qaylaggeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylaggeys
(Qaylaggeys-ka)
1. Qofka ama dadka meel dareen ka dhacay warkeed qaada oo dadka gaarsiiya.
2. Qaylaggeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaggeys
m.l 1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda qaada oo dad kale gaarsiiya. 2. la-mid: qaylaggeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylageys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaylageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylaggeyn
(Qaylaggeyn-ta)
Shil ama dhibaato kale oo dhacday warkeed dad aan ka warhayn u geyn, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaggeyn
m.f.dh eeg qaylaggee. la-mid: qaylaggeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shil ama dhibaato kale oo dhacday warkeeda dad aan ka warhayn gaarsiin. Dh: qaylageys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaggee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) U q.: cid war dhiillo leh u geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaylaggee
v. spread the alarm, summon help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylaggee
(fal) (u ~) cid war dhiillo leh u geyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaylaggee
de: spread the alarm, summon help
lx: qaylaggee
nt: qaylaggeyn (ta) [vn-f], qaylaggeys (ka) [vn-m]
pd: (qaylaggeeyey)
ps: v2b=intr
key: qaylaggee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaroor
qaylaroor¹: m.l la-mid: qaylaggeys.
qaylaroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: qaylaggee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoys
-ka: (magac, lab, keli) qof waadaalnimada dhaafa oo la qabsada bii'ada cusub. Durba Samaale qalagoys ayuu noqday. Dh: beledi.
qalagoys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalagoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalaggoys
(Kalaggoys-ka)
Labo xubnood oo lafo leh, meesha ay iska haystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggoys
m.l (-syo, m.dh) 1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaggoys
m.l (-syo, m.dh) 1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaggoys
m. n. intersection; joint (of the body)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalaggoys
-ka:(n)l. [Anatomy] joint between two or more bones; joint (joonyt). 2. intersection (intara-sakshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaggoys
-ka: (magac, lab, keli) labo xubnood oo lafo leh meesha ay iskugu yimaaddaan ama iska haystaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaggoys
de: intersection; joint (of the body)
lx: kalaggoys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kalaggoys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaggoyn
(Qalaggoyn-ta)
Qaladu ka bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaggoyn
m.f.dh eeg qalaggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageys
m.l la-mid: fallaageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylaggoyn
m.f.dh eeg faylaggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaggoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) Nafley qalo ka bi'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagooy
(fal) eeg qalagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaal ka bixid oo dadka iyo waaqica la qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqageys
(magac, lab, keli) daajis xoolaha ee barqaddii. Barqageys bay lo'dii ku maqantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggeyn
m.f.dh eeg dabaggee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore wax dambe ka daba kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaggoys
(Dagaggoys-ka)
Dago loo bixin karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef sakada lagaga bixiyo xoolaha intooda kale ahna mid shuruuduhii dagaggoysku u dhan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggoys
m.dh (-syo, m.l) Nooc shimbiraha hilibcunka ka mid ah; dafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylaggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Nafley boqongoyn. 2. Cid khasaare ballaaran u geysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faylaggoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) 1. Nafley boqongoyn. 2. Cid khasaare ballaaran u geysasho. m.f.dh, faylaggoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faylaggoo
v., [compound] cut someone's tendons; cause grave damage to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faylaggoo
de: cut s.o.'s tendons; [fig.] cause grave damage to s.o.
lx: faylaggoo
pd: (faylagooyey / faylagoysey)
ps: v2a=cmp
key: faylaggoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo si daran u dhaawicid.
faylagoyn-ta: (magac, dhedig, keli) labada faylood jarid. Dh: faylajarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kalageeye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay dad wada jiray ay kala tageen, ama dhib taallay ay dhammaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya labo tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalaggooy
v., [compound] become comfortable ~ familiar with, lose the feeling of being a stranger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalaggooy
de: become comfortable ~ familiar with, lose the feeling of being a stranger
lx: qalaggooy
pd: (qalaggooyey)
ps: v2a=cmp
key: qalaggooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylakeen
qaylakeen¹: m.l 1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. 2. la-mid: qaylakeenid.
qaylakeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaylakeen
f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. m.f.dh, qaylakeenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaylakeen
v. bring a request for help (in a dangerous situation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylakeen
-ka: (magac, lab, keli) qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaylakeen
de: bring a request for help (in a dangerous situation)
lx: qaylakeen
pd: (qaylakeenay)
ps: v1=intr
key: qaylakeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Qof wax kala tashasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggeli
(fal) cid kale, arrin u sii sheeg inuu kusii xisaabtamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraggoys
m.l 1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. la-mid: carraggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caylagolyo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir yar oo fudfudud oo fiidmeerta u eg oo xilliga barwaaqada ah inta ay isku soo ururto dhoollatus qurux badan hawada ku samaysa oo kolba dhinac u duusha. Dh: caylo, ceerilleef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagays
-ka: (magac, lab, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: fallaagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageyn
m.f.dh eeg fallaagee. la-mid: fallaageys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraggoys
m.l la-mid: qooraggoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraabaggoys
m. n., [compound] person who neglects his connections with his relatives
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraabaggoys
de: person who neglects his connections with his relatives
lx: qaraabaggoys
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: qaraabaggoys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg aflagaadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaggeddis
m.l la-mid: dalaggeddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaaligarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabagoys
-ka: (magac, lab, keli) qof aan ehelka iyo dhawaalaha aan xidhiidhin ama u samafalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: qayladdiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylakeenid
m.f.dh eeg qaylakeen². la-mid: qaylakeen¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabaggooys
m.l 1. Q. ah: qof aan qaraabadiisa daryeelin. 2. la-mid: qaraabaggooyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaraabaggooys
m.l 1. Q. ah: qof aan qaraabadiisa daryeelin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QARAN-NAGEEYS
(Garan-nagheis) S Gossypium stocksii Mast. Malvaceae.