qofqof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qofqof
-ka: (magac, lab, keli) kelikeli. Qofqof u gala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaljaal
-ka: (magac, lab, keli) isla jirjirid kooxo dheel ku beretama loo kala safto. Ciyaar guriyada Soomaalida ee jaaljaalka lagu dheelo waxa ka mid ah laalka, kuwa qofqofkana shaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joqof
m.l la-mid: juquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolof
(Qolof-ta)
1. Dubka sare oo geedaha.
2. Jilif xalleef ah oo nabarrada korkooda ku samaysanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolof
m.l/dh (-lfo, m.l) 1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolof
m.l/dh (-lfo, m.l) 1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolof
f. n. husk, pod; shell; (snake) skin, (fish) scales; scab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qolof
-ta: (n) rind (raayndh); peel (piil); bark (haa^); the skin of fruits and vegetables; shell (sheel) ~qob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolof
-ta: (magac, dhedig, keli) diir adag oo geedo ama noole kale ku dahaadhan oo dusha ka saaran. Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed golofi ka dhacday: Dh: diir
qolof-ta: (magac, dhedig, keli) jidhifadag oo nabarradu kolkay bogsanayaan ku dulsamaysanta. Nabarkii wuu golof ritay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolof
cf: dhil
de: husk, pod; shell; (snake) skin, (fish) scales; scab
lx: qolof
pd: (-ta Pl: qolfo (/ha))
ps: n3-f
key: qolof
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonof
(Qonof-ka)
1. (legdan) tab, qof qofka kale lugta ugu marto, si aan loo legdin ama isagu uu wax u legdo; tabco.
2. Jillaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qonof
qonof¹: m.l Tab ka mid ah xeeladaha legdinta oo lugta lagu maro tan qofka kale si loo legdo.
qonof²: f.g1 (-nfay, -noftay; -nfi) Qof, qof kale la lagdamaaya lugtiisa lugta qofka kale ku marid si uu u legdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qonof
v. trip one's opponent with one's leg (in wrestling)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qonof
- ay / tay: (v) wrestle (rasel), especially attempting to throw one's opponent by using legs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonof
(fal) lugta hordhig qof si uu u kufo. Qonof oo kulkuu kufo qabo. Dh: jillaafee, suldaaree.
qonof -ka: (magac, lab, keli) lugta oo la hordhigo qof ordaya ama aan ku arkayn si uu u kufo; suldaaro cid loo dhigo. Dh: jillaafo, suldaaro.
qonof -ka: (magac, lab, keli) tab uu qof qof kale lugta ugu marto si aan loo legdin ama uu isagu wax u legdo. Qonof ayuu ku maray. Dh: tabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qonof
de: trip one's opponent with one's leg (in wrestling)
lx: qonof
nt: qonof (ka) [vn-m], qonfid (da) [vn-f]
pd: (qonfay)
ps: v1=tr
key: qonof
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqob
(Qoqob-ka)
Dhis xero ama aqal gudihi qaysha oo kala googgooya; derbi; teed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqob
qoqob¹: m.l (-byo, m.dh) 1. (xisaab) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka. 2. (xisaab) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada.
qoqob²: m.l (-bo, m.dh) 1. Dhis, raro, ood iyo wixi lamida oo lagu kala qaybsho guri, xero iyo wixi lamida. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil.
qoqob³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn. 2. Nafley karantiilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoqob
qoqob¹: m.l (-bo, m.dh) 1. Dhis, raro, ood iyo wixi lamida oo lagu kala qaybsho guri, xero iyo wixi lamida. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil.
qoqob²: m.l (-byo, m.dh) 1. (xisaab) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka. 2. (xisaab) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada.
qoqob³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn. 2. Nafley karantiilid. m.f.dh, qoqobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qoqob
Segment
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoqob
m. n. partition, barrier; boundary fence; diameter {geometry}
qoqob v. build a partition (for), keep separate, portion off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoqob
-ay/tay: (v) separate by means of partition; fence (feensi); enclose (en-kalaawz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqob
(fal) (kala ~) dad kala qaybi oo yaanay is dhex galin. Dh: kalasaar. Li: iskufur.
qoqob: (fal) aqalka docda iyo raarta daah ama derbi u kala dhaxaysii. Aqalka kala qoqob. Dh: qaybi, kala xidh.
qoqob -ka: (magac, lab, keli) daah ama gidaar meel isku furan lagu kala teedo. Kebed qurxoon ayaa qoqob looga dhigaa aqalka arooska. Dh: teed, qoqobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolqol
(Qolqol-ka)
1. Aqal dhisan gudihi marin ku yaal oo dhuuban oo leexsan oo qolalka iyo derbiyada ka dhex samaysma; laabato; xolxol.
2. (biyo, kd.) Shuban; qulqul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolqol
qolqol¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iyo wixi lamida lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.
qolqol²: f.g1 (-olay, -oshay) 1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qolqol
m.l (-llo, m.dh) 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iyo wixi lamida lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolqol
m. n. partition, back room ~ curtained rear part of hut; closet
qolqol v. flow, trickle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolqol
-ka: (magac, lab, keli) kadinka aqallada laga galo iyo agtiisa. Dh: afaaf, kadin.
qolqol-ka: (magac, lab, keli) aqal dhisan gudihiisa marrin ku yaal oo dhuuban oo leexleexsan oo qolalka iyo derbiyada ku dhex samaysan. Aqalku wuu golqol yar yahay Dh: laabato; xolxol.
qolqol-ka: (magac, lab, keli) eeg quiqul. qolqolaysan: (tilmaame) wax meel la isugu geeyay oo urursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqor
-ka: (magac, lab, keli) qodobbayn lagu soo gabagabeeyo dacwadaha oo labada dhinac la weydiiyo inay wax u hadheen; dhaabadaynta doodda la furo. Qorqorka dacwadda odayada ha loo daayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrof
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabatin dhagaxaan badan ku dhexyaal; meel godan oo sallaxyo leh. Daayeerku biyaha qorrofka ayuu cabbaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalfoof
m.l (-fyo, m.dh) Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalfoof
m.l (-fyo, m.dh) Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalfoof
m. n. skeleton
qalfoon m. n. shell, pod
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalfoof
-ta: (n) skeleton (iskela-tan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalfoof
-ka: (magac, lab, keli) lafo isa sudhan con wax kali la socon. Taagdarro darteed ayuu qalfoof u eekaaday. Dh: haykal.
qalfoof -ka: (magac, lab, keli) diirka sare ee xubnaha muhiimka ah ka sarreeya. Gaadhiqa oo dhani waa qalfoof iyo mooteer isku xidhan.
qalfoof -ta: (magac, dhedig, keli) oogada nafleyda dahaadhka adag leh. Diinku qalfoof ayuu isku gariyaa kolkuu halis dareemo. Dh: qolof.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalfoof
de: skeleton
lx: qalfoof
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: lafallafo
key: qalfoof
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalfoof
هَيْكَلِّ عَظْمِي
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodqode
-ha: (madac, lab, keli) eeg qarqode.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qollofo
-da: (magac, dhedig, keli) aflagaado iyo adyad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOOQOON
(Gogon) S, NFD, May Combretum hereroense Schinz. Combretaceae.
C Combretum cotractum Engl. Combretaceae.
S Combretum greenwayii ? Combretaceae.
S Annona squamosa L. Annonaceae.
May, S Ochna inermis Penzig Ochnaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorqode
(Qorqoda-ha)
Ninka afadiisa dhabiil foolxun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose oo cunnada iyo masruufka; qodqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorqode
m.l.kh (-dayaal, m.l/dh) Q. ah: nin afadiisa si fool xun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose, cunnada iyo masruufka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorqode
m.l.kh (-dayaal, m.l/dh) Q. ah: nin afadiisa si fool xun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose, cunnada iyo masruufka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorqode
m. n. suspicious husband, man who does not trust his wife with household money; man who ventures into the kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorqode
-qorqodaha: (n) husband who argues [disputes] with his wife about household management
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorqode
-ha: (magac, lab, keli) eeg qarqode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorqode
de: suspicious husband, man who does not trust his wife with household money; man who ventures into the kitchen
lx: qorqode
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qorqode