qol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qol
(Qol-ka)
Qaybaha guriga mid kamid ah oo afar derbi dhexdood ah, korkana ka awdan; qoolad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qol
m.l (-lal, m.l) Qaybaha uu guri u qaybsamo middood oo aan ahayn musqusha iyo jikada. la-mid: qawlad, qoolad, qowlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qol
m.l (-lal, m.l) Qaybaha uu guri u qaybsamo middood oo aan ahayn musqusha iyo jikada. la-mid: qawlad, qoolad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qol
m. n. room; hall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qol
-ka: (n) [plural qolol-ka] room (ruum) ~ maqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qol
-ka: (magac, lab, keli) maqsinnada uu aqalku ka kooban yahay mid ka mid ah. Dh: qurfo, maqsin. Wa: qolal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qol
de: room; hall
lx: qol
pd: (-ka Pl: qolal (ka))
ps: n4-m
key: qol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qol
غُرْفَةَ حُجْرَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alool
(Alool-ka)
Jaad dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo geed duur la yiraahdo ulihiisa, oo inta la sayo, jil lagu marriimo, oo badanaa qolalka lagu kala ilaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araare
(Araara-ha)
Labo qolo oo dagaallamaya oo la kala joojiyo; dagaaljoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaaggal
(Ardaaggal-ka)
Ardaa qurux badan oo loo dhiso nin ama qolo gabdhaddoon iyo xididtooyo u timaadda; dadabgal; riddingal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bah
(Bah-da)
1. In hooyo wada dhashay; tol; qolo.
2. Gob; (sida: bah iyo beel.
3. (°) Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahaldile
(Bahaldila-ha)
Nin qolo ama col wada oo ugu horreeya xagga geesinnimada iyo dagaalka; halaqdile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beel
(Bee-sha)
1. Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
2. Qolo qolo ka xoog badani ka dultimid ama qabsatay oo xoog ugu taliso; raaciye; isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysasho
(Beelaysasha-da)
Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; beelaysi; gumeysi; raaciye ka dhigasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bersed
(Bersed-da)
Guriga qolkiisa fadhiga; meesha lagu sheekaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birre
(Birra-ha)
1. Ubaxa cawska.
2. Qolofta badarka qaarki, (sida bariiska) ku rogan; bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bocool
(Bocoo-sha)
Qolof bahal-galeen ah oo aalaa laga helo dhulka waayadii hore baddu fadhiyi jirtey; aleel weyn; caroog; dhulman; tammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunshe
(Buunsha-ha)
Daboolka jilicsan oo ku rogan badarka oo tumidda lagaga baxsho; diir; qob; qolof; bariiq (bariiska); (ama buushe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caad
1. (Caad-da) Dhagax, isagoo shiilmay oo qolqola haya dhulka gudihiisa ka soo baxay, oo isagoo is-haysta dhulka korkiisa ku ballaartay oo ku qaboobey; sallax dhagax ah oo jaadkaas ah oo biyaha celiya.
2. (Caad-ka) Daruur cad oo xalleefsan oo aad u sarraysa; daruurta da'satey waxa ka hara oo wax cirka laftiisa ku dhegsan la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanallul
(Caanallu-sha)
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh, oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carsaanyo
(Carsaanya-da)
Nafley kalluunka qolofta ku jira lagu tirsho; waxay leedahay afar lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato; hor iyo dibba waa u oroddaa; - qabaanqab; suulalgoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cid
(Cid-da)
Dad meel wada deggan; dad xiriir ka dhexeeyo; degmo; qolo; reer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyi
(Ciyi-ga)
1. Gargaar; xoolaggooyo.
2. Hilib, qoladii wax qalataa deriska u qaybiso.
3. Xarad rarada ama weelka la tolayo lagu dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daah
(Daah-a)
1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.
2. Dib u dhac; raagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daas
(Daas-ka)
Aqal, guri, qol, dukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaq
(Dabaq-a)
1. Dabool weelasha afka laga saaro.
2. Aqal ka samaysan qolal korka iska saarsaaran, intii isku heer ah oo simanba; reen; fooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolo
(Qola-da)
Dad xiriir ka dhexeeyo; cid; reer; dad; tol; jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolo
f. n. tribe, clan, group of people; lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qolo
-qolada: (n) 1. tribe (taraayb); clan (kalaan) ~ qabiilo, qabiiL Ex: qoladee baa tahay? to which clan do you belong to? 2. race (reeys); nation (neey-shin) ~ qoon, quruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolo
de: tribe, clan, group of people; lineage
lx: qolo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: They are of the same clan.
xv: Waa isku qolo.
key: qolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qool
(Qool-ka)
1. Suun ama xarig il leh oo maqasha iyo wixii la mid ah, surka lagaga xiro ama loo geliyo; mareeg.
2. Kan eyga.
3. Ul weyn.
4. Kuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qool
qool¹: m.l (-lal, m.l) 1. Suun ama xarig siriq leh oo maqasha iyo wixi lamida surka lagaga xiro. 2. Ul weyn. 3. Kuul. 4. Summad wareeg ah oo xoolaha luqunta looga dhigo. 5. Diillin cad oo neef ido ah kurka uga taal.
qool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) 1. Suun ama xarig siriq u samayn. 2. Cid khayaameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qool
m.l (-lal, m.l) 1. Suun ama xarig siriq leh oo maqasha iyo wixi lamida surka lagaga xiro. 2. Ul weyn. 3. Kuul. 4. Summad wareeg ah oo xoolaha luqunta looga dhigo. 5. Diillin cad oo neef ido ah kurka uga taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qool
m. n. halter, collar, neck piece; promise, pledge, word, commitment, truce
qool v. put a halter ~ collar on; make a noose for
qool m. n. large stick ~ club
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qool
-ka: (n) collar (kal'ar); a restraining rope or chain put around the neck of an animal
qool -ka: (n) trab (taraab) ~ dabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qool
(fal) xadhig qoorta u geli.
qool -ka: (magac, lab, keli) kuul dahab ah ama macdan kale ah oo ay dumarku qoorta ku xidhaan. Dh: kuul.
qool -ka: (magac, lab, keli) xadhig yar oo qoorta lagaga xidho naylaha iyo waxaraha yaryar. Waxarta yar qoolka geli.
qool -ka: (magac, lab, keli) suunka eyga goorta loo geliyo
qool -ka: (magac, lab, keli) eeg gaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowl
m. n. word; pledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowl
de: word; pledge
lx: qowl
pd: (-ka Pl: qowlal (ka))
ps: n4-m
see: qawl
key: qowl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ol
(ereydhawaaq) erey lagu kexeeyo dibada kolka lagu qodayo oo soco la mid ah. Dh: hol.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bol
bol, n.m. - qaafiri yar; baaquli yar; fujaan yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Col
(Col-ka)
1. Dad badan oo dagaal raba.
2. Aan is jeclayn; is neceb; colaadi ka dhexayso.
3. Dad; duul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
col
m.l (-lal m.l) 1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
col
m.l (-lal m.l) 1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
col
m. n. enemy, antagonist, opponent; warriors, band
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
col
-ka: (n) a hostile force; enemy (enami); foe (/bo); opponent (opoonant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Col
Nemico
Enemy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
col
-ka: (magac, lab, keli) dad iyo wixii la mid ah oo aan isjeclayn; dad isneceb oo colaadi ka dhaxayso.
col -ka: (magac, lab, keli) dad; duul; qoon.
col-ka: (magac, lab, keli) dad duullaan ah oo dagaal u socda. Dh: guluf.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
col
col, n.m. - Kaladhka shaadhka (Shaatiga); Koodhka iwm Gudub; Koore;
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
col
de: enemy, antagonist, opponent; warriors, band
lx: col
pd: (-ka)
ps: n4-m
key: col
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
col
حَصْم، عَدُوّ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fol
fol, adj. - waali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gol
(Go-sha)
1. Dharka dumarka qaarki, sida marsiinada, inta laabta iyo naasaha iyo caloosha qarisa, gacanta midig hoosteedana ka furan; nabas.
2. (oogo) dhexda iyo lugtu kobtay isaga soo dhowaadaan; dhinac.
3. Dhul ku yaal webi dhinacyadiis.
4. Dhul qaniin leh.
5. Buuraha dhinacyadooda aan soo baxsanayn ee xagga gudaha isugu riixan.
6. Dhul dib u ceshan oo baddu soo gudaggasho; khoori; gacan: guho. 7. (Gol lahaan) ulajeeddo; u wadasho: dan; muraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gol
f. n. side (of body); river bank; foot of a hill; slope; thick forest; fold ~ pleat in a woman's dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gol
-gosha: (n) 1. a dense growth of trees or forest. 2. riverbank. 3. love handle ~ ganac, goljilic, xulus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gol
-sha: (magac, dhedig, keli) jidhka inta bogga ah ee laabta ilaa dhabta isku xidhan. Ilmaha gosha ku qabo.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) dhul dib u ceshan oo ay baddu soo dhexgasho. Goshaa waxaa ku soo caaryey nibiri.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dix yar oo buur kor u gasha; laagta buur ku taalla.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) daaddegga buuraha.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran. Dh: nabas.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) (~ lahaan) dan; ujeeddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gol
de: side (of body); river bank; foot of a hill; slope; thick forest; fold ~ pleat in a woman's dress
lx: gol
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: gol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hol
f.g1 (-olay, -oshay) Wax isku dayid; tijaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hol
v. try, attempt, test (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hol
(fal) diirka ka qaad. Dh: diir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hol
de: try, attempt, test (out)
lx: hol
pd: (holay / hoshay)
ps: v1=
key: hol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kol
(Kol-ka)
1. Waa; waqti; jeer.
2. Mar; kow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kol
kol¹: m.l 1. la-mid: kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tusaale: “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol²: xi. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kol
kol¹: m.l 1. la-mid: kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tusaale: Cali kol baan arkay. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol²: xi. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa. xi., kolka. xi., kolkii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kol
m. n. time, instance, occasion; period of time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kol
-ka: (n) time (taaym) ~ wakhti, mar. Ex: hal kol; one time. kol walba; every time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kol
-ka: (magac, lab, keli) waa; waqti; wakhti, mar.
kol: (xidhiidhiye) erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kol
bw: goor, waqti, jeer, kal
de: time, instance, occasion; period of time See also: kolba, kolka, kolma (etc.)
lx: kol
pd: (-ka Pl: kolal (ka))
ps: n4-m-time
syn: mar
key: kol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ool
ool¹: m.l/dh Degaan; reer meel wada yaal.
ool²: f.mg1 (-lay, -ooshay) 1. la-mid: aal 2. Socod, geeddi iyo wixi lamida ka baaqasho. 2. Ka o.: wax helitaankooda ka quusasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ool
f.mg1 (-lay, -ooshay) 1. la-mid: aal. 2. Socod, geeddi iyo wixi lamida ka baaqasho. 3. Ka o.: wax helitaankooda ka quusasho. m.f.dh, oolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ool
v., neg., simple past tense: there was none (in a place)
ool imperative v., sg. be (in a place)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ool
-ay / ooshay: (v) there is; it is ~ yaal. Ex: buuggii guria ma ool; the book was not at the house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ool
(fal) degganow oo safar ka baaqo. Maanta ool berri ayaad tegiye. Dh: negow.
ool: (fal) wax meel dhaqdhaqaaq la'aan yaal ahaw.
ool -sha: (magac, dhedig, keli) reero meel wada yaal. Dh: degmo; degaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qal
(Qal-ka)
Labada fuq oo afka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qal
qal¹: m.l (-lal, m.l) Labada fuq ee afka middood; daan.
qal²: f.g1 (-alay, -ashay) 1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qal
f.g1 (-alay, -ashay) 1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. m.f.dh, qalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qal
m. n. jaw
qal v. cut the throat of, slaughter; skin; operate on (surgically)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qal
-ay / qashay / qaleen / qalnay: (v) 1. slaughter (is-loo-ter); butcher (bu-jar) -gawrac. 2. operate surgically; perform medical surgery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qal
(fal) gawrac oo qoorta ka goo.
qal: (fal) neef la gawracay haragga ka bixi oo kala dhigdhig. Anu waan gawracaye adna qal. Dh: jarjar.
qal: (fal) meel xanuunaysa jeex oo inta bugta ka jar. Ninka fiixda ka qal. Dh: jar, goo.
qal: (fal) indho aan wax arkayn xuubka ka qaad oo araggii u soo celi. Odayga isha ka qal. Dh: fiiq, jeex, bixi.
qal -ka: (magac, lab, keli) labada fuq oo afka midkood. Qalka hoose ayaa lagu dhuftay Dh: fuq, gafuur.
qal-ka: (magac, lab, keli) qarqarka sare ee jidhka. Markuu na arkay ayuu qalka la soo kacay. Dh: qarqar.
qal -ka: (magac, lab, keli) gal wax lagu rito. Billaawaha qalka ha ka saarin. Dh: buqshad, gal.
qal -ka: (magac, lab, keli) caleenta ku dahaadhan naaska arabikhida. Xasiidda qalka ku dub oo ha ka diirin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qal
Qalka kore ama kan hoose sida qalabka: qabatada, qallac-bireedka, baanadaha afka fura ama fanaxda leh, dhuunwareejiyaha iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qal
a: roobsugow, xaraaradow
de: prickly heat, itchy skin irritation ~ rash (caused by heat)
lx: qal
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: qal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qob
(Qob-ka)
1. Diir; dub; qolof.
2. Ducadiisa ama habaarkiisu kaco; karaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qob
m.l (-bab, m.l) 1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qob
m.l (-bab, m.l) 1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qob
m. n. bark, peel, outer covering of plant
qob m. n. person with the power to bless ~ curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qob
-ka: (n) rind (raayndh); peel (piil); bark (baak); the skin of fruits and vegetables ~ qolof, dub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qob
-ka: (magac, lab, keli) qof ay ducadiisa iyo habaarkiisuba kacaan. Qobka waa la qaddariyaa.
qob-ka: (magac, lab, keli) qolof sare oo uu wax ku dhexjiro. Looska qobka ka hobobi. Dh: diir, qub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qod
(Qod-ka)
Laan qallashay jabkeed; cad qori ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qod
qod¹: m.l Wax iswato qayb ka mid ah.
qod²: m.l (-dad, m.l) Qori weyn oo qalalan.
qod³: m.dh 1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in.
qod⁴: f.g1 (-day, -dday) 1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qod
f.g1 (-day, -dday) 1. Meel duleelin. 2. Beer ka sha+D501qeyn. m.f.dh, qodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qod
m. n. stick, log, piece of wood
qod v. dig (out ~ up), excavate; plow, work on a field
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qod
-ay/day: (v) dig (dhig); excavate (ekis-kaveeyt); hollow out ~ faag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qod
(fal) beer jeexjeex oo beer. Roobkii wuu da'aye beerta god. Dh: fal.
qod: (fal) meel dalooli oo ciidda ka gur. Dh: faq.
qod -ka: (magac, lab, keli) laan qallashay jabkeed. Qod yar oo engegan ayaa dabku ka bilaabmay: Dh: falladh.
qod-ka: (magac, lab, keli) laamaha waaweyn ee geedka mid ka mid ah. Qodka fuul oo ku fadhiiso Dh: laan.
qod-ka: (magac, lab, keli) fad weyn oo daruur ah. Qodkii baa darrooray. Dh: rayo, fad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qof
(Qof-ka)
Ku ama tu dad ah; nin ama naag, aan lab iyo dheddig midna lagu sheegin.