ereyga

qolaqolo

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolaqolo

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) jilibjilib, reereer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoloqolo

DHAFAN

m.dh Kala bixidda ay ummad meel wada deggan qabiil qabiil u sii kala baxdo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoloqolo

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) kala bixidda ay ummad meel wada deggan qabiilqabil u sii kala baxdo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolaqolay

DHAFANDHAAF

(fal) dad qolo qolo u kala qaad oo qabyaaladay. Dh: qoloqolee; qabyaaladee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qolqol

DHAFANDHAAF
1

(Qolqol-ka)

2

1. Aqal dhisan gudihi marin ku yaal oo dhuuban oo leexsan oo qolalka iyo derbiyada ka dhex samaysma; laabato; xolxol.

3

2. (biyo, kd.) Shuban; qulqul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolqol

DHAFANDHAAF
1

qolqol¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iyo wixi lamida lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.

2

qolqol²: f.g1 (-olay, -oshay) 1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qolqol

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iyo wixi lamida lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qolqol

DHAFANDHAAF
1

m. n. partition, back room ~ curtained rear part of hut; closet

2

qolqol v. flow, trickle

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolqol

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) kadinka aqallada laga galo iyo agtiisa. Dh: afaaf, kadin.

2

qolqol-ka: (magac, lab, keli) aqal dhisan gudihiisa marrin ku yaal oo dhuuban oo leexleexsan oo qolalka iyo derbiyada ku dhex samaysan. Aqalku wuu golqol yar yahay Dh: laabato; xolxol.

3

qolqol-ka: (magac, lab, keli) eeg quiqul. qolqolaysan: (tilmaame) wax meel la isugu geeyay oo urursan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolaqolayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) dad mid ah qoloqolo u kala saarid: qabyaaladayn. Dadka wanaagsani qolaqolaynta way nacaan. Dh: qoloqolayn, qabyaaladayn.

2

qolaqolayn -ta: (magac, dhedig, keli) dareere shubma meel docaha ka awdan isugu geyn oo ku ururin. Biyaha qolaqolayn u samee. Dh: qoolays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qolaqolays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg qolaqolayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoloqolee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-leeyay, -leysay) Dad meel wada deggan ama wada jooga qabiil qabiil u kala saarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gololo

DHAFANDHAAF
1

(Golola-da)

2

1. Astaamaha summadda mid kamid ah.

3

2. Hadal si wanaagsan loo dhisay, badanaa hadal la dulmaro, xubnihiisa iyo qodbihiisana la koobo oo la sheego.

4

3. (cilmiga dhismaha) dhis qaabka qaansada leh oo guryaha iyo kaabadaha iyo wixii la mid ah loo yeelo, culays celin ama qurux darteed; qaanso.

5

4. Wax la qurxiyey oo qaab gololo - summad yare soo xoodan - loo yeelay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gololo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Summadda xoolaha lagu dhigo mid ka mid ah. 2. Hadal si wanaagsan loo jeediyey. 3. Dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gololo

DHAFANDHAAF

f. n. brand-mark, insignia; diagram, sketch; indirect speech, metaphor

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gololo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) hadal si wanaagsan loo jeediyey.

2

gololo -da: (magac, dhedig, keli) dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.

3

gololo -da: (magac, dhedig, keli) summad lagu dhigo xoolaha oo luqunta ku wareegsan. Aan sumad rag kaga gaar ah iyo gololo loo yeelin. Dh: mareeg.

4

gololo -da: (magac, dhedig, keli) inan gashaanti ah. Gololo, ma is guursanaa? Dh: gabadh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gololo

DHAFANDHAAF
1

de: brand-mark, insignia; diagram, sketch; [fig.] indirect speech, metaphor

2

lx: gololo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: gololo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qalagoo

DHAFANDHAAF

(fal) waadaal ka gudub oo nololsha la qabso Saaddex cishaad joogtaaye haddeed qalagoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qalqalo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) summad geela lagu dhigo. Hal qalqalo leh ayaa geela la socota.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolayso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-stay, -satay) 1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qollofo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aflagaado iyo adyad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qolqol_1

DHAFANDHAAF
1

de: partition, back room ~ curtained rear part of hut; closet

2

hm: 1

3

lx: qolqol

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: qolqol_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qolqol_2

DHAFANDHAAF
1

bw: qulqul

2

de: flow, trickle

3

hm: 2

4

lx: qolqol

5

nt: qolqol (ka) [vn-m], qolqolid (da) [vn-f]

6

pd: (qolqolay)

7

ps: v1=intr

8

key: qolqol_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolqolan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nirig naaska laga goynayo wax carrabka laga dalooliyay ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qolqolid

DHAFANDHAAF
1

(Qolqolid-da)

2

Sida biyaha u shubmid, u mulacyeyn, isu dabajoogid; (ama qulqulid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qolqolid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qolqol².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoroqoro

DHAFANDHAAF

m.dh Qalab bir ka samaysan oo baalid ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoroqoro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ka samaysan oo baalid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

vocabolo

DHAFANDHAAF

s.m. - erey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boolaboolo

DHAFANDHAAF

m.dh Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. la-mid: boolamboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

boolaboolo

DHAFANDHAAF

m.dh Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. la-mid: boolamboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Goldaloolo

DHAFANDHAAF
1

(Goldaloola-da)

2

Meel dhinac ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga baqaa (col, kd.) ka soo geli karaan ama ka iman karaan; meel halis ah; haad; baylah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goldaloolo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

goldaloolo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

goldaloolo

DHAFANDHAAF

f. n. way through, gap

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

goldaloolo

DHAFANDHAAF

-goldaloolada: (n) [Pl. goldaloolooyin-ka] a way of escaping a difficulty: loophole (luup hool) ~ guldaloolo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goldaloolo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel jilicsan oo ay waxyeello ka iman karto. Goldalooladeedaa ka badan galalka ciideede. Dh: iin, ceeb.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

goldaloolo

DHAFANDHAAF
1

de: way through, gap

2

lx: goldaloolo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: goldaloolo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoloqoleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qoloqolee. la-mid: qoloqoleys.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoloqoleys

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qoloqoleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

borsaiòlo

DHAFANDHAAF

s.m. - ciyaal-jeeb.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

boscaiòlo

DHAFANDHAAF

s.m. - qoryo gure.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

donnaiòlo

DHAFANDHAAF

s.m. nin naago wad badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qolannimo

DHAFANDHAAF

f. n., [abstract] tribalism, ethnic awareness

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qolannimo

DHAFANDHAAF
1

de: tribalism, ethnic awareness rw: qolo

2

lx: qolannimo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f-abs

5

key: qolannimo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qoolaalli

DHAFANDHAAF
1

(Qoolaalli-ga)

2

Qooraansi dhinac ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoolaalli

DHAFANDHAAF

v. crane one's neck sideways

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qoolaalli

DHAFANDHAAF
1

bw: sp: qoollaalli

2

de: crane one's neck sideways

3

lx: qoolaalli

4

nt: qoolaalli (ga) [vn-m]

5

pd: (qoolaalliyay ~ qoolaalliday)

6

ps: v1=tr

7

key: qoolaalli

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoroqorow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-obay, -owday; -oobi) Qalab bir ah qoroqoro noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qoryaqore

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] wood-worker

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoryaqore

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) shinbir yar oo geedaha afkiisa ku dalooliya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qoryaqore

DHAFANDHAAF
1

de: wood-worker

2

lx: qoryaqore

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-cmp

5

syn: najaar

6

key: qoryaqore

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boolamboolo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: boolaboolo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boolamboolo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shimbir cad oo luga dhaadheer oo badda ku dul socota; xuur badeed. Boolamboolo keli ma duusho. Dh: boolaboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Volcanology

DHAFANDHAAF

Cilmiga folkaanaha

waa la naqliyay ✓