qolaysamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolaysamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel qodan ku wada shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolaysmid
(Qolaysmid-da)
(biyo, kd.) Meel godan ama docaha ka awdan isugu uruurid; isugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysmid
m.f.dh eeg qolaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysad
m.l la-mid: qolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysi

qolaysan
f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Biyo wax meel godan ku aruursamay ahaansho. 2. Wax meel ciriiri ah ku xareysan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolaysan
der. [adjective] contained, confined (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolaysan
(tilmaame) wax meel ku majaroorsan oo ku wada shuban. Biyo meel ku qolaysan ayaan adhiga waraabiyey Dh: urursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolaysan
de: contained, confined (of liquid)
lx: qolaysan
nt: qolaysan (qolaysmay) [v1=inch]
pd: (qolaysnaa)
ps: adj-der
key: qolaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysmid
(Jilaysmid-da)
(wadaan, kd.) aad u buuxsamid; buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysmid
m.f.dh eeg jilaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo in shay loo ekeysiin karo wax kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsamid
m.f.dh eeg qaybsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaybo kala noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolfaysad
m.l la-mid: qolfaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysasho
m.f.dh eeg qolayso. la-mid: qolaysad, qolaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolfaysasho
m.f.dh eeg qolfayso. la-mid: qolfaysasho, qolfaysad, qolfaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacid iyo ilaalin la'aan. Dh: daayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysi
m.l la-mid: qalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaxid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadid oo wax cad ka dhigid. Dh: caddayn. Li: dahid, daboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOLAATI
(Collati) NFD, S Diospyros cornii Chiov. Ebenaceae.
S Mimusops fruticosa A. DC. Sapotaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan gaarsiin. m.f.dh, qoyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ku q.: qof jirran jeenan siin. 2. ku q.: nafley wax ay cabto si khasab ah afka ugu shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaami
(fal) qof aan wax liqi karayn dareere kolba inyar afka kaga shub. Ninka buka caanaha ku qulaami. Dh: jal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysmid
m.f.dh eeg afaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysad
-ka: (magac, lab, keli) xijaabasho uu qofku dhanka Rabbi u kaco oo uu geeriyoodo. Dh: Allaysi xijaabasho, dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caytamid
(Caytamid-da)
Hadallo cay ah, la yiraahdo, la isdhaafsado; (ama caytan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytamid
m.f.dh eeg caytan². la-mid: caytan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caytamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale hadallo cay ah ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) murgaamidiye firfricooni ku soo korodha qofka, marka uu qaato wax baraaruja oo la cabbo ama la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaydmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fil iyo fac la mid ah ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysad
-ka: (magac, lab, keli) hilib ama cunto kale, hog ku bislaysasho; hog ku dubasho. Dh: hogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansad
m.l la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysad
m.l la-mid: jilaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimid
m.f.dh eeg laasin³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimid
-da: (magac, dhedig, keli) mar kasta samayn; qaayibid; joogteyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaabid
(Layaabid-da)
Yaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacid oo la amakaagid. Dh: irkigid, ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacmid
m.dh eeg layacan¹. la-mid: laayacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabsami
(Qaabsami-da)
Qaab wanaagsan ama qurux badan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabsami
m.dh Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. la-mid: qaabsamaan, qaabsamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabsami
m.dh Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. la-mid: qaabsamaan, qaabsamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaabsami
f. n. beauty of form, well shaped figure
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaabsami
Buona creanza
Good manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabsami
-da: (magac, dhedig, keli) hannaan wanaagsani. Hawshu si qaabsami ah ayay u socotaa. Dh: habsami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaabsami
de: beauty of form, well shaped figure
lx: qaabsami
pd: (-da)
ps: n-f
key: qaabsami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qablamid
(Qablamid-da)
Qablan samayn, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qablamid
m.f.dh eeg qablan². la-mid: qablan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qablamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal qaylo ah iyo socod sanqadh dheer oo culus leh. Waxba yuun qablamin oo annaga, qaw na maqashiine. Dh: buugid.
qablamid -da: (magac, dhedig, keli) wax qablamay ahaan; gaajo xoog ah qaabid. Qablamid ayay lo'du la ciyaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflamid
m.f.dh eeg qaflan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalayari
-da: (magac, dhedig, keli) buuq yaraan; nefis ahaan. Dh: qalyari, nafis. Li: qalo, buuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qudrad, subag iyo wixi lamida muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldamid
m.f.dh eeg qaldan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldamid
-da: (magac, dhedig, keli) gef iyo wax aan sax ahayn samayn. Qaldamiddu waa dabeecadda Aadanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamaamid
(Qamaamid-da)
Sida wax oomman, meel wax yaalliin, ugu yaacid, ugu firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamid
m.f.dh eeg qamaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi awgeed meel ugu wada yaacid. Lo'da adaa qamaamidda ugu wacan. Dh: qamaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraan ururin. Qaraamidda qof uun ha lagu ogaado. Dh baahayn, dhawrtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaxmid
m.f.dh eeg qayaxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirmid
(Qayirmid-da)
Beddelmid; doorsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirmid
m.f.dh eeg qayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bed- delmid. Cadceedda ayaa qayirmidda gaadhiga ugu wacan. Dh: beddelmid, doorsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafid
-da: (magac, dhedig, keli) af garan waayid: ka hor jeesasho cid laga horjeesto iyada oo wax lagu diiddan yahay. Is qilaafid kuma maqal labadii shirkadda wada lahayd. Dh: khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolfaysi
m.l la-mid: qolfaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyaamin
m.f.dh eeg qoyaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubaysad
-ka: (magac, lab, keli) jidhka maydhasho. Dh: maydhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaamin
(Qulaamin-ta)
Qof buka oo aan wax cabbi karin, afka qulaan ama qaaddo wax kula siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaamin
m.f.dh eeg qulaami. la-mid: qulaamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulaamin
-yey (adj) spoon- feeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan cunto liqi karayn, caano iyo wax la mid ah afka kaga shubid. Dh: jalid, qulaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaamis
(Qulaamis-ka)
Qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaamis
m.l la-mid: qulaamin.