qish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qish
qish¹: m.l Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo. la-mid: qishid.
qish²: f.g1 (-shay, -shtay) Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qish
qish¹: m.l Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo.
qish²: f.g1 (-shay, -shtay) Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn. m.f.dh, qishid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qish
v. copy, cheat (in class); break copyright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qish
-ay / tay: (v) cheat (jiit); deceive, especially at examination
qish -ka: (n) cheating (jiiting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qish
de: copy, cheat (in class); break copyright
lx: qish
pd: (qishay)
ps: v1=tr
key: qish
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qish
غش
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqil
biqil¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Abuur markaa soo baxay. 2. la-mid: biqlid.
biqil²: f.mg1 (-qlay, -qishay; -qli) Abuur iyo wixi lamida soo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biqil
biqil¹: m.l (-llo, m.dh) Abuur markaa soo baxay.
biqil²: f.mg1 (-qlay, -qishay; -qli) Abuur iyo wixi lamida soo bixid. m.f.dh, biqlid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cheat
/jiit/ (v) 1. qishid (v) 2. khiyaamid (n) 3. khaa'in.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leer
/liir/ (v) fiirin ama qishid jirka dumarka (ka il-macaysasho dhoolla caddayn rabid ah lugu daro). e.g. He leered at the young lady.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
palm off
/pam of/ (v) si khayaano iyo qish ah ku gadid (badeeco ku khayaanid, cammayn)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
peek
/piik/ (infl) (v) milicsi (qishid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
peep
/piip/ (v) 1. qishid (khaawisid) (n) 2. cod gaaban sida kan shimbiraha, jiirka iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plagiarism
/pley jarism/ (n) qish (soo guurin qof fikradiis, oo laysku magacaabo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plagiarize
/pleyjarayz/ (bre) plagiarise; (v) qishid (qof kale fikradiis soo min guurin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trickery
/trikari/ (n) khayaamo; qish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xalxalsan ka dhigid. Xalxalinta neefka la iibgenayaa waa qish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ish
(tilmaame) wax la necbaysto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dish
/dhish/ (n) 1. xeero, sixni (n) 2. cunto-diyaarsan (cunto la bisleeyey).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dish
n., (a vessel) weel, -ki, sexni, -gi; dish of wood, xeedho, -adi; large dish, xeedho ballaadhan; small dish, qoobad, -di.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fish
Kalluun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fish
/fish/ (n) 1. kalluun, mallaay (v) 2. kalluumaysasho, mallaay dabasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fish
n., kaluun, -ki; saw fish, daba safan, -ki; v.tr., catch fish, jilaab, soo jilaab, jilaabo; where did you catch that fish? xaggaad kasoo jilaabatay taa?
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KISH
Cadaba glandulosa 01, Maerua oblongifolia 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KISH
(Kish) May,S,C Cadaba glandulosa Forsk. Capparidaceae.
May, C Cadaba mirabilis Gilg. Capparidaceae.
S Maerua exasperata Chiov. Capparidaceae.
S, May Maerua macrantha Gilg. Capparidaceae.
C Maerua oblongifolia (Forsk)A. Rich. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qash
m.l 1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qash
m. n., [collective] badly cooked ~ tasteless food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qash
-ka: (magac, lab, keli) cunto si aan wanaagsanayn loo kariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qash
de: badly cooked ~ tasteless food
lx: qash
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: qash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiso
(Qisa-da)
1. Sheeko; taariikh.
2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiso
m.dh 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiso
f. n. story, recounting a tale, news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiso
-qisada: (n) story (istoori) ~ sheeko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiso
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dhacday oo yaab leh. Dh: sheeko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiso
bw: Arabic
de: story, recounting a tale, news
lx: qiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qush
(Qush-ka)
1. Dacar; qaras.
2. Xumaan uurka ku jirta; uurkusiddo, arami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qush
m.l 1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qush
m. n. bile; anger, resentment, ill-will
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qush
-ka: (magac, lab, keli) shuban caloosha ka yimaad oo dacar ama qaras ah. Ninkii wuu shubmay oo qush badan ayaa ka yimid. Dh: dacar, qaras.
qush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka la iskugu hayo. Dh: arami, xumaan, uurkusiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qush
cf: dacar, qaras
de: bile; [ext.] anger, resentment, ill-will
lx: qush
pd: (-ka Pl: qushash (ka))
ps: n4-m
key: qush
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wish
/wish/ (v) 1. rabid; doonid (v) 2. rajeyn; filid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wish
v.tr., doon, rab; n., doonin, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafish
(Qafish-ta)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafish
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah oo diilimo cad iyo guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qafish
f. n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafish
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah kalluunka. Maanta qafish ayaan soo qabtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafish
de: fish sp.
lx: qafish
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qafish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qishid
m.f.dh eeg qish². la-mid: qish¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishe
(Cisha-ha)
1. Habeenka bilawgiisa; fiid.
2. Salaadda kolkaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cishe
m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cishe
m. n. early evening; time of evening prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cishe
-cishaha: (n) evening prayer performed by Muslims
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cishe
-ha: (magac, lab, keli) salaadda xilliga fiidka la tukado. Cishe ayuu soo tukanayaa aabbahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cishe
-ha: (magac, lab, keli) milayga habeenka bilawgiisa. Dh: fiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cishe
de: early evening; time of evening prayer
lx: cishe
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: cishe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisho
-da: (magac, dhedig, keli) waqti ka kooban maalin iyo habeenkeed. Dh: maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiish
(Fiish-ka)
1. Indhaxanuun dhacaan iyo malax leh.
2. Qoyaanka iyo malaxda xanuunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiish
m.l 1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiish
m. n. discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiish
-ka: (n) eye discharge; pus (pas) ~ baqbaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiish
-ka: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca riyaha.
fiish-ka: (magac, lab, keli) bushi cudur ah oo ku dhaca riyaha.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun dheecaan iyo malax leh oo indhuhu yeeshaan. Dh: dhalxan.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) halka kooraanka laga geliyo bareesada.
fiish-ta: (magac, dhedig, keli) meesha lagu kaydiyo faylalka macluumaadka dadka khuseeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiish
de: discharge from the eye (in the morning ~ from conjunctivitis)
lx: fiish
pd: (-ka)
ps: n-m
key: fiish
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fishy
/fishi/ (adj) 1. kalluun shabbaha, siiba xaga dhadhanka ama urka (adj) 2. been u-eg, shaki ku-jiro
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiish
Inch
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiish
(Kiish-ka)
Weel yar oo tolan oo wax lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiish
m. n. sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiish
-ka: (n) sack (saak)', bag (baag) ~ kolay, loor, jawaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiish
-ka: (magac, lab, keli) walax laga tolo maryaha oo alaabta lagu gurto. Dh: kiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiish
bw: Arabic
cf: kolay, qandi
de: sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
lx: kiish
pd: (-ka Pl: kiishash (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: kiish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaash
(Qaash-ka)
Jaadadka warmaha mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaash
m.l 1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. la-mid: haash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaash
m. n. lance, long spear; violent person
qaash m. n. (adj.): bad ~ rotten fruit; tainted, gone off; violent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaash
-ka: (magac, lab, keli) finan biyood buurbuuran oo ka soo baxa dadka jooga xeebaha xilliyada kulaylaha ah gaar ahaan carruurta. Cunugii dhashay ayuu jidhkiisa qaash ka soo daatay.
qaash -ka: (magac, lab, keli) jaadadka warmaha waaweyn mid ka mid ah. Qaash jufiyo baarrumo leh ayuu sitay. Dh: waran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisay
(fal) qiso ka sheegkee; dhacdo taariikh ah ka qisoo; sheeko dhacday ama khiyaali ah si qiso ah uga sheekee. Carruurta qisadii beder uga qisay Dh: qisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) 1. Ka q.: sheeko cid ama arrin ku saabsan cid u sheegid. 2. U q.: cid u sheekayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qisee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) 1. Ka q.: sheeko cid ama arrin ku saabsan cid u sheegid. 2. U q.: cid u skeekayn. m.f.dh, qisayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qisee
v. tell a story, recount
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qisee
-yey / qiseysay: (v) narrate (naareyt); narrate or tell a story in speech
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qisee
de: tell a story, recount
lx: qisee
pd: (qiseeyey)
ps: v2b=intr
key: qisee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qismi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: qisee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: qisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisoo
(fal) eeg qisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qisow
v. tell a story
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qisow
a: qisee
de: tell a story
lx: qisow
pd: (qisooday)
ps: v3a=intr
key: qisow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoosh
(Qoosh-ka)
Wax ka samaysan waxyaalo badan oo kala duwduwan (miro, dawooyin...) oo laysku daray ama laysku qasay; iskuddar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoosh
qoosh¹: m.l 1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray.
qoosh²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoosh
qoosh¹: m.l 1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray.
qoosh²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid. m.f.dh, qooshid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoosh
m. n., (mass n.): doughy mixture, paste
qoosh v. soak, mix (with a liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoosh
-ay -tay: (v) mix (miksi) to mush (maash); make something thick, soft, and pulpy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoosh
(fal) budo iyo wixii la mid ah iyo biyo isku laaq oo isku cajiin. Dh: xash, cajiin.
qoosh -ka: (magac, lab, keli) budada iyo biyaha la isku laago ee la isku cajiino ee furunka, loxooxda keegga iyo wixii la mid ah laga dubo. Dh: cajiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
quash
/kwosh/ (v) qaadicid (diidid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qushi
-da: (magac, dhedig, keli) eray la macno ah waa yeelkiiye siduu doonaba ha yeelo. Dh: yeelko, qushigii, yeelkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shish
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ido ah oo baraarnimo ku rima oo aan kuwii la filka ahaa hortood. Dh: baraarshishi