qodobaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodobaysan
(tilmaame) mid cusub oo aan weli la furin. Alaabtii oo godobaysan ayaa la ii keenay Dh: moolgaraysan, qodban, xidhan.
qodobaysan: (tilmaame) habaysan oo si wanaagsan la iskugu toosiyay ah. Dh: dubbadhacsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qodobyo ku qabqabasho. Dh: tolid, qodobays.
qodobayn-ta: (magac, dhedig, keli) hadal habayn oo isku dubbaridid. Dh: qodobays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodobays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qodobayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobaysnaan
(tilmaame) denbi qabis; dakane qabis; aano cid loo haysto. Godobaysnaantu ma fiicna waayo geedna laguma nasto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobaysan
(tilmaame) wax la madoobeeyey ah. Cirro madoobaysan hoostay ka soo caddaataa. Li: caddaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodobay
(fal) meel la tolayo qodobbo badan ku samee. Nabarku wuu wayn yahaye qodobay. Dh: tol.
qodobay: (fal) dacwad isku dubbarid oo sida ha dalku u kala horreeyo u habee. Dh: qodobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof oofi hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofaysan
(tilmaame) qof oofi hayso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qodbayya
coudre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysan
f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Biyo wax meel godan ku aruursamay ahaansho. 2. Wax meel ciriiri ah ku xareysan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolaysan
der. [adjective] contained, confined (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qolaysan
(tilmaame) wax meel ku majaroorsan oo ku wada shuban. Biyo meel ku qolaysan ayaan adhiga waraabiyey Dh: urursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolaysan
de: contained, confined (of liquid)
lx: qolaysan
nt: qolaysan (qolaysmay) [v1=inch]
pd: (qolaysnaa)
ps: adj-der
key: qolaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax boog leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boogaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax boog leh ahaansho. m.f.dh, boogaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogaysan
(tilmaame) mid nabar weyn qaba oo boog leh. Meel boogaysan waa la dhawraa.
boogaysan: (tilmaame) aroosad reeraysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyaysan
(tilmaame) cid dagaal diyaar u ah Hadduunbay u dooyaysan tahay sheeyadii dilaye!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: jidbaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) (dii.) Qof wax jidbo hayso ahaansho. la-mid: jadbaysan, jalbaysan, jibbaysan, jilbaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) (dii.) Qof wax jidbo hayso ahaansho. m.f.dh, jidbaysnaan. la-mid: jadbaysan, jalbaysan, jilbaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidbaysan
der. [adjective] ecstatic, in ecstasy, enraptured
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidbaysan
-aa: (adj) ecstatic (ekis-taatik)-, enraptured (en-rap-jaridh) ~ qiiraysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidbaysan
de: ecstatic, in ecstasy, enraptured (in a religious sense)
lx: jidbaysan
pd: (jidbaysnaa)
ps: adj-der
key: jidbaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofaysan
(tilmaame) moofo lagu bisleeyey ah. Dh: muufaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax mooro ku jira ahaansho (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabaysan
(tilmaame) wax la habeeyey oo si wanaagsan loo qaabeeyey ah. Shaqo qaabaysan ayuu Cilmi dadka soo hordhigay. Dh: habaysan; nidaamsan, jaangoysan.
qaabaysan: (tilmaame) caano la isku geegeeyey oo la bariiyey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodbanaan
(Qodbanaan-ta)
Wax qodban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodbanaan
m.f.dh eeg qodban. la-mid: qodbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodbanaan
f. n., [abstract] state of being sewn together ~ joined
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xidhan oo qodobkii ku yaal ahaan. Kartoonka ha furinee qodbanaanta ku iibsada. Dh: xidhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodbanaan
de: state of being sewn together ~ joined
lx: qodbanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qodbanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysad
-ka: (magac, lab, keli) kaalaysi oo ceel qoloba maalin u aroorid. Jilaalkii ceelasha goodaysad ayaa lagu cabbaa. Dh: kaltan, kaayaysi, qoodaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soofaysan
La soofeeyey; afaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la soofeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la soofeeyey ahaansho. m.f.dh, soofaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofaysan
der. [adjective] sharpened, honed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofaysan
-soofaysnaa / soofaysnayd: (v) sharpened (shaar-panidh), filed (faaylidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofaysan
(tilmaame) wax afaysan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofaysan
de: sharpened, honed
initial: s
lx: soofaysan
pd: (soofaysnaa)
ps: adj-der
syn: afaysan
key: soofaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xooleeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolaysan
der. [adjective] treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysan
(tilmaame) la xooleeyey ah: xoolo laga dhigay ah. Agalku sidaa uu yahay wuu xoolaysan yahay.
xoolaysan: (tilmaame) wax la cusayb bixiyay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoolaysan
de: treated with ghee ~ fat (of the inside of a new container)
initial: x
lx: xoolaysan
pd: (xoolaysnaa)
ps: adj-der
key: xoolaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yookaysan
Ka kor taagan; likaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yookaysan
der. [adjective] sticking up, protruding, sprouting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookaysan
(tilmaame) meel ama wax, ka kor likaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yookaysan
de: sticking up, protruding, sprouting
initial: y
lx: yookaysan
pd: (yookaysnaa)
ps: adj-der
key: yookaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabaysan
midabaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la midabeeyey noqosho.
midabaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la midabeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midabaysan
midabaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la midabeeyey noqosho. m.f.dh, midabaysmid.
midabaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la midabeeyey ahaansho. m.f.dh, midabaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabaysan
der. [adjective] colored
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midabaysan
-midabaysnaa: (adj) colored (kal'aridh)-, colorful (kalarfuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midabaysan
(tilmaame) midab ama midabbo kala goongooni ah la mariyay ah. Taswiir midabaysan ii keen. Dh: naqshadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midabaysan
de: colored
lx: midabaysan
nt: midabaysan (midabaysmay) [v1=inch]
pd: (midabaysnaa)
ps: adj-der
key: midabaysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalabaysan
-qalabaysnaa: (adj) furnished (famishidh); equipped (ik-wipidh) ~ alaab taalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabaysan
(tilmaame) qalabkiisii u dhan yahay. Ciidan aad u qalabaysan ayaa waddada maray xalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorshaysan
(tilmaame) wax la habeeyey oo la jaangooyay ah; mid habaysan. Tub qorshaysan ayaa lagu socdaa. Dh: agaasiman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toxobaysad
-ka: (magac, lab, keli) madax, holobadaysadka; qolofaysadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonaysaan
v., pl., present progressive: you all are going to recognize
aqoonaysaan v., pl., neg., present progressive: you do not know / you would not recognize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaabaysan
(tilmaame) ceel leh karkaarro ama qori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax midab madow loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madoobeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax midab madow loo yeelay ahaansho. m.f.dh, madoobeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobeysan
der. [adjective] tinged with black, blackened, darkened; clouded, obscured; saddened, sad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobeysan
(tilmaame) la madoobeeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobeysan
de: tinged with black, blackened, darkened; clouded, obscured; [fig.] saddened, sad
lx: madoobeysan
pd: (madoobeysnaa)
ps: adj-der
key: madoobeysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oqoonaysaan
v., pl., neg., present progressive: you do not know / recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oqoonaysaan
de: you do not know / recognize
lx: oqoonaysaan
pd: (aqoonaysaan)
ps: v4d-2pl-neg-prpg
key: oqoonaysaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qorrax la dhigay ahaansho. m.f.dh, qorraxaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sonkoraysan
(adj) with sugar; sugary (shugari). Ex: shaah sonkonraysan i sii; give me tea with sugar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toddobaatan
(Toddobaatan-ka)
Tiro ka kooban toddoba tobnaad; (70).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobaatan
m.l.t. Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddobaatan
m.l.t. Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; 70.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaatan
num: seventy
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toddobaatan
soixante-dix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddobaatan
-ka: (n) seventy (savan-ti); the number [70]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobaatan
-ka: (magacwadareed) tirro ka kooban toddoba tobnaad una qoranta 70.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaatan
de: seventy
initial: t
lx: toddobaatan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: toddobaatan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doob noqosho; qaangaadhid. Wiilkayga haddeed doobayn waxba ugama hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobayn
(Goobayn-ta)
Goobo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobayn
m.f.dh eeg goobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) goobo u yeelid ama goobo ka dhigid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Goobays
Seeraar, afmeer, afkoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobaan
(Hoobaan-ta)
Miraha bislaada; dhuguc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobaan
m.dh.u Miro aad u bislaaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobaan
m.dh.u Miro aad u bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobaan
f. n., [collective] ripe fruit
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hoobaan
name-unisex ripe fruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoobaan
-ta: (n) edible ripe fruits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hoobaan
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo lagu shabbahayo sidii mudho bislaaday oo qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midhaha bislaaday ee dhulka ku soo daata ama laan keliya ku teedsan oo soo laalaada. Hoobaan bislaatiyo, hibaaq baxay la moodyeey. Dh: dhuguc, rooshaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobaan
cf: dhuguc
de: ripe fruit
lx: hoobaan
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: hoobaan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qodayya
creuser.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodnaan
(Qodnaan-ta)
Wax la qoday ama qodan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodnaan
m.f.dh eeg qodan². la-mid: qodnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodnaan
f. n., [abstract] state of being dug (over)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax horay loo qoday ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodnaan
de: state of being dug (over)
lx: qodnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qodnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si goode ah u socosho. Dh: qoodays.