qodaxcall
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QODAXCALL
Barleria quadrispina 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodaal
(Qodaal-ka, Qodaa-sha)
Hawsha ku saabsan wax qodidda; qodis; qoditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodaal
m.l 1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodaal
m.l 1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodaal
vl. n. digging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodaal
-ka: (n) excavation (ekes-ka-veey-shin); the act of digging ~ qodid. 2. farming (faar-ming)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaal
-ka: (magac, lab, keli) beer falid: dhul beerid. Dh: godis, beerid, falid.
qodaal-ka: (magac, lab, keli) dadka beereleyda ah Dh: beereley: godato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodaal
de: digging
lx: qodaal
pd: (-ka ~ -sha)
ps: vn2-m/f
key: qodaal
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QODAXTOL
Maytenus obbiadensis 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaxteel
-sha: (magac, dhedig, keli) geed godxeed yaryar oo geelu cunistiisa jecelyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodaxtool
(Qodaxtool-ka)
Nagaar yar oo qodax badan: meeshii qodaxi muddo oo laga bixin waayo baa xididkiisa la saaraa oo qodaxdii lagu soo baxshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodaxtool
m.l Nagaar yar oo qodax badan: meeshii qodaxi muddo oo laga bixin waayo baa xididkiisa la saaraa oo qodaxdii lagu soo baxshaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodaxtool
m. n., [compound] small thorny plant species; its roots are used for drawing out thorns from the body
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QODAXTOOL
(Godahtol) N Maytenus somalensis (Loes.) Cuf. Celastraceae.
N Maytentus arbutifolia (A.Rich. Wilczek. Celastraceae.
C Maytenus obbiadensis (Chiov.) Cuf. Celastraceae.
N Maytenus senegalensis (Lam.) Exell. Celastraceae.
S, May Barleria eranthemoides C,B.Cl. Acanthaceae.
C Barleria proxima Lindau. Acanthaceae.
C Barleria cuadrispina Lindau. Acanthaceae.
May, S Neurocanthus polyacanthus (Lindau) C.B.Cl. Acanthaceae.
S, May Neurocanthus argyrophyllus Chiov. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaxtool
-ka: (magac, lab, keli) geed hoosaad yar oo qodax badan oo meesha qodaxi muddo ee laga bixin keri waayo xididkiisa la saaro si ay u soo baxdo. Xidid qodaxtool soo gooya aan ninka qodaxda kaga saarnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodaxtool
de: small thorny plant sp.; its roots are used for drawing out thorns from the body
lx: qodaxtool
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: qodaxtool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godaal
-ka: (magac, lab, keli) shaqal Carabi ah; xarako la dul dhigo xarfaha Carabiga ah oo bil bidix u jeedda u eg oo sameeya codka (u). Cali godaalka kuma dhawaaqi karo. Dh: godniin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QODAAR
(Goddar) N Kleinia squarrosa Cuf. Compositae.
N Kleinia triantha Chiov. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoraal
(Qoraal-ka)
Wax qorista; qormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoraal
m.l 1. Wax xaanshi dusheeda ku qoran. 2. Habka farta loo qoro. 3. Waddo falfal ah. 4. Habka qalabka geedaha laga qoro loo farsameeyo. 5. la-mid: qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoraal
m.l 1. Wax xaanshi dusheeda ku qoran. 2. Habka farta loo qoro. 3. Waddo falfal ah. 4. Habka qalabka geedaha laga qoro loo farsameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoraal
vl. n. writing, text, document, anything written
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QORAAL
(Goral) May, S Commiphora lughensis Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoraal
-ka: (n) writing (raayting). Ex: dacwadaada qoraal ku soo gudbi; put your complaints in writing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qoraal
Manoscritto; testo
Manuscript; text
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoraal
-ka: (magac, lab, keli) waxa qoran ee meel ku dhigan laftiisa. Qoraalka gidaarka ku yaal akhri. Dh: dhigaal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qoraal
Dufulka looxa ka jarma ama ka hoolma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoraal
de: writing, text, document, anything written
lx: qoraal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: qoraal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qoraal
نَصِّ كِتَابَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodaale
m.l Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodaale
-ha: (magac, lab, keli) badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qodayya
creuser.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sodcaal
(Sodcaal-ka)
Socdaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sodcaal
sodcaal¹: m.l la-mid: socdaal¹.
sodcaal²: f.mg1 (sodcaalay, sodcaashay) la-mid: socdaal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sodcaal
v. journey, travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sodcaal
-ka: (magac, lab, keli) safar meel laga socdo oo meel kale la aado. Dh: socdaal, safar, socoto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sodcaal
de: journey, travel
initial: s
lx: sodcaal
pd: (sodcaalay)
ps: v1=intr
see: socdaal
key: sodcaal
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QADAXTOOL
Barleria proxima 50
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
roll call
/rowl kool/ (v) xaadirin (liiska magacyada yeerin, si loo xaadiriyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodaxbadeed
m.dh Gaadaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodaxbadeed
f. n., [compound] sea-urchin, stinging sea, plural, ant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaxbadeed
-da: (magac, dhedig, keli) noole dusha qodxo ku leh oo badda ku nool. Dh: gaadaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodaxbadeed
de: sea-urchin, stinging sea-plant sp.
lx: qodaxbadeed
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: qodaxbadeed