qayirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirid
(Qayirid-da)
Beddelid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirid
m.f.dh eeg qayir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayirid
-da: (n) the act of altering, usually by discoloring ~ dhalanrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bedde lid. Alaabtu qayirid uma baahnee innoo daa. Dh doorin, qayiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirmid
(Qayirmid-da)
Beddelmid; doorsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirmid
m.f.dh eeg qayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bed- delmid. Cadceedda ayaa qayirmidda gaadhiga ugu wacan. Dh: beddelmid, doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamirid
m.f.dh eeg qamir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamirid
-da: (magac, dhedig, keli) qoosh iyo wixii la mid ah in la dubo gaadhid. Dh: khamiirid, gamiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasirid
-da: (magac, dhedig, keli) ganaaxid; taqsiir cid dusha ka saarid. Dh: ganaaxid, khasirid, takhsiirid, garraaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayilid
(Qayilid-da)
Qayil u fariisasho; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilid
m.f.dh eeg qayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilid
-da: (magac, dhedig, keli) jaad cunid; barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shay isaga oon la tuurin laftiisa uun hagaajin iyo qurxin wax ka beddesha ku samayn. Buluugga waxa loogu tala galay qayirinta dharka cadcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayixid
(Qayixid-da)
Wax qayaxan ka dhigid; diirid; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayixid
m.f.dh eeg qayax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirid
(Xayirid-da)
Dhaqdhaqaaq ama socod ama safar u diidid; joojin; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirid
m.f.dh eeg xayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirid
-da: (magac, dhedig, keli) hulo kasta la awdidi oo xannibid. Dh: jirrabid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
discolor
/dhiskalar/ (v) qayirid, midab ka xumayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disturb
/dhistarb/ (v) 1. labid, qasid (v) 2. cargaladayn, dhibaato abuurid (v) 3. qayirid, baddalid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alterare
v.tr. - doorin, qayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaayibid
(Qaayibid-da)
1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.
2. Wax u bogid, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayibid
m.f.dh eeg qaayib. la-mid: qaayib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ula qabsasho; ugu dhaqmid; u barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbirid
m.f.dh eeg qabbir². la-mid: qabbir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) lugaha ka xidhid dabar ku xidhid. Dh: dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamiirid
(Qamiirid-da)
Khamiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiirid
m.dh la-mid: khamiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjirid
m.f.dh eeg qanjir². la-mid: qanjir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarririd
m.f.dh eeg qarrir². la-mid: qarrer¹, qarrerid, qarrir¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayiraad
m.dh Isbeddel ku yimaad midab, ur iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayiraad
-da: (magac, dhedig, keli) beddelaad Waxan soo noqday dalkii oo qayiraad badani ku dhacay. Dh: qayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayirid
(Saayirid-da)
U turid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayirid
m.f.dh eeg saayir². la-mid: saayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayirid
-da: (magac, dhedig, keli) «la u tudhid: dhaqaalayn. Saayirid iyo sicir jaban safarka wax kaga libi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirmid
(Xayirmid-da)
Wax xayiran ama la xayiray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirmid
m.f.dh eeg xayiran². la-mid: xayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xayiran noqosho; dhan walba ka go'id. Dh: xannibmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarid
-ka: (magac, lab, keli) eeg garbed.
qarid -ka: (magac, lab, keli) eeg qarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayid
(Qayid-da)
1. (biyo, kd.) Meel ka diqdiqayn oo meel kale ku shubid, ku daadin.
2. (uunsi) shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayid
m.f.dh eeg qay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo meel ka dhurid oo meel kale u dhurid. Saacad ayaan qayidda laaska ku dhammeeyey. Dh: dhurid, qayis.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) bixbixin xoog ah oon xad lahayn. Dh: qayis, farriigid.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) uunsi shidid. Dumarku qayidda aqallada way jecel yihiin. Dh: uunsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayir
(Qayir-ka)
Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayir
qayir¹: m.l Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
qayir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iyo wixi lamida beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayir
m. n. change, transformation, alteration
qayir v. change, transform, alter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayir
-ay I tay: (v) make different in a negative way; modify (mo-dhi-faay); alter (oZ-/er); change (jan-ji); deface (difeeys); deform (difoorm) ~ dhalanrog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayir
(fal) sida uu yahay si aan ahayn u beddel. Qayir midabka surwaalka. Dh: doori, beddel.
qayir -ka: (magac, lab, keli) is beddel wax lagu sa- meeyo. Qayirka xumuhu waa waajib inna saaran Dh: beddel, dooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayri
-da: (magac, dhedig, keli) dad garangar u deggan ama geelal raysimo ah oo meel deggan. Halkaa qayri baa loo degan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirid
(Qirid-da)
1. Runtii sheegid, furid; caddayn.
2. Rumayn; markhaatikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirid
m.f.dh eeg qir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qirid
-da: (n) confession (kon-feshen); admission (aadh-mishin); acknowledgment (ak-noolaj-ment) ~ qiraal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirid
-da: (magac, dhedig, keli) run ka sheegid; inay jirto caddayn. Dh: xaqiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yirid
m.l (daawo) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yirid
m.l (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yirid
-ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Wiilka yirid baa haya. Dh: yerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidid
m.f.dh eeg ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageeris dhan waliba noqon karta. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayimid
m.f.dh eeg ayin². la-mid: ayin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrid
m.f.dh eeg bayr³. la-mid: bayr¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u wee- casho. Bayridda ka ilaali oo hagaag u wad. Dh: baydhid, leexad, weecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayrid
(Mayrid-da)
Biyo ku qasaalid; dhiqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrid
m.f.dh eeg mayr². la-mid: mayrniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mayrid
-da: (n) the act of washing; ~ mayrniin-ka, dhaqid -da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskagga iyo foolxumada ka dhaqid. Dh: dhaqid, maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarid
m.f.dh eeg qaar³. la-mid: qaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaadhid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadiid
(Qadiid-ka)
1. Culayga weelka.
2. Madowga culaygu weelka u yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadiid
m. n., [collective] wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadiid
nickname; name-m kinky haired; wood used for smoking milk vessel or the black color it produces (black)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadaad.
qadiid -ka: (magac, lab, keli) madawga uu culaygut weelka ku reebo. Qadiidka lama maydhee waa la masaxaa. Dh: cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadiid
de: wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
lx: qadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qadiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qahrid
(Qahrid-da)
Qahar badid; kadeedid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qahrid
m.f.dh eeg qahar². la-mid: qaxrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qahrid
-da: (magac, dhedig, keli) shiddayn, kadeedid, dhibaatayn. Dadka qahridda ka daa. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaliid
(Qaliid-ka)
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaliid
m.l (-dyo, m.dh) Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaliid
m. n. wooden fastening of a door
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaliid
-ka: (magac, lab, keli) quful albaabbada looxa ah lagu xidho oo isna qori ka samaysan. Albaabka galiid jag ku sii.
qaliid-ka: (magac, lab, keli) eeg gadaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaliid
de: wooden fastening of a door
lx: qaliid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qaliid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariid
(Qariid-ka)
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariid
qariid¹: m.l.u Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariid²: f.g1 (-day, -dday) Badar iyo wixi lamida ceeriin ku cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariid
m. n., [collective] grain, nut, rootcrop ~ cereal
qariid v. munch on, eat grain ~ precooked cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariid
-ay / day: (v) eat uncooked grain or cereals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariid
(fal) badar iyo wax la mid ah, ceeriin ku cun; qaydhiin ku cuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxrid
m.dh la-mid: qahrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale gasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybid
(Qaybid-da)
Wax laysu qoray, dibad ka barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybid
m.f.dh eeg qayb³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha ka xifdiyid, korka ka qabasho. Dh: qaybis, xifdiyid.