap, beret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofiyad
-da: (n) hat (haat); cap (kaap) ~ koofi-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koofiyad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxgashi ah oo madaxa la gashado. Koofiyaddi ka dhacday askarigii kolkuu tuugga baa maro qabanayey. Dh: koofi. Wa: koofiyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koofiyad
de: hat, cap, beret
lx: koofiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: koofiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noobiyad
(Noobiyad-da)
Munaaradda habeenkii ifta; kuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noobiyad
m.dh Dhismo dheer oo nal iftiima oo midabbo kala duwan leh oo xeebaha iyo jasiiradaha lagu dhiso si maraakiibta, doonyaha iyo wixi lamida uga qiyaas qaataan; munaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noobiyad
f. n. lighthouse; tower
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noobiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis dheer oo habeenkii iftiima oo tilmaan u noqda maraakiibta. Dh: munaarad, minaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noobiyad
bw: Arabic
de: lighthouse; tower
lx: noobiyad
pd: \pd(-da)
ps: n1-f
key: noobiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawmiyad
m.dh (-do, m.l) Jinsiyad. la-mid: qowmiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawmiyad
m.dh (-do, m.l) Jinsiyad. la-mid: qowmiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawmiyad
f. n. nationalism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawmiyad
-da: (n) nationality (nashi-naaliti); community (kom-yuuniti). Ex: qawmiyado kala duwan; different nationalities ~ qowmiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawmiyad
-da: (magac, dhedig, keli) shacab dhalasho iyo dhaqan wadaaga. Dh: ummad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawmiyad
a: qowmiyad
cf: waddaninimo
de: nationalism
lx: qawmiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
xv: Arabic
key: qawmiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysad
-ka: (magac, lab, keli) kaalaysi oo ceel qoloba maalin u aroorid. Jilaalkii ceelasha goodaysad ayaa lagu cabbaa. Dh: kaltan, kaayaysi, qoodaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombiyid
m.f.dh eeg qaloombi². la-mid: qaloombi¹, qaloombin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloombiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq iyo sawaxan samayn. Dh: buuqid, hugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysad
m.l la-mid: qaroomaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soomaaliyad
f. n. Somali woman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soomaaliyad
de: Somali woman
initial: s
lx: Soomaaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: Soomaaliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyad
m.dh (-do, m.l) 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iyo wixi lamida lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booyad
m.dh (-do, m.l) 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iyo wixi lamida lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booyad
f. n. cistern, container (for water ~ gasoline); tank truck, tanker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booyad
-da: (n) 1. truck constructed to transport liquids; tanker (taang ker) 2. large container for holding or storing liquids or gases; tank (taang-ki)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyad
-da: (magac, dhedig, keli) haan weyn oo biyaha, shidaalka, iyo waxii la mid ah lagu shubo ama lagu qaado. Booyad biyo ah noo soo shub.
booyad-da: (magac, dhedig, keli) tiro ka kooban toban meelood oo meeshiiba toban tahay, tirada sagaal iyo sagaashan kor ka xigta, waana 100. Tiro booyad adhi ahiyo ninka bogol geel ah foofiyaan gacal wadaagnaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booyad
de: cistern, container (for water ~ gasoline); tank truck, tanker
lx: booyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: booyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyad
vl. n. homecoming, going home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyad
a: hooyasho (/da) [vn6-f]
de: homecoming, going home
lx: hooyad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hooyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Kaadisokorow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Kaadisokorow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomiye
m. n. diabetes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomiye
de: diabetes
lx: oomiye
pd: (/ha)
ps: n-m
syn: kaadisokorow, sonkorow
key: oomiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodmid
(Qodmid-da)
Wax qodma ama qodmi kara noqosho; iska faagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodmid
m.f.dh eeg qodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodmid
-da: (magac, dhedig, keli) jilayc darteed wax la qodi karo ahaan. Dh: qodmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoobad
(Qoobad-da)
Qaafiri qori ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoobad
m.dh (-do, m.l) Hooy, xero iyo wixi lamida oo aad ciriiri u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoobad
f. n. small wooden water-vessel ~ drinking cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoobad
-da: (magac, dhedig, keli) baaquli qori laga sameeyey. Dh: baaquli.
qoobad -da: (magac, dhedig, keli) dhismo yar oo kelidii ah. Qoobad ayuu meel cidla ah ku dhistay. Dh: qol, qoolad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoobad
cf: qaafiri
de: small wooden water-vessel ~ drinking cup
lx: qoobad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoobad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofid
-da: (magac, dhedig, keli) gef aan loo kasin samayn. Dh: qaldamid, gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolad
(Qoolad-da)
Qol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolad
-da: (n) room (ruum) ~ qol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolad
a: qol
de: room
lx: qoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolid
(Qoolid-da)
Qool u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolid
m.f.dh eeg qool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolid
-da: (magac, dhedig, keli) qool u yeelid; mareeg qoorta u gelin. Dh: qoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooman
f.mg1 (-oonmay, -oomantay; - oonmi) Wax qooni gaartay noqosho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooman
(tilmaame) mid qoon ama nabar gaadhay qoombi -ga: (magac, lab, keli) xubinta uu malaygu ka neefsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooqid
(Qooqid-da)
1. (awr, kd.) Qooq ku dhicid.
2. Cayaarid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqid
m.f.dh eeg qooq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig u baahasho. Dh: qooqis.
qooqid -da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid. Dh: qooqis, kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorad
(Qoorad-ka)
Qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorad
m.l la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooxid
(Qooxid-da)
(is qooxid) is godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooxid
m.f.dh eeg qoox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooxid
-da: (magac, dhedig, keli) xoodid oo soo godid. Dh: xoodid, goodaadin, godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormid
m.f.dh eeg qoran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roomad
(Roomad-da)
Qoryaha wax lagu dhiso, kuwooda dheerdheer oo aan sarabka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roomad
m.dh (-do, m.l) Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roomad
f. n. main posts for building a nomadic hut
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roomad
cf: aqal
de: main posts for building a nomadic hut
lx: roomad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: roomad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomid
de: fasting in the holy month of Ramadan
initial: s
lx: soomid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soomid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooyad
-ka: (magac, lab, keli) waydiin, cidda la yahay oo la is barto. Dh: tooyasho, haybta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoomid
(Yoomid-da)
Wada hugmid; isku yeerid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoomid
m.f.dh eeg yoon². la-mid: yulqamid.