qayilsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsiin
m.f.dh eeg qayilsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof qaad ku filan siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilsii
(fal) qof, qaad ku filan siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybsiin
(Qaybsiin-ta)
Qof wax barid, u sheegsheegid, taniyo intuu wixii dibadda ka barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsiin
m.f.dh eeg qaybsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kor ka qabadsiin. Qaybsinta carruurtu way dhib yar tahay. Dh: xafidsiin, xifdisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof jaad cunay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayilsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof jaad cunay ahaansho. m.f.dh, qayilsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilsan
(tilmaame) mid jaad cunay ah; mid barjeeyay; mirqaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylisiin
m.f.dh eeg qaylisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsiin
m.f.dh eeg qaabbilsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinsiin
m.f.dh eeg qaniinsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaliin
-ka: (magac, lab, keli) wax nool meel kat jeexid. Dh: qalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylin
(Qaylin-ta)
Cod dheer oo qaylo ah, ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylin
m.f.dh eeg qayli. la-mid: qaylis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaylin
-ta: (n) the act of shouting, screaming or yelling ~ see also [eeg] qaylo. Ex: ha igu qaylin! don't yell at me!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo qaylo ah ku dhawaaqid. Qaylinta dumarka uunbaa lagu yagaan. Dh: uubatayn, qaylis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilin
(Cayilin-ta)
Wax cayillan ka dhigid; naaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilin
m.f.dh eeg cayili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cayillan ka dhigid. Dh: naaxin, cayilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayliin
m.dh (-no, m.dh) la-mid: maayliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalliin
(Qalliin-ka)
Wax qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalliin
qalliin¹: m.l Wax qalid.
qalliin²: m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga aw.) Qayb ka mid ah cilmig ku saabsan xirfadda qalliink daawada oo dhaawaca, qaabdarrada xubnaha iyo cudurro kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalliin
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku saabsan xirfadda qalliinka dhaawaca, qaabdarrada xubnaha iyo cudurro kale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalliin
vl. n. slaughter (of an animal); surgery, surgical operation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalliin
-ka: (n) 1. surgery (ser-jari); surgical operation. 2. the act of slaughtering; butchering ~ qalniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalliin
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku saabsan xirfadda qalliinka dhaawaca, qaabdarrada xubnaha iyo cudurro kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalliin
a: qalniin
de: slaughter (of an animal); [ext.] surgery, surgical operation
lx: qalliin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: qalliin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalliin
جراحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalniin
m.l 1. Jeexdin lagu sameeyo meel jirka nafleyda ka mid ah si loo daweeyo. 2. la-mid: qalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalniin
vl. n. surgical operation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalniin
-ka:(n) 1. surgery (ser-jari); surgical operation. 2. the act of slaughtering; butchering ~ qalliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalniin
de: surgical operation
lx: qalniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: qalliin
key: qalniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsiin
m.f.dh eeg qawsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax xafidsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax xafidsiin. m.f.dh, qaybsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybsii
v., [compound] assign a lesson to memorize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsii
-yey / say: (v) make someone learn by heart or memorise (memo-raayz) also memorize ~ xafidsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsii
(fal) cid cashar korka ka xafidsii. Dh qabadsii, xifdisii, xafidsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybsii
de: assign a lesson to memorize
lx: qaybsii
pd: (qaybsiiyey)
ps: v2a=cmp
key: qaybsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayilid
(Qayilid-da)
Qayil u fariisasho; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilid
m.f.dh eeg qayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilid
-da: (magac, dhedig, keli) jaad cunid; barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shay isaga oon la tuurin laftiisa uun hagaajin iyo qurxin wax ka beddesha ku samayn. Buluugga waxa loogu tala galay qayirinta dharka cadcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayriin
m.l la-mid: ceeriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayriin
[adjective] raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayriin
-ah: (n) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ qaydhiin, ceedhiin, ceeriin, ceyriin, cayriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayriin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayriin
a: qaydhiin
de: raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
lx: qayriin
pd: (qayriinaa)
ps: adj-m
see: ceeriin
key: qayriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalsiin
m.f.dh eeg maalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadsiin
(Qaadsiin-ta)
1. Wax inay wax qaadaan ku jiidid, ku dirqin.
2. Xoog ama tab cid wax ku marsiin, ku yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadsiin
m.f.dh eeg qaadsii. la-mid: qaadsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) inuu qaado xoog ama xeelad ku yeelsiin. Dh: dirqiyid, qaadsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaysii
(fal) dhaxan jooji oo ha qadhqadho. Dh: dhaxmoodsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaybsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaydhiin
[adjective] unripe, raw, unprocessed, uncooked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaydhiin
-ah: (adj) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ qayriin, ceedhiin, ceeriin, ceyriin, cayriin. Ex: hilib qaydhiin ah; raw meat. Alaabta qaydhriin; the raw materials
qaydhiin -ka: (n) rawness (roo-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydhiin
-ka: (magac, lab, keli) aan bislayn. Qaydhiin cune calooshiisuu ka shaw qabaa. Dh: caydhiin. cayriin, qayriin. Li: bisayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaydhiin
a: qayriin
de: unripe, raw, unprocessed, uncooked
lx: qaydhiin
pd: (qaydhiinaa)
ps: adj-m
see: ceeriin {N}
key: qaydhiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirsan
(tilmaame) beddelan oo sidiisi ka duwan ah. Gaadhigii oo qayirsan ayuu ii soo ceshay. Dh: bedelan, doorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylisii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: cid ka dhawaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaylisii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: cid ka dhawaajin. m.f.dh, qaylisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylisii
(fal) ka~ cid inay qayliso sabab u noqo. Gabadha ka qaylisii ha lagu yakeeyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisiin
m.f.dh la-mid: bariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayeysiin
m.f.dh eeg dayeysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayeysiin
m.dh la-mid: geyeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xun oo aanu ogayn u reebid; wax xun mutaysiin. Dh: geyeysiin, aayeysiin, gayoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsiin
m.f.dh eeg hadalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqalsiin
m.dh la-mid: maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilsii
(fal) gacanta kaga rid; farta ka saar; u dhiib. Ammaanada ninkii lahaa qaabilsii. Dh: guddoonsii.
qaabilsii: (fal) ku aaddi; ka horjeedi oo ku toosi. Odayga wejigiisa qiblada qaabilsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabadsiin
m.f.dh eeg qabadsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab meel ku qabasho oo gubid. Dh: hurin, ololin.
qabadsiin-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun cid kale u tebin.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig. keli) xafidsiin, qaybsiin. Macallimiintu qabadsiinta ardayda way ku kala fiican yihiin. Dh: xafidsiin.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig, keli) ku dhifasho; ku jiidid. Ninkii hurday qabadsiintii usha la qabadsiiyay ayuu ku kacay.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig, keli) le'ekaysiin; waafajin: qaabilsiin. Daahu meesha wuu le'eg yahay oo qabadsiin kale uma baahna.
qabadsiin-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iyo in ka badan isku dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysiin
m.f.dh eeg qadaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale hadhimo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadeysiin
m.f.dh eeg qadeysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, qado siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaso iyo wejigabax ku ridid. Dh: khasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataysiin
(Qataysiin-ta)
Luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataysiin
m.f.dh eeg qataysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo khaati ka dhigid. Odaygu wuu soo daalaye qataysiinta ka yaree. Dh: daalin, qataysiis.
qataysiin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samirsiin
(Samirsiin-ta)
Samir ku adkayn, ku waanin, farid; samrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samirsiin
m.f.dh eeg samirsii. la-mid: sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax la yeelay, wax uu ku samro siin.
samirsiin -ta: (magac, dhedig, keli) samir ku adkayn, ku waanin, farid; samirsiis; illowsiin wixii dhib ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysiin
m.f.dh eeg xayaysii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayaysiin
-ta: (n) advertisement (adhvar-taayz-ment); commercial advertisement ~ iidheh, xayaysiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsanaan
m.f.dh eeg qayilsan. la-mid: qayilsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminsiin
ąamminsiin: m.f.dh eeg ąamminsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax rumaysiin ama ku qancin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiin
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarsiin
(Cayaarsiin-ta)
1. Cayaarin.
2. (askar) cayaarsiis barid; gaardisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarsiin
m.f.dh eeg cayaarsii. la-mid: cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaartoy askar ama cid kale, ciyaar iyo xeelado barid ama u horseedid. Dh: ciyaarsiin, cayaarsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyo leh dul sabaysiin oo wax dabbalanaya ka dhigid. Dh: dabbaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalsiin
m.f.dh eeg dhaxalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayoodsiin
(Gayoodsiin-ta)
Geyoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayoodsiin
m.dh la-mid: geyoodsiin.