ereyga

qolofqab

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolofqab

DHAN

m.l Beejoqab; buryaqab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolofqab

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) beejoqab; buryaqab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qoorqab

DHAFANDHAAF
1

(Qoorqab-ka)

2

(awr, kd.) Aan xiniinyaha laga bixin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoorqab

DHAFANDHAAF

m.l.kh Neef lab oo aan xiniinyaha laga bixin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoorqab

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] uncastrated male (camel, etc.)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoorqab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) lab aan la dhufaanin oo xiniinyo qaba waxna saran kara. Dh: qoor, qoodhqab..

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qoorqab

DHAFANDHAAF
1

de: uncastrated male (camel, etc.)

2

lx: qoorqab

3

pd: (-ka)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: qoorqab

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qolof

DHAFANDHAAF
1

(Qolof-ta)

2

1. Dubka sare oo geedaha.

3

2. Jilif xalleef ah oo nabarrada korkooda ku samaysanta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolof

DHAFANDHAAF

m.l/dh (-lfo, m.l) 1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qolof

DHAFANDHAAF

m.l/dh (-lfo, m.l) 1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qolof

DHAFANDHAAF

f. n. husk, pod; shell; (snake) skin, (fish) scales; scab

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qolof

DHAFANDHAAF

-ta: (n) rind (raayndh); peel (piil); bark (haa^); the skin of fruits and vegetables; shell (sheel) ~qob

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolof

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) diir adag oo geedo ama noole kale ku dahaadhan oo dusha ka saaran. Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed golofi ka dhacday: Dh: diir

2

qolof-ta: (magac, dhedig, keli) jidhifadag oo nabarradu kolkay bogsanayaan ku dulsamaysanta. Nabarkii wuu golof ritay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qolof

DHAFANDHAAF
1

cf: dhil

2

de: husk, pod; shell; (snake) skin, (fish) scales; scab

3

lx: qolof

4

pd: (-ta Pl: qolfo (/ha))

5

ps: n3-f

6

key: qolof

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolaab

DHAFANDHAAF

f.g1 (-bay, -btay) la-mid: qoolaab².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qoofal

DHAFANDHAAF
1

(Qoofal-ka)

2

Xarig tidcan ama dhaaclaysan oo labada afba ilo ku leh oo fardaha jeeni iyo lug isxiga lagaga xiro, si ayan u fogaan ama u cararin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoofal

DHAFANDHAAF
1

qoofal¹: m.l 1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo. 2. la-mid: qoofalid.

2

qoofal²: f.g1 (-alay, -ashay) Awr ama faras jeenyaha hore dabar suun ah uga seeteyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qoofal

DHAFANDHAAF

m.l 1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoofal

DHAFANDHAAF
1

m. n. hobble, tether (for horse)

2

qoofal v. hobble ~ tie up (a horse); lock up (a building)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoofal

DHAFANDHAAF
1

(fal) dusha hagoog ka saar oo ku wada qari. Baabuurka shiraac ku qoofal. Dh; dahaadh, hagoog.

2

qoofal -ka: (magac, lab, keli) jaad warmaha ka mid ah oo aad u weyn ama af ballaadhan. Qiyaas uma ridaan reer Xareed goofal kii warane.

3

qoofal -ka: (magac, lab, keli) xadhig rudcan co labada afba ilko ku leh oo farduhu si aanay u fogaan ama u cararin lagu shakaalo, Dameerka qoofal ku xidh. Dh: shagkaal.

4

qoofal -ka: (magac, lab, keli) hagoog wax wada qarisa. Dh: hagoog; dahaadh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qoofar

DHAFANDHAAF
1

(Qoofar-ka)

2

Libaax-badeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoofar

DHAFANDHAAF

m.l Nooc libaax badeedka ka mid ah oo aad halis u ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoofar

DHAFANDHAAF

m. n. dangerous shark species

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoofar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) libaaxbadeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qoofar

DHAFANDHAAF
1

cf: libaax-badeed

2

de: dangerous shark sp.

3

lx: qoofar

4

pd: (-ka)

5

ps: n-m

6

key: qoofar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qooqan

DHAFANDHAAF

Qooq hayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qooqan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Xoolo lab wax qooq hayo ahaansho. 2. Dugaag ama halaq wax dad cun ah ahaansho. 3. Qof kibir badan ahaansho. 4. Gabar wax galmo u baahan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qooqan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Xoolo lab wax qooq hayo ahaansho. 2. Dugaag ama halaq wax dad cun ah ahaansho. 3. Qof kibir badan ahaansho. 4. Gabar wax galmo u baahan ahaansho. m.f.dh, qooqnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qooqan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] in rut (of male camel); sexually aroused (man) {rude}; on a rampage, wild

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qooqan

DHAFANDHAAF

qooqnaa / qooqnayd: (adj) estrus (es taras); be in rut; a period of mammalian sexual activity, especially for a male camel

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qooqan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) mid qooq hayo, mid guurdoon ah. Nin qooqan ayaa gabadh loo doonayaa.

2

qooqan: (tilmaame) aad u kibirsan. Dh: kibirsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qooqan

DHAFANDHAAF
1

de: in rut (of male camel); sexually aroused (man) {rude}; [fig.] on a rampage, wild

2

lx: qooqan

3

pd: (qooqnaa)

4

ps: adj-der

5

key: qooqan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qolfaad

DHAFANDHAAF
1

(Qolfaad-ka)

2

Doonyaha meelaha ay biyo ka keenayaan oo la awd'awdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolfaad

DHAFANDHAAF
1

qolfaad¹: m.l 1. Weel gaboobay oo aan la isticmaalin. 2. la-mid: qolfaadid. Cuf la geliyo doonyaha meelaha ay ka dalooshamaan.

2

qolfaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Doon dalooshantay cuf gelin. 2. (f.mg) Weel gaboobay isticmaal beelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qolfaad

DHAFANDHAAF
1

m. n. caulking substance

2

qolfaad v. caulk (a ship)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolfaad

DHAFANDHAAF
1

(fal) meel biyo ay markab ama doonni uga soo galayaan furee oo ood. Daloolka hoose golfaad. Dh: awd, furee, ood.

2

qolfaad-ka: (magac, lab, keli) awdid la awdo meelo ay biyuhu ka soo galaan ama ay ka sii daayaan doonyuhu. Dh: daboolid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Qolo-da

DHAFANDHAAF

tribu, équipe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qoolaab

DHAFANDHAAF
1

(Qoolaab-ka)

2

Qallooc; nadooc; golxo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoolaab

DHAFANDHAAF
1

qoolaab¹: m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw¹.

2

qoolaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. la-mid: qolaab, qoolaaw².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qoolaab

DHAFANDHAAF

m.l 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. la-mid: qoolaaw.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoolaab

DHAFANDHAAF
1

m. n. bend, curve, curvature; bow

2

qoolaab v. bend, curve, make curved

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qoolaab

DHAFANDHAAF

-ay / qoolaaftay: (v) cause to curve or bend; curve (keerv); bend (beendhi) ~qaroof

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoolaab

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax toosan, afka hore soo qallooci.

2

qoolaab-ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Qolof-ta

DHAFANDHAAF

écorce, écaille.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoodhqab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) lab aan la dhufaanin oo xiniinyo qaba waxna saaran kara. Dibigu qublay maahee waa qoodhagab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolobdhabo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-obday, -obatay) Awr qooqan isaga oo madax soo laallaadinaya daamankana isla dhacaya ordid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolobdhabo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) awr qooqan isaga oo madax soo laallaadinaya daamankana isla dhacaya ordid.

2

qolobdhabo-da: (magac, dhedig, keli) dad wada deggan qabil iyo reer ku kala saarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolofayso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: qolfayso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoorqabad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qasbid wax la isku qasbo. Waxaro qoorqabad biyo kuma cabbaan. Dh: dirqi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolobdhabad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qolobdhabasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolofdhacsi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qolofdhacsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolofdhacso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xamaarato, mallay iyo wixi lamida xuub siibasho. 2. Nabar qolof ka dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qolofdhacso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-saday, -satay) 1. xamaarato, mallay iyo wixi lamida xuub siibasho. 2. Nabar qolof ka dhicid. m.f.dh, qolofdhacsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qolofdhacso

DHAFANDHAAF

v., [compound] shed the scab (of a wound that has healed)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qolofdhacso

DHAFANDHAAF
1

de: shed the scab (of a wound that has healed)

2

lx: qolofdhacso

3

pd: (qolofdhacsaday)

4

ps: v3a=cmp

5

key: qolofdhacso

waa la naqliyay ✓