qoolmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolmid
m.f.dh eeg qoolan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolid
(Qoolid-da)
Qool u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolid
m.f.dh eeg qool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolid
-da: (magac, dhedig, keli) qool u yeelid; mareeg qoorta u gelin. Dh: qoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonmid
m.f.dh eeg qoon4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolid
-da: (magac, dhedig, keli) safar ka nagaansho: socod loo bixi lahaa ka joogid. Dh: oolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooli
f.g2 (-iyay, -isay) Suun ama xarig siriq u sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolid
(Foolid-da)
(ka foolid) Dhib ama baxnaanis ka bixid. ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolid
m.f.dh eeg fool4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dhib ka bixid; ka gudbid. Dh: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolid
(Hoolid-da)
Dhogor ama timo, si farsamo xun u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolid
m.f.dh eeg hool. la-mid: hoolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolid
-da: (magac, keli) dhogor ama timo, si farsamaxumi ah u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid. Dh: hoolis.
hoolid -da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolis, diiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolid
m.f.dh eeg lool³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta loolka ciyaarid. Dh: loolis.
loolid -da: (magac, dhedig, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u maarayn. Dh: maammulid, moolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogmid
m.f.dh eeg oogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollid
m.f.dh la-mid: aallid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollid
-da: (magac, dhedig, keli) meel deggenaan. Oollidda reerku uu oollaayo ayaa la isku gaysta. Dh: deggenaan.
oollid -da: (magac, dhedig, keli) alaab halkii la dhigay iska taallid. Dh: aallid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalmid
(Qalmid-da)
1. Wax haddii la qalayo qalid u suubbama ama qalmi kara noqosho.
2. (u qalmid) u cuntamid; u dhigmid; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalmid
m.f.dh eeg qalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalmid
-da: (magac, dhedig, keli) u cuntamid, u dhigmid, ku habboonaan. Isku qalmidda wiilka iyo gabadha waa la isku raacay. Dh: istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodmid
(Qodmid-da)
Wax qodma ama qodmi kara noqosho; iska faagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodmid
m.f.dh eeg qodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodmid
-da: (magac, dhedig, keli) jilayc darteed wax la qodi karo ahaan. Dh: qodmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofid
-da: (magac, dhedig, keli) gef aan loo kasin samayn. Dh: qaldamid, gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolad
(Qoolad-da)
Qol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolad
-da: (n) room (ruum) ~ qol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolad
a: qol
de: room
lx: qoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolin
m.f.dh eeg qooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolli
f.g2 (-iyay, -isay) Dhal xoolaad hooyadood qool ku nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolli
-ga: (magac, lab, keli) qoorta oo hoos u godanta oo u foororsata. Dh: goodaad.
qoolli -ga: (magac, lab, keli) qaab loo socdo oo uu qofku hore isku tuuro isaga oo is godaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooqid
(Qooqid-da)
1. (awr, kd.) Qooq ku dhicid.
2. Cayaarid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqid
m.f.dh eeg qooq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig u baahasho. Dh: qooqis.
qooqid -da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid. Dh: qooqis, kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooxid
(Qooxid-da)
(is qooxid) is godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooxid
m.f.dh eeg qoox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooxid
-da: (magac, dhedig, keli) xoodid oo soo godid. Dh: xoodid, goodaadin, godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qormid
m.f.dh eeg qoran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoslid
(Qoslid-da)
Qosol sii deyn; soo saarid, ka wareegid, iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoslid
m.f.dh eeg qosol².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoslid
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha caddayn oo qosol sii deyn; gosol iska keenid. Dh: qosol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomid
de: fasting in the holy month of Ramadan
initial: s
lx: soomid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoomid
(Yoomid-da)
Wada hugmid; isku yeerid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoomid
m.f.dh eeg yoon². la-mid: yulqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo dhaadheer kol isku wada darid. Dumar hadday dagaalamaan way yoomid badan yihiin. Dh: yulqamid, buuqid.
yoomid -da: (magac, dhedig, keli) maqaaxi iyo wixii la mid ah si wanaagsan u cammirnaan. Kala tage kadhaalaha madhiyo kiristal yoomaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoolid
(Aqoolid-da)
Wax la wadaago qaybin, kala agaasimid; soorid; qorshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolid
m.f.dh eeg aqool³. la-mid: aqool² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan wax u agaasimid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) wax la wadaago qaybin; kala agaasimid. Dh: qorshayn, qaybqaybin, soorid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka tegniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boolyid
(Boolyid-da)
Si dhac ah oo aan bannaanayn u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolyid
m.f.dh eeg booli².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boolyid
vl. n. robbing, looting, act of defrauding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolyid
-da: (magac, dhedig, keli) booli qaadasho: xoog xoolo dad kale kula wareegid. Xoolo boolyid lagu qaatay ma barakoobaan. Dh: dhacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boolyid
de: robbing, looting, act of defrauding
lx: boolyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: boolyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxmid
(Dooxmid-da)
Doox ka imaansho; doox sii deyn; shuban dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxmid
m.f.dh eeg dooxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dooxan oo uurka ka qalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosmid
m.f.dh eeg goosan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobmid
m.f.dh eeg kooban¹. la-mid: koobniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolyid
(Noolyid-da)
Qof meel u socda, nooli siin ama ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolyid
m.f.dh eeg nooli².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel tegaya kiro gaadid ka bixin
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOOLAAD
(Goalat) S Cadaba barbigera Gilg Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollin
m.f.dh eeg qoolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollis
m.l la-mid: qoollin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoordid
-ka: (maga, lab kell) eeg qadaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooshid
(Qooshid-da)
Waxyaalo badan oo kala duwduwan (miro, dawooyin, ...) isku darid, isku qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooshid
m.f.dh eeg qoosh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshid
-da: (magac, dhedig, keli) budo iyo dareere isku laaqid oo isku cajiinid. Dh: cajiinid, qooshis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qotomid
(Qotomid-da)
Qoton u taagnaan, u dhignaan; lig ahaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotomid
m.f.dh eeg qoton². la-mid: qoton¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku taagnaan oo saray u joogid. Dh: taagni, likaysni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocmid
m.f.dh eeg soocan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida adhiyo kale ku jiaray oo gooni uga baxid.
soocmid -da: (magac, dhedig, keli) wax soocan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodmid
m.f.dh eeg xoodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo qoolaabmay oo godan noqosho.