qiiraqiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiraqiiro
(Qiiraqiira-da)
Meel ama si adag ama ciriiri ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiraqiiro
m.dh Xaalad adag ama halis ah oo ay cidi ku sugnaato. la-mid: qirinqiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiraqiiro
f. n. narrow place, difficult passage ~ situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiraqiiro
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo cidhiidhi badan. Qiiragiiro ayaan ku soo baxnay Dh: dirqi, tacab, qirqiir.
qiiraqiiro-da: (magac, dhedig, keli) eeg qüilgiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiraqiiro
de: narrow place, difficult passage ~ situation
lx: qiiraqiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qiiraqiiro
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiirqiir
Critical
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiraciiro
m.dh la-mid: carceero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiraciiro
-da: (magac, dhedig, keli) midabka ciiryaamada oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiirawiiro
(Wiirawiira-ha)
Wiirawiire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiirawiiro
m.l 1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. la-mid: wiirawiire.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiirawiiro
m.l 1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. la-mid: wiirawiire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiirawiiro
m. n., [abstract] hardship, serious difficulty, painful situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirawiiro
-ha: (magac, lab, keli) eeg wiirawiire.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiirawiiro
de: hardship, serious difficulty, painful situation See also: wiirawiire
initial: w
lx: wiirawiiro
pd: (/ha)
ps: n0-m-abs
key: wiirawiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiirawiire
(Wiirawiira-ha)
1. Harkii kolka qorraxdu garna diiddo.
2. Dhibaato kasta oo kulul; (ama wiirawiiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiirawiire
m.l 1. (c.fal.) Harkii kolka qorraxdu dhinacna diiddo. 2. Dhibaato kasta oo kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiirawiire
m.l 1. (c.fal.) Harkii kolka qorraxdu dhinacna diiddo. 2. Dhibaato kasta oo kulul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiirawiire
m. n. hottest part of the day (when sun is at its zenith)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirawiire
-ha: (magac, lab, keli) baaxadsoore aad u kulul oo duhurka iyo casarka u dhexeeya. Wirawiire Giriyaad lama maro.
wiirawiire-ha: (magac, lab, keli) dhib kasta oo kululayl iyo rafaad leh; wiirawiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiirawiire
de: hottest part of the day (when sun is at its zenith) See also: wiirawiiro
initial: w
lx: wiirawiire
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: wiirawiire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirowiiro
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid. m.f.dh, ciirciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirciir
v. be unstable, be unbalanced; be filled to the brim, overflow
ciirciir v. pitch, toss (of a ship); stagger, reel (of a person); vacillate (of prices); decrease, diminish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciir
(fal) miisaanku ha kaa lumo oo kolba dhinnac u dheelli.
ciirciir -ka: (magac, lab, keli) dheeldheelliyid oo dhicid kolba ku dhawaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirdiir
f. n. antelope species
diirdiir [feminine] n. caterpillar, grub, worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirdiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ dirindiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiir
(fal) wax badan diirka ka qaadqaad.
diirdiir-ta: (magac, dhedig, keli) dirxi tigaadda iyo sarciga ku dhasha oo aad u waxyeelleeya. Sannadka ay diirdiiri dhalato dhulku wuu abaaroobaa Dh: diir, dirindir.
diirdiir -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo diillimo dhaadheer leh. Diirdiirtu waxay la bah tahay bayracda iyo deeradeerada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirdiir
de: silk worm
lx: diirdiir
pd: (-da)
ps: np-f
key: diirdiir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diradiro
-dirraddiraha: (n) the act of stirring up strife or setting against each other; quarrelmongering; troublemaking (tarobal-meeyking) ~ diradiro, nammiimino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiro
-ha: (magac, dhedig, keli) war xun oo loo kala qaado labo dhinac. Dh: namiimnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiir
giirgiir¹: m.l Midab ay yeeshaan lo'da iyo riyaha oo baro dambas madow ah oo meelo kala duwan oogada kaga yaal.
giirgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giirgiir
f.g1 (-ray, -rtay) Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeelid. m.f.dh, giirgiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirgiir
-ka: (magac, lab, keli) neef ama wax kale oo caarcaar madow leh; liinliin madow leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiilqiil
m.dh 1. Xaalad halis ah. 2. Q. ah: ciriiri badan oo wax helitaankoodu galo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiilqiil
m.dh 1. Xaalad halis ah. 2. Q. ah: ciriiri badan oo wax helitaankoodu galo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiilqiil
f. n. difficult ~ dangerous situation, hassle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiilqiil
-qiilqiisha: (n) danger (dheen-jar); risk (riski); unstable condition; risky situation ~ khatar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiilqiil
-ka: (magac, lab, keli) biyo, gaas ama oomaar noqday oo sida qiiqa sare u baxa. Dh: qiiraqiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiilqiil
de: difficult ~ dangerous situation, hassle
lx: qiilqiil
pd: (/sha)
ps: n2-f
xe: get into a difficult situation
xv: qiilqiil gal
key: qiilqiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqtiro
(fal) naso oo hiinraagga jooji. Dh: neefgooso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraddiro
(Diraddira-da)
Iskuddir; wax-isaga-sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddiro
m.dh la-mid: diraddire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraddiro
vl. n. act of stirring up conflict, trouble-making
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraddiro
de: act of stirring up conflict, trouble-making
lx: diraddiro
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: diraddiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku f.: saaxiibnimo awgeed cid ula socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraqxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku f.: saaxiibnimo awgeed cid ula socosho. m.f.dh, faraqxirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiirfiiri
v. keep on looking at, examine, browse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiirfiiri
-yey say: (v) look around, look through something casually; browse (baraaws)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirfiiri
(fal) eeg oo kolba eeg; wax yaabo badan kolba mid eeg. Dh: jaljalleec, indha'indhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiirfiiri
de: keep on looking at, examine, browse
lx: fiirfiiri
pd: (fiirfiiriyey)
ps: v2a=pl
key: fiirfiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirinqiir
m.l la-mid: qiiraqiiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qirinqiir
Critical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirinqiir
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo digaagga ku dhasha; dirxi ku dhasha baadadka digaagga. Dh: injir.
qirinqiir -ka: (magac, lab, keli) halis. Ninku qirinqiir ayuu u geliyay oo uu i dili gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: qoordiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradarro
m.dh Caqli gaabni, fahmayaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitajiito
-da: (magac, dhedig, keli) adkaynta jiidista xadhigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirowiire
-ha: (magac, lab, keli) eeg wiirawiire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiitaxiito
-da: (magac, dheddig, keli) shimbir mijo cascas oo dhuudhuuban leh oo madaxa laba diilinood oo madmadaw ku leh oon habeenkii seexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqiirqiir
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqiirqiir
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraddarro
-da: (magac, dhedig, keli) fahmaxumi iyo fikirla'aan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giornaliéro
agg. e s.m. - maalmeed; maalingoosato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiraannimo
f. n., [abstract] neighbor-liness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiraannimo
-jiiraannimada: (n) neighborhood (neey-bar-huudh) ~ derisnimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiiraannimo
de: neighbor-liness
lx: jiiraannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: jiiraannimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilekabiirow
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhexmarta ragga iyo dumarka oo aan lahayn gabayo iyo geeraarro, waxaa na lagu tumaa cod keliya oo mar la bixiyo, jiib, jaan iyo sacab la kala rogto, waxaa na laga ciyaaraa gobolka Banaadir iyo meelo kale.