qoolati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolati
m.l Geed dheer oo aan qodax lahayn oo caleemo cagaaran iyo hoos qabow leh. la-mid: qoolaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolati
-ga: (magac, lab, keli) geed dheer oo aan qodax lahayn oo caleemo cagaaran iyo hoos gabow leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaati
m.l la-mid: qoolati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatir
f.g1 (-ray, -rtay) Qof cayr ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolatir
v. impoverish, deprive someone of his wealth ~ livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatir
(fal) xoolaha ka dhammee. Xoolatir ha xoogsadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolatir
de: impoverish, deprive s.o. of his wealth ~ livestock
initial: x
lx: xoolatir
pd: (xoolatiray)
ps: v1=tr
key: xoolatir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolti
m.dh Hal caano badan leh (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolti
-da: (magacwadareed) xoolaha inta irmaanka ah. Qoltida soo hora. Dh: irmaan.
qolti -da: (magac, dhedig, keli) hal caano badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooli
f.g2 (-iyay, -isay) Suun ama xarig siriq u sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomati
(Oomati-da)
Cunno; oon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomati
m.dh Wax la quuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomati
f. n., [collective] food, nourishment; drink, beverage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomati
-da: (n) food (fuud) ~ oon-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomati
-da: (magac, dhedig, keli) cunto ama dheef la cuno oo noocyo badan oo kala duduwan leh. Todobaad oomati afka ma saarin. Dh: oon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomati
de: food, nourishment; drink, beverage
lx: oomati
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
xe: He doesnt eat or drink anything.
xv: Oomati ma dhadhammin.
key: oomati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolad
(Qoolad-da)
Qol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolad
-da: (n) room (ruum) ~ qol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolad
a: qol
de: room
lx: qoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolan
1. Qool ku jira; la qoolay.
2. (u-qoolan) Eeddu saaran tahay; wax ka mas'uul ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolan
qoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Xarig wax la qoolay noqosho.
qoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Xarig wax la qoolay ahaansho. 2. U q.: qof, wax dhacay ama dhici doona dhibaatada ka timaada ka masuul ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolan
der. [adjective] haltered, wearing a halter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolan
(tilmaame) mid gool ku xidhan. Dh: xidhan.
qoolan: (tilmaame) mid eed saaran tahay, mid ee- daysan. Dh: xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolan
de: haltered, wearing a halter
lx: qoolan
pd: (qoolnaa ~ qoollaa)
ps: adj-der
key: qoolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolli
f.g2 (-iyay, -isay) Dhal xoolaad hooyadood qool ku nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolli
-ga: (magac, lab, keli) qoorta oo hoos u godanta oo u foororsata. Dh: goodaad.
qoolli -ga: (magac, lab, keli) qaab loo socdo oo uu qofku hore isku tuuro isaga oo is godaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolato
(Hoolata-da)
Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolato
m.dh Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoolato
m.dh Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolato
f. n., [collective] disease of the scalp (causing loss of hair)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolato
-da: (magac, dhedig, keli) cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka daadiya ama ka hoola. Dh: hano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolato
de: disease of the scalp (causing loss of hair)
lx: hoolato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: hoolato
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOLAATI
(Collati) NFD, S Diospyros cornii Chiov. Ebenaceae.
S Mimusops fruticosa A. DC. Sapotaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaab
(Qoolaab-ka)
Qallooc; nadooc; golxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaab
qoolaab¹: m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw¹.
qoolaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. la-mid: qolaab, qoolaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoolaab
m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolaab
m. n. bend, curve, curvature; bow
qoolaab v. bend, curve, make curved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolaab
-ay / qoolaaftay: (v) cause to curve or bend; curve (keerv); bend (beendhi) ~qaroof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaab
(fal) wax toosan, afka hore soo qallooci.
qoolaab-ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOOLAAD
(Goalat) S Cadaba barbigera Gilg Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaaw
qoolaaw¹: m.l la-mid: qoolaab¹.
qoolaaw²: f.g1 (-way, -wday) la-mid: qoolaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorato
(Qoorata-da)
Wax cararaya oo laga dheereeyo oo laga hor yimaado inta waddo kale oo toobiye ah oo gaaban la qaado; bogdoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorato
m.dh 1. Q. ah: col si gaadmo iyo dhumaleysi wax ku laaya. 2. la-mid: qoorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoorato
vl. n. getting in front of someone running and cutting him off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorato
-da: (magac, dhedig, keli) horgabatayn wax cararaya inta laga dheereeyo ama hulo gaaban lagaga baxo xagga hore lagaga yimaad oo la joojiyo. Dh: horgabatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoorato
de: getting in front of s.o. running and cutting him off
lx: qoorato
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qoorato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soolaji
m.l (baayoloji) Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomi-gooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigoo-da, tadawurkooda iyo asowgooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soolaji
m.l (baay.) Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomigooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigooda, tadawurkooda iyo asowgooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soolaji
-ga: (magac, lab, keli) barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomigooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigooda, tadawurkooda iyo asowgooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaabid
(Qoolaabid-da)
Wax qoolaaban ka dhigid; soo godid; nadoocin; qooxid; xoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabid
m.f.dh 1. eeg qoolaab². 2. eeg qoolaaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabid
-da: (magac, dhedig, keli) walax dheer afkeeda hore soo laabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaalli
(Qoolaalli-ga)
Qooraansi dhinac ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolaalli
v. crane one's neck sideways
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolaalli
bw: sp: qoollaalli
de: crane one's neck sideways
lx: qoolaalli
nt: qoolaalli (ga) [vn-m]
pd: (qoolaalliyay ~ qoolaalliday)
ps: v1=tr
key: qoolaalli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaambi
(fal) adoo soconaya marba dhinaceeg. Dh: firi, jeedaali
qoolaambi-ga: (magac, lab, keli) hareeraha eegid la socdo. Dh: daymadaymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirs
-ta: (magac, dhedig, keli) tirin oo tirada xoolaha garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysi
-ga: (magac, lab, keli) timaha madaxa iska wada xiirid. Dh: moolaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysi
-ga: (magac, lab, keli) hab reer guuraagu ceelasha uga wada cabbaan oo ah in goloba maalin ku soo aroorto maalin ama labana ka qatanaato. Shaqada qoodaysi ayaan ku qabanayna Dh: kaltamid, kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofalid
(Qoofalid-da)
Qoofal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofalid
m.f.dh eeg qoofal². la-mid: qoofal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofalid
-da: (magac, dhedig, keli) dedid oo hagoog ku xidhid. Dh: qoofalis, dedid.
qoofalid -da: (magac, dhedig, keli) qoofal ku xidhid. Faraska qoofalidda ka daa. Dh: shakaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabo
f.g3 (-btay, -batay) Dab shidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooldaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolnaan
m.f.dh eeg qoolan². la-mid: qoolnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolnaan
-ta: (magac, dhedig, kei) qool ku xidhnaan.
qoolnaan -ta: (magac, dhedig, keli) cedaysnaan, mid eedaysan ahaan. Dh: xidhnaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qooltaar
Nooc ka tirsan dubbeyaasha farsamada birta ee leh jeego kala qaab iyo qadan duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooratee
f.g2 (-teeyay, -teysay) la-mid: qooro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooratee
v. cut off someone running
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooratee
a: qooro
de: cut off s.o. running
lx: qooratee
pd: (qoorateeyey)
ps: v2b=tr
key: qooratee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soocanti
(Soocanti-da)
Inta gaar loo soocay; xulanti; xul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocanti
m.dh Wax badan oo isku jira intooda fiican oo gaar loo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soocanti
f. n. selection, collection, choice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocanti
-da: (magac, dhedig, keli) in gaar loo soocay; xulanti; xul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soocanti
de: selection, collection, choice
initial: s
lx: soocanti
pd: (-da)
ps: n-f
key: soocanti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysi
(Xoolaysi-ga)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysi
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Dh: xoolaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongolaati
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabmid
m.f.dh eeg qoolaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollaalli
qoollaalli¹: m.l 1. la-mid: qoollaalliyid. Eegidda wax ilqooreedka laga eego. 2. Socod isqaadqaad iyo isla weyni ku jirto.
qoollaalli²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Wax ilqoorka ka eegid. 2. Si isqaadqaad iyo isla weyni ku jirto u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoollaalli
(fal) dhinac daymoo adoo qoorta taagaya oo indhaha la raacaya. Kolba qolaan qoollaalliyaa; kolba qolaan qoorta u ridaa. Dh: qooraanso.
qoollaalli -ga: (magac, lab, keli) deymo dhinac la eego iyada oo qoorta la taagayo oo indhaha lala raacaya. Dh: qooraansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooratirsi
m.l Ogaansha la ogaado inta rag ee ku jirta qolo si mag loo bixiyo ama loo qaybsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooratirsi
m. n., [compound] computation of the numerical strength of the males of a clan ~ tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooratirsi
-ga: (magac, lab, kell) ogaansha la ogaado inta rag ee ku jirta qolo si mag loo bixiyo ama loo qaybsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooratirsi
a: qoortirsi
de: computation of the numerical strength of the males of a clan ~ tribe
lx: qooratirsi
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: qooratirsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogalayti
-ga: (magac, lab, keli) qof meel ku cusub; soogalooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirid
m.f.dh eeg xoolatir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhayn oo xoolaha ka dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirsi
m.l la-mid: xoolatirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolatirso
f.mg3 (-saday, -satay) Si diya ama mag loo bixiyo xoolaha reer ka tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolatirso
v. calculate one's wealth; figure out the amount of compensation for blood money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirso
(fal) xoolahaaga tirso. Intaan shago kuu bilaabin xoolatirso.