qirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirasho
(Qirasha-da)
Wax qof falay oo aan laga asaraartamine 'falay' la yiraahdo; inkirid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirasho
m.f.dh eeg qiro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qirasho
vl. n. acknowledging, confessing, admitting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qirasho
-qirashada: (n) confession (kon-feshen); admission (aadh-mishin) ~ qiraal, qirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal dhacay masuuliyaddiisa si cad u oggolaansho. Ninkii ninka dilay qirasho wuu diiddan yahay. Dh: oggolaansho. Li: dafirid, diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qirasho
de: acknowledging, confessing, admitting
lx: qirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qirasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qirasho
اعْتِرَاف، إِقْرارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firasho
(Firasha-da)
Timaha saqaf ku hagaajin; shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firasho
m.f.dh eeg firo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firasho
vl. n. act of combing the hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firasho
-da: (magac, dhediq, keli) eeg fidhasho.
firasho-da: (magac, dhedig, keli) weecasho oo meel ka leexasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firasho
a: feerasho
de: act of combing the hair rw: firo
lx: firasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: firasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirasho
(Mirasha-da)
Mirta dhexdeeda daaq doonasho, wax cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirasho
m.f.dh eeg miro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirasho
-da: (magac, dhedig, keli) habeen daaqid. Kolkay soo fulaan xooluhu mirashada saq dhexe ayay ku gaadhaan. Dh: mirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorasho
m.f.dh eeg qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirasho
m.f.dh eeg tiro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku sugan ama ku ba'ay ka baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirasho
m.f.dh eeg xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirasho
vl. n. wearing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirasho
-xirashada: (n) the act of wearing or clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar qaadasho oo lebisasho. Dh: xidhasho.
xirasho-da: (magac, dhedig, keli) cibaado niyadda gelin oo guda galid. Dh: xidhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirasho
cf: xiro
de: wearing
initial: x
lx: xirasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ictiraafid
(Ictiraafid-da)
1. Qirasho.
2. Aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiro
qiro¹: m.dh Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. la-mid: qaro.
qiro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Qof fal in uu sameeyey caddeyn. m.f.dh, qirasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
avowal
/avowal/avowals; (n) si cad u qirasho (wax aad caddaysato).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
confession
/konfesshin/ (n) qirasho (qiraal).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grant
/graant/ (n) 1. deeq, siismo (v) 2. siin, u-hibeyn (v) 3. ku-raacid, u-qirasho. e.g. I grant you that my idea was wrong.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
recant
/rikaant/ (v) 1. ka noqosho (ka bixid, ama iska-casilid xubin diineed ama siyaasadeed) 2. garawsi (khalad qirasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
recantation
/rikaanteyshan/ (n) 1. ka bixis (ka noqod diineed ama siyaasadeed) 2. garawsasho (khalad qirasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
recognize
/rekagnays/ (v) 1. aqoonsad (garasho) 2. qirasho (garawsasho) 3. citiraafid (la citiraafo ama la aqoonsado).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
take back
/teyk baak/ (v) 1. ka noqosho (qirasho gaf qof ka dhacay) (v) 2. dib ula-noqosho (dib-u ceshasho).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiraal
-ka: (n) confession (kon-fe-shen); admission (aadh-mishin) ~ qirasho
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
confessarsi
v.rifl. - qirasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
confessióne
s.f. - qirasho (da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawsho
-ha: (magac, lab, keli) garwaaqsiga qalad dhacay iyo qaadashadiisa. Dh: aqoonsi, garasho, qirasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
avouer
avouer, V. - aqoonsi; aqoonsasho; qirasho; ogoolaanshiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirasho
m.f.dh eeg qayiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmasho
(Birmasha-da)
Meel wax ka dhaceen degdeg ciidan ugu dirid; gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmasho
m.f.dh eeg birmo. la-mid: birmad (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmasho
vl. n. rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmasho
-da: (magac, dhedig, keli) goob dhibaato ka dhacday ama cid xumi haysato u ciidamid. Birmasho la gaadha reerka col baa galaye. Dh: gurmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmasho
de: rescue
lx: birmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: birmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirgasho
(Dirgasha-da)
Dhaqdhaqaaq yar; nuuxnuuxsi; fergasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgasho
m.f.dh eeg dirgo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgasho
vl. n. small movement, shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu u dhaqaaqi karo siduu doono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgasho
de: small movement, shift
lx: dirgasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dirgasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirsasho
m.f.dh eeg dirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u dirid. Qofka yar ayaa dirashada ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgasho
m.dh la-mid: fargasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxasho
(Firxasha-da)
Wax badan oo orda haya oo haddana kala firirsan; kala yaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxasho
m.f.dh eeg firxo. la-mid: firxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxasho
-da: (magac, lab, keli) eeg firxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqasho
(Hirqasha-da)
Weel ama meel godan biyo aad uga buuxid; ceegaagid; buuxdhaafid; ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqasho
m.f.dh la-mid: harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, caano iyo wixii la mid ah, ka dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrasho
m.f.dh eeg jirro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsasho
(Jirsasha-da)
Roob meel ka gelid; okorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsasho
m.f.dh eeg jirso. la-mid: jirsad, jirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) jir roobaad dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsasho
(Qarsasha-da)
Meel aan laga arag, dhigasho; xasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsasho
m.f.dh eeg qarso. la-mid: qarsad, qarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsasho
vl. n. hiding, act of concealing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarsasho
-qarsashada: (n) concealment (ken-siil-ment)-, hiding (haaydh-ing)-, secrecy (siik-rasi) ~ qaris, qarsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsasho
a: qarsad (ka) [vn2-m], qarsi (ga) [vn2a-m]
de: hiding, act of concealing
lx: qarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qarsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarxasho
(Qarxasha-da)
Wax qarxaday noqosho; dillaacid; buqid; qarxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxasho
m.dh eeg qarxo. la-mid: qarxad, qarxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxasho
-da: (magac, dhedig, keli) iskii ama sabab kale darteed qarax u samayn; qarxid. Qarxashada miinadu carruurta ayay halis u tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorasho
(Qoorasha-da)
Qoorato u dhigid; bogdooxid; qooratayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorasho
m.f.dh eeg qooro². la-mid: qoorad, qooratayn, qoorato (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoorasho
vl. n. act of cutting in on a running person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorasho
-da: (magar, dhedig, keli) xagga hore ka marid oo joojin. Dh: horgabatayn, qooratayn. qooratay: (fal) hagga hore ka mar oo jooji. Dh: horgabatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoorasho
a: qoorad (ka) [vn-m]
de: act of cutting in on a running person
lx: qoorasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: qooro
key: qoorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryasho
m.f.dh eeg qoryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirsasho
(Tirsasha-da)
1. Iski u tirin; xisaabsasho.
2. (eed, ...) qabid; sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsasho
m.f.dh eeg tirso. la-mid: tirsi (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eed iyo xumaan iyo wixii la mid ah, ka sheegasho.
tirsasho-da: (magac, dhedig, keli) kow iyo labaysad, xisaabsasho, tirsad. Tirsashoda hore u dhamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firsho
m.dh 1. (-ooyin, m.l) la-mid: farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firsho
m.dh 1. (-ooyin, m.l) la-mid: farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firsho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhihida; hadal ku dhawaaqid. Oroshada hadalka waa lagaa yaqaan. Dh: odhasho.