qombar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qombar
-ta: (magac, dhedig, keli) karkar jidka meel ka mid ah ku yaal. Dh: qombor, karkar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bombard
/bambaardh/ (v) dukhayn, rushayn (weerarka diyaaradaha)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bombard
/bambaard/ (v) 1. bambeeyow. 2. wal bathyng warsythow. The candidate was bambarded with questions.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaar
-ka: (magac, lab, keli) haad yar o xamaamka in yar ka weyn oo madow ooreeraha ka dheeraan. Dh: qaagle, tuke.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOMBOOR
(Gombor) S,C? Capparis cartilaginea Decne. Capparidaceae.
S Capparis fascicularis DC. Capparidaceae.
S Capparis tomentosa Lam. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbaar
m.l (-rro, m.dh) Tuke.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambar
Amber
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bomba
f. n. pump; water pipe
bomba [feminine] n. bomb
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bómba
s.f. - garneel, bambo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobar
m. n., (mass n.): copper {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobar
-ka: (n) copper (kopper); Symbol Cu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobar
cf: naxaas
de: copper {chemistry}
lx: kobar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: kobar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabar
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato qarsoon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qamar
name-f moon (Arb)
name-f full moon
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tómba
s.f. - xabaal, qabri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bomber
/bamer/ (n) 1. diyaaradda bambooyinka tuurta. 2. qofka meel bunbo ku garxiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambar
f. n., [collective] amber
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambar
-ka: (n) amber (aam-ber) ~ canbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambar
-ka: (magac, lab, keli) cuf xabagxabag ah oo caddaan, madow ama beycas ah oo ur udgoon leh; jaadadka nibiriga ka mid ah ayuu xiidmihiisa ku samaysmaa waxana laga helaa badaha xeebahooda; waxana loo adeegsadaa samaynta cadarrada qaaliga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambar
a: canbar
bw: Arabic
de: amber
lx: cambar
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: cambar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
combat
/kombaat/ (n) 1. dagaal (v) 2. xarbiyid (dagaalid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
combat
combat, n.m. - Martiqaadka laguugu yeedho inaad wax la ciyaarto ama tartan gasho; Hardan; Dagaal laba qof ah.
combat acharné - Halgan.
char de combat - Taangi; dubaabad; Taangiga dagaalka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
combat
v.tr. and v.i., dagaalan, weerar.
combat, n., dagaal, -ki, weerar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambar
m.l Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambar
m.l Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambar
m. n., (mass n.): colostrum, kind of milk secreted for a few days after parturition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambar
-ka: (n) foremilk (foor-milk); colostrum (ko-laas-taram) ~ danbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambar
-ka: (magac, lab, keli) caanaha u horreeya ee ribta ah ee wax imika dhalay naaskiisa laga jaqo ama laga liso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambar
de: colostrum, kind of milk secreted for a few days after parturition
lx: dambar
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: dambar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambar
m. n. small bench, stool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat, stool or bench ~ ganbar, gamber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambar
-ka: (magac, lab, keli) eeg gambadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambar
a: ganbar
cf: kursi
de: small bench, stool
lx: gambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gambar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gembar
m. n. stool, small bench
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gembar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat stool or bench ~ ganbar, gamber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gembar
a: gambar
de: stool, small bench
lx: gembar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gembar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lambar
(Lambar-ka)
Lanbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambar
m.l (-rro, m.dh) Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. la-mid: nambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lambar
m.l (-rro, m.dh) Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. la-mid: nambar.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lambar
number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambar
m. n. number, numeral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambar
-ka: (n) number (nam bar) ~ nambar, tiro-lanbar. Ex: lambarka taleefankiisa... his telephone number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambar
-ka: (magac, lab, keli) tiro xidhiidh ah oo is daba taal mid ka mid ah. Dh: lanbar, tiro, tirsi.
lambar -ka: (magac, lab, keli) alaab ganacsi oo isla socota. Lambarkii wa la wada iibsaday. Dh: qayb. Wa: lambarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambar
bw: lanbar, nambar
de: number, numeral
lx: lambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: tiro
key: lambar
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lumbar
(adj) the lower back between the ribs and the pelvis.
dhabar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mambar
m.l la-mid: minbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mambar
m. n. pulpit in a mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mambar
-ka: (n) an elevated platform used in a mosque used for religious service, especially on Fridays ~ mimbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mambar
-ka: (magac, lab, keli) meel uu imaamku fuulo marka uu khudbad akhriyayo gaar ahaan ta ku taal mixraabka agtiisa ee khudbadda Jumcada laga akhriyo. Kolkuu imaamku fuulo mambarka hadalku waa mamnuuc. Dh: mimbar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mambar
bw: Arabic
de: pulpit in a mosque
lx: mambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: mimbar
key: mambar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mimbar
m.l (-rro, m.dh) (dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. la-mid: mambar, minaawar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mimbar
m.l (-rro, m.dh) (dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. la-mid: mambar, minaawar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mimbar
m. n. pulpit in a mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mimbar
-ka: (n) an elevated platform used in a mosque for the Friday religious service ~ minbar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mimbar
a: mambar ~ manbar ~ minbar
bw: Arabic
de: pulpit in a mosque
lx: mimbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mimbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nambar
(Nambar-da)
Lambar, (lanbar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambar
m.l la-mid: lambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nambar
m. n. number, numeral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nambar
-ka: (n) number (namber)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambar
-ka: (magac, lab, keli) tiro shey calaamad u ah si waxyaalaha kale looga sooco. Toobka waxa ku dul qoran nambar. Dh: lambar, lanbar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nambar
a: lambar
de: number, numeral
lx: nambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: nambar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomaar
(Oomaar-ka)
Hulaaq ama ciiryaamo-la-mood ka kaca biyaha iyo wixii qoyan oo kululaada; uumi, qiiqbiyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomaar
oomaar¹: m.l 1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.
oomaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomaar
m.l 1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Oomaar
name: Oomar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomaar
m. n., (mass n.): steam, mist, vapor
oomaar v. steam, emit steam; smoke ~ burn (as of food on the stove)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Oomaar
nickname; name-m steam, emit steam; mist, vapor. Lit: an always hot and temperamental person or he who was born during the hot and windy season. Cf: Hunri
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomaar
-ka: (n) steam (istiim) ~ uumi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oomaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli kulayl ah ama isaguba ahaa wiil firfircoon diirran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaar
-ka: (magac, lab, keli) uumiga ka baxa biyuhu markay baylaan. Oomaarka dherigu yuu ku gubin. Dh: uumi, qiiqbiyood.
oomaar-ka: (magac, lab, keli) qadhmuunka xooga ah. Biyaha diimiska ah oomaar xun ayaa ka baxa. Dh: ontor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaar
ciyaar sharci ahaan xaaraan ah oo lacag lagu kala helo. Qamaar ha ciyaarin. Dh: khamaar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QODAAR
(Goddar) N Kleinia squarrosa Cuf. Compositae.
N Kleinia triantha Chiov. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodban
1. Inta qodob layskula garaacay ama meel kale lagula garaacay la adkeeyey, la niibay; musmaaran; qataaran.
2. Tolan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodban
f.mg4 (-na. -nayd) 1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodban
f.mg4 (-na. -nayd) 1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho. m.f.dh, qodbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodban
der. [adjective] sewn (together ~ up), sutured, joined
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qodban
cousu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodban
(tilmaame) sidii horay loogu xidhay oon la furin ah. Joonyad qodban oo sonkor ah iga iibi. Dh: xidhan, moolgaraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodban
de: sewn (together ~ up), sutured, joined rw: qodob
lx: qodban
pd: (qodbanaa)
ps: adj-der
key: qodban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qombob
qombob¹: m.l Isku rooridda uu isku soo rooro wx kala baxsanaa engeg ama kulayl dartii.
qombob²: f.mg1 (-bay, -btay) Wax kala baxsanaa isku soo roorid engeg ama kulayl dartii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qombob
f.mg1 (-bay, -btay) Wax kala baxsanaa isku soo roorid engeg ama kulayl dartii. m.f.dh, qombobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qombob
m. n. shrinking, shrinkage, shrivelling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qombob
-ka: (magac, lab, keli) isku rooridda uu isku soo rooro wax kala baxsanaa, engeg ama kulayl dartii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qombob
de: shrinking, shrinkage, shrivelling
lx: qombob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: qonbob
key: qombob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbor
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qonbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoobad
(Qoobad-da)
Qaafiri qori ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoobad
m.dh (-do, m.l) Hooy, xero iyo wixi lamida oo aad ciriiri u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoobad
f. n. small wooden water-vessel ~ drinking cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoobad
-da: (magac, dhedig, keli) baaquli qori laga sameeyey. Dh: baaquli.
qoobad -da: (magac, dhedig, keli) dhismo yar oo kelidii ah. Qoobad ayuu meel cidla ah ku dhistay. Dh: qol, qoolad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoobad
cf: qaafiri
de: small wooden water-vessel ~ drinking cup
lx: qoobad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoobad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofar
(Qoofar-ka)
Libaax-badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofar
m.l Nooc libaax badeedka ka mid ah oo aad halis u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoofar
m. n. dangerous shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofar
-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoofar
cf: libaax-badeed
de: dangerous shark sp.
lx: qoofar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qoofar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorbax
(ereydhawaaq) eyda lagu yidhaahdo marka la eryayo. Dh: wid.