qisaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qisaasid
(Qisaasid-da)
Qisaas ku qaadid, siiba qof qof diley oo la dilayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisaasid
m.f.dh eeg qisaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qisaas ku fulin. Qisaasidu waa sharci diini ah. Dh: dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaasid
(Qiyaasid-da)
Qiyaasta wax lee yihiin sheegid, cabbirid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaasid
m.f.dh eeg qiyaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasid
-da: (magac, dhedig, keli) inta uu noqon karo maanka ka cabbirid oo qaddar aan la hubin u malayn. Dh: malayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Execution, Implementation
Qisaasid, Fulin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qisaas
(Qisaas-ta)
Denbiga la falay, eedsiis le'eg oo u dhigma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisaas
qisaas¹: m.dh Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.
qisaas²: f.g1 (-say, -stay) Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qisaas
qisaas¹: m.dh Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.
qisaas²: f.g1 (-say, -stay) Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid. m.f.dh, qisaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qisaas
f. n., [abstract] capital punishment, death penalty for killing someone
qisaas v. condemn to death, impose capital punishment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qisaas
-ta: (n) death penalty for murderer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaas
(fal) wax uu sameeyey ka jar oo intii uu geystey in le'eg ku samee. Dh: kajar.
qisaas-ta: (magac, dhedig, keli) dil ama ciqaab kale oo sharci ahaan looga jaro qof geystay wax uu sharcigu ciqaabtaa u dhigay. Kol haddaan raggii kuu qornaa cidi qisaasaynin. Dh: qasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaasid
-da: (n) the act of creating or founding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, yagleelid. Dh: aasaasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaasid
de: act of founding
lx: asaasid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: asaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasid
(Basaasid-da)
1. Jaasuusid.
2. Dufan lays marsho waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasid
m.f.dh eeg basaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bisaarad iyo cawlaan kugu dhaca dhaashixumo awgeed.
basaasid -da: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah warka uga soo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasid
(Hinaasid-da)
Qof isgarabtaagid, inuu qof kale ka adkaado darteed; hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasid
m.f.dh eeg hinaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hinaasan ahaansho. Dh: masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaasid
m.f.dh eeg libaas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
misaajid
m. n. mosque, Islamic temple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
misaajid
-ka: (n) mosque (mooski) ~ masaajid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
misaajid
a: masjid
de: mosque, Islamic temple
lx: misaajid
pd: (-ka Pl: misaajid (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: misaajid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaasil
qasaasil¹: m.l 1. Q. ah: badar, bariis iyo wixi lamida oo dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo looga saaray. 2. la-mid: qasaasilid.
qasaasil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Badar, bariis iyo wixi lamida dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo uga saarid. la-mid: qasil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasaasil
v. wash ~ clean (rice, grain)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasaasil
-ay / qasaasishay: (v) wash grains [rice, beans, maize etc] before cooking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaasil
(fal) intaanad karin maydh oo siigada ka nadiifi. Beriiska qasaasil. Dh: qassil, maydh.
qasaasil -ka: (magac, lab, keli) maydhista badarka inta aan dheriga lagu ridin. Beriiska qasaasil la'aan ha karin. Dh: maydhid, qassil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasaasil
de: wash ~ clean (rice, grain)
lx: qasaasil
pd: (qasaasilay)
ps: v1=tr
see: qasil
key: qasaasil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasid, beegid, cabbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafid
-da: (magac, dhedig, keli) af garan waayid: ka hor jeesasho cid laga horjeesto iyada oo wax lagu diiddan yahay. Is qilaafid kuma maqal labadii shirkadda wada lahayd. Dh: khilaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qisaas_1
bw: Arabic
de: capital punishment, death penalty for killing s.o.
hm: 1
lx: qisaas
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qisaas_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qisaas_2
de: condemn to death, impose capital punishment (for murder or homicide; not a private vendetta)
hm: 2
lx: qisaas
pd: (qisaasay)
ps: v1=tr
key: qisaas_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisaasan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof qisaas loo haysto ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusaasid
-da: (magac, dhedig, keli) si hoose u dilid, uus-aasid baa lagu dilay adeerkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) masaxidda daawaha. Dh: tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xisaabid
(Xisaabid-da)
Tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabid
m.f.dh eeg xisaab². la-mid: xisaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabid
-da: (magac, dhedig, keli) shay inta uu tira ahaan yahay iyo inta ku biirtay ama ka go'day tirin oo xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaasilid
m.f.dh eeg qasaasil². la-mid: qasaasil¹, qasil¹ (2), qasilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaasilid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhid oo nadiifin. Dh: maydhid, qasilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorisaarid
m.f.dh eeg qorisaar². la-mid: qorisaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushaashid
m.f.dh eeg qushaash².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasmid
m.dh la-mid: asaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuuranka iyo samaysanka wax aan hore u jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalid
m.f.dh eeg dhisaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaashid
(Firaashid-da)
Goglid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashid
m.f.dh eeg firaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gogol ku fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesaasid
(Geesaasid-da)
Baroorasho; baroordiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesaasid
m.dh la-mid: geesaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaasid
-da: (magac, dhedig, keli) baroordiiq badan tirin; qof dhintay u ooyid.
geesaasid -da: (magac, dhedig, keli) qof guuldarraystay ku jeesjeesid. Dh: jeesjeesid.
geesaasid: -da: (magac, dhedig, keli) eeg geesaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaamid
(Miisaamid-da)
Wax miisaankiisa ogaansho; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaamid
m.f.dh eeg miisaan². la-mid: miisaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid oo inta culayskiisu yahay eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaanid
m.dh la-mid: miisaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nishaabid
(Nishaabid-da)
Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabid
m.f.dh eeg nishaab². la-mid: niishaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nishaabid
vl. n. aiming; accuracy in marksmanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabid
-da: (magac, dhedig, keli) toog ku tababarasho; shiish barasho. Dh: shiishid.
nishaabid -da: (magac, dhedig, keli) kuudad lagu dagaallamo daldalool wax laga toogto u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nishaabid
de: aiming; accuracy in marksmanship
lx: nishaabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nishaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashaafid
m.f.dh eeg qashaaf². la-mid: qashaaf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiqaabid
(Qiiqaabid-da)
Qiiq yeelasho; ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqaabid
m.dh la-mid: qaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qiiq yeelasho. Dabku weli ma hurin oo qiiqaabid ayuu ku jiraa. Dh: qiiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiyaastii
(adv) almost (ool-mowst), approximately (a-porok-si-meeytli);
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tisqaadid
m.f.dh eeg tisqaad². la-mid: tisqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waqtigii lagu ciidmayey gaadhid. Tisqaadid ayuu joogaa wiilkaygii. Dh: taabo-gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uus'aasid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u dilid; si qarsoon wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waswaasid
(Waswaasid-da)
Waswaas gelid; shakiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waswaasid
m.f.dh eeg waswaas². la-mid: wiswisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waswaasid
-da: (magac, dhedig, keli) shakiyid. Waswaasidda raggu waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wishaarid
(Wishaarid-da)
Weshaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wishaarid
m.f.dh eeg wishaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weshaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid hawl ama arrin maaraynteeda u dhiibid oo kaga eedbeelid, Dh: xilsaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qisaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisaabsimid
vl. n., [compound] balancing an account
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisaabsimid
de: balancing an account
initial: x
lx: xisaabsimid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: xisaabsimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasid
(Aasid-da)
Xabaal ku ridid; duugid; xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasid
m.f.dh eeg aas². la-mid: aas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasid
m. n. acid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasid
-ka: (n) acid (aa sidh) ~ aashito, aasidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka u qodidda qof dhintay ama wax kale oo ciidda ku roggid. Dh: aasitaan, duugis, xabaalid. Li: faqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasid
de: acid
lx: aasid
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: aashito, aasidh
key: aasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasid
(Qasid-da)
Wax qasan ama murugsan ka dhigid; walaaqid; labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasid
m.f.dh eeg qas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasid
vl. n. muddling; act of mixing (up), confusing ~ complicating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasid
-da: (n) the act of mixing; mixture (miksi-jar)