ereyga

qodaxcambuuleed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qodaxcambuuleed

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) guntin kuusan oo qodaxda galoolku ay dhexda ku yeelato oo kolka ay qurjida tahay la cuno. Aabbahayba qaad iyo ma cunin qodaxcanbuuleede. Dh: canbuul, cambuul.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qodaalbuureed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hab godaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

juscambuuleed

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: juscambuulo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qodaal buureed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qodaal buureed

DHAFANDHAAF

Terrace cultivation

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qodaal-buureed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qodax-badeed

DHAFANDHAAF
1

(Qodax-badeed-da)

2

Gaadaddo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afcarruureed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) af carruurtu ay isku afgartaan oo ereyga dhexda laga bilaabo sida: na'igu xawaan getayaa oo u dhiganta anigu waxaan tegayaa. Dh: afshinbireed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bashabuureed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) bisad duurjood ah. Dh: dinnaddibadeed, bashadibadeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daruurbuureed

DHAFANDHAAF

m.l (-ryo ..., m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daruurbuureed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta sare ee gunburi leedahay.

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Fasax ummuleed

DHAFANDHAAF
1

Licenza per maternità

2

Maternity leave

waa la naqliyay ✓