qonbobitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobitaan
-ka: (magac, lab, keli) qonbobidda lafteeda. Dh: kogitaan, qallalitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobsanaan
(Qonbobsanaan-ta)
Wax qonbobsan ahaan; kogsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qallalay oo qallafay ahaan. Cadceedda ayaa saanta qonbobsanaanta ugu wacan. Dh: kogsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobitaan
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah wax u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg goobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobitaan
-ka: (magac, lab, keli) koobaab u samayn; goobaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qodbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobsan
Wax qonbobay noqday; jactadan; kogsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qonbobsan
der. [adjective] shrunken, shrivelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobsan
(tilmaame) mid kogsan oo qallalan. Saan qonbobsan ayaa dibadda taal. Dh: engegan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qonbobsan
de: shrunken, shrivelled
lx: qonbobsan
ps: adj-der
key: qonbobsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) qool u yeelitaan. Qoolitaanka maqasha ha ku raagin. Dh: qoolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooqidda lafteeda. Dh: qoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobbolitaan
-ka: (magac, lah, keli sheelitaan garitaan. Dh: sheelitaan, qaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) yoxoobidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) mid labadiisii waalid ama midkood waayay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) been noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qombobsanaan
m.f.dh eeg qombobsan. la-mid: qombobsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qombobsanaan
f. n., [abstract] state of shrunkenness, being shrivelled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qombobsanaan
de: state of shrunkenness, being shrivelled
lx: qombobsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: qonbobsan
key: qombobsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax qabashadiisa ku farxitaaan. U bogitaankaa u bogay iyo farxaddaan ka qaaday weli ku joogaa.
bogitaan-ka: (magac, lab, keli) dhammaystiritaanka wax qabya ahaa. Bogitaakii kabaddiyo waxaa isku beegmay carooskii. Dh: ebyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabitaan
-ka: (magac, lab, keli) kabisid oo aad iskugu curjin.
nabitaan-ka: (magac, lab, keli) dhejin oo meel ku musbaarid.
nabitaan -ka: (magac, lab, keli) qof kale, wax aanu samayn ku masabidaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooditaan
-ka: (magac, lab, keli) ood afka ka saarid, oo ku awdid.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) ijaar ama deyr ood ku wareejin.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) xidhitaanka albaab furan. Dh: xidhitaan, awditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg oogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo u baahasho. Oomitaanka ka ilaali beerta. Dh: harraaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg oohitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabitaan
-ka: (magac, lab, keli) cudur lahaansho; xanuun qabid. Qabitaanka xanuunka dhawaan uunbaa lagu ogaaday gabadha.
qabitaan -ka: (magac, lab, keli) deyn ama lacag qabid. Qabitaanka laba kun oo faran wuu oggol yahay. Dh: qabid; qabniin.
qabitaan -ka: (magac, lab, keli) si wax u arkid; arrin si ula muuqasho. Qabitaanka ra'yi qudha ma fiicnee waa in la kala aragti duwanaadaa. Dh: aa- minsanaan, rumaysnaan, qabniin.
qabitaan-ka: (magac, lab, keli) xaas lahaansho; islaan qabid. Islaantayda waxan ku wada joognaa qabitaan sharci ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoditaan
m.l Qodidda la qodo god iyo wixi lamida. la-mid: qodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoditaan
m.l Qodidda la qodo god iyo wixi lamida. la-mid: qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoditaan
-ka: (magac, lab, keli) qodidda lafteeda. Dh: qodniin, qodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobid
(Qonbobid-da)
Wax qonbobay ama qonbobsan noqosho; isku soo kogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid oo wax qallalan noqosho. Kereemka ayaa qonbobidda laga marsadaa. Dh: kogid, qallalid, engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoritaan
(Qoritaan-ka)
Qoraal; qormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoritaan
m.l la-mid: qorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoritaan
vl. n. act of writing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoritaan
-ka: (n) writing (raayting) ~ see also [eeg] qoraal, qorriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoritaan
-ka: (magac, lab, keli) qorida xuruufta la akhriyo lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) qoridda alaabta geedaha laga qoro lafteeda.
qoritaan -ka: (magac, lab, keli) diiwaangelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoritaan
de: act of writing
lx: qoritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: qoritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qubidda lafteeda. Dh: qubniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ababid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg babbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booritaan
-ka: (magac, lab, keli) sac irmaan oo dabada maydhax gumareed ama wax kale laga geliyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbitaan
ka: (n) drink (drink); beverage (bevarij) ~ cabitaan, sharaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbitaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere, afka ku qaaditaan oo liqitaan. Dh: cabniin.
cabbitaan -ka: (magac, lab, keli) dhammaan wixii la cabbo oo dhan; cabbaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocitaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u kicitaan; soo foocniin; soo fuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, dibad u dareeritaan oo u soofitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolitaan
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) dhib ama wax kale, ka gudbitaan oo u dhabar'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg foorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoogid.d
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooritaan
-ka: (magac, lab, keli) di'itaan ama tiixista roobka.
hooritaan-ka: (magac, lab, keli) dindimitaanka iyo shubmidda dareere. Dh: di'id, hoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoositaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos iyo hadh u yeelitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogitaan
vl. n. staying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogitaan
-ka: (n) presence (para sansi); the act of staying ~ joogid, joogis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogitaan
-ka: (magac, lab, keli) tegitaan la'aan. Dh: nagaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogitaan
de: staying
lx: joogitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: joogitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolitaan
-ka: (magac, lab, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolniin.
loolitaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooditaan
-ka: (magac, lab, keli) horay uga gudbitaan. Dh: dhaafitaan.
mooditaan-ka: (magac, lab, keli) malayn aan la hubin qaadasho. Dh: ismoodsiis. Li: hubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moositaan
-ka: (magac, lab, keli) ciid daad celisa dhinac u rogitaan: moos uu daad maroamayn. Dh: moosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabitaan, ku dhejitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg noogganaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololitaan
-ka: (magac, lab, keli) holcasho, belbelitaan. Dh: belbelitaan, belelidtaan.
ololitaan -ka: (magic, lab, keli) guux iyo reen samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qasbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaybin.
qaybitaan-ka: (magac, lab, keli) kor ka qabasho. Dh: xafiditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qombobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qombobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qombobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qombobay ahaansho. m.f.dh, qombobsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobnaan
m.f.dh eeg qoqoban. la-mid: qoqobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala qoqoban ahaan; kala xidhnaan oo labo gaybood kala ahaan. Qoqobnaata aqalku waa asturaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoslitaan
-ka: (magac, lab, keli) qoslidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel iska taagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooritaan
-ka: (magac, lab, keli) orditaan la rooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocitaan
-ka: (magac, lab, keli) xulitaan; madhitaan; miiritaan; soocniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohitaan
-ka: (magac, lab, keli) maydhax miiqan, xadhig ka samayn; soohniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qaybin; soorriin.
sooritaan-ka: (magac, lab, keli) sooridda lafteeda; soorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toositaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdada ka kicitaan. Dh: baraarugitaan
toositaan -ka: (magac, lab, keli) si aan baydhbaydh lahayn u socod. Dh: qumitaan.
toositaan-ka: (magac, lab, keli) wax toosan noqod, hagaagitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) boob wax ku qaadasho. Dh: dhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooritaan
-ka: (magac, lab, keli) iska tuuritaan. Xooritaanka qashinka meel ku hubso. Dh: xoorriin, xoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aynabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qonbobsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshidda lafteed. Dh: qooshniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababitaan
-ka: (magac, lab, keli) sabab u noqosho melgitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg banbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo noqod. Biyoobitaanka barafka ka ilaali oo qaboojiyaha geli. biyoole-ha: (magac, lab, keli) ruuxa biyo dhaaminta ka shaqaysta ee intuu soo dhaamiyo sii gada biyaha. Biyoole tanag iiga shub markuu soo maro. Dh: warraad, biyadhaamiye, dameerdhaamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka bogsashada cudur ku hayey. Dawoobitaankayga waxa sabab u ahaa qalitaankii aan in badan diidanaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax humbulan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid ka hortegitaan oo soo dhawayn. Qaabilitaankii martida ayaa saacado qaadatay. Dh: qaabilid.
qaabilitaan -ka: (magac, lab, keli) ku aaddanaan oo ku toosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tortoritaan
-ka: (magac, lab, keli) qudhun dartii la muudhmuudhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibitaan
-ka: (magac, lab, keli) xannibaad samayn.
xannibitaan -ka: (magac, lab, keli) shakiritaan oo meel ku xajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) socdaal u dhaqaaqitaan oo u tabaabushaysad. Dh: ambabixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanbixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhoobobataax
Loam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodoonitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg doodoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallibmitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhankiisii hoose dusha soo maritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalloocid.