qayilsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof qaad ku filan siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilsii
(fal) qof, qaad ku filan siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsiin
m.f.dh eeg qayilsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilsii
(fal) gacanta kaga rid; farta ka saar; u dhiib. Ammaanada ninkii lahaa qaabilsii. Dh: guddoonsii.
qaabilsii: (fal) ku aaddi; ka horjeedi oo ku toosi. Odayga wejigiisa qiblada qaabilsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax xafidsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax xafidsiin. m.f.dh, qaybsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybsii
v., [compound] assign a lesson to memorize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsii
-yey / say: (v) make someone learn by heart or memorise (memo-raayz) also memorize ~ xafidsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsii
(fal) cid cashar korka ka xafidsii. Dh qabadsii, xifdisii, xafidsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybsii
de: assign a lesson to memorize
lx: qaybsii
pd: (qaybsiiyey)
ps: v2a=cmp
key: qaybsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayilid
(Qayilid-da)
Qayil u fariisasho; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilid
m.f.dh eeg qayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilid
-da: (magac, dhedig, keli) jaad cunid; barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaysii
(fal) dhaxan jooji oo ha qadhqadho. Dh: dhaxmoodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof jaad cunay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayilsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof jaad cunay ahaansho. m.f.dh, qayilsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilsan
(tilmaame) mid jaad cunay ah; mid barjeeyay; mirqaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylisii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: cid ka dhawaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaylisii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: cid ka dhawaajin. m.f.dh, qaylisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylisii
(fal) ka~ cid inay qayliso sabab u noqo. Gabadha ka qaylisii ha lagu yakeeyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn. m.f.dh, qaabbilsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Nafley afka wax u gelin si uu u qaniino. 2. Cid isku dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniinsii
v.caus: cause to bite, make bite
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniinsii
de: cause to bite, make bite
lx: qaniinsii
pd: (qaniinsiiyey)
ps: v2a=caus
key: qaniinsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylisiin
m.f.dh eeg qaylisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsiin
m.f.dh eeg qaabbilsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayil
(Qayil-ka)
U fariisadka iyo cunidda qaadka; barje.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayil
qayil¹: m.l Cunidda qaadka.
qayil²: f.mg1 (-ilay, -ishay; -yli) Qaad cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayil
f.mg1 (-ilay, -ishay; -yli) Qaad cunid. m.f.dh, qayilid. m.f.dh, qaylid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayil
v. have a khat-chewing session
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayil
-ay / qayishay: (v) chew the leaves of a khat for their stimulating effects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayil
(fal) jaad u fadhiiso oo cun. Kaalay maanta qayil. Dh: barjee.
qayil -ka: (magac, lab, keli) inta maalin lagu barjeeyo ee jaad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayil
bw: qaad
de: have a khat-chewing session
lx: qayil
nt: qayil (ka) [vn-m]
pd: (qayilay)
ps: v1=intr
key: qayil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Cod dheer ku dhawaaqid. 2. Ku q.: cid canaan u jeedin. 3. U q.: cid taageerid. 4. U q.: cid u yeerid. 5. La q.: dhibaato darteed la dhawaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Cod dheer ku dhawaaqid. 2. Ku q.: cid canaan u jeedin. 3. U q.: cid taageerid. 4. U q.: cid u yeerid. 5. La q.: dhibaato darteed la dhawaaqid. m.f.dh, qaylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayli
v. shout, yell, make a row
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayli
-yey / say: (v) shout (shaaw-t); scream (iskiriim); yell (yeel) ~ dhawaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayli
(fal) afka waax oo aad u dhawaaq; cod dheer oo qaylo ah samee. Hadduu cadow dawga kuu joogsado qayli. Dh: uubatee.
qayli: (fal) farriin dir oo in laquu yimaad codso Ninku waa sankaraade dadka ugu qayli. Dh: yeedh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayli
de: shout, yell, make a row
lx: qayli
pd: (qayliyey)
ps: v2a=intr
key: qayli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayili
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley wax cayilan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayili
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley wax cayilan ka dhigid. m.f.dh, cayilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayili
v. fatten (up), make fatter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayili
-yey / say: (v) make plump or fat; fatten (faaten)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayili
(fal) cid kale, naaxi; mid shilis ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayili
de: fatten (up), make fatter
lx: cayili
pd: (cayiliyey)
ps: v2a=tr
key: cayili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsii
(fal) xoolahaaga cid wax ka sii. Qabsii walaalkaa waad ka xoola badantahaye.
qabsii: (fal) qasab ku qaadsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar “qaw” ku dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar 'qaw' ku dhalin. m.f.dh, qawsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsi
m.l la-mid: qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylid
m.f.dh eeg qayil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylin
(Qaylin-ta)
Cod dheer oo qaylo ah, ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylin
m.f.dh eeg qayli. la-mid: qaylis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaylin
-ta: (n) the act of shouting, screaming or yelling ~ see also [eeg] qaylo. Ex: ha igu qaylin! don't yell at me!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo qaylo ah ku dhawaaqid. Qaylinta dumarka uunbaa lagu yagaan. Dh: uubatayn, qaylis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylis
m.l la-mid: qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilid
m.f.dh eeg cayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilin
(Cayilin-ta)
Wax cayillan ka dhigid; naaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilin
m.f.dh eeg cayili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cayillan ka dhigid. Dh: naaxin, cayilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cayilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid neef irmmaan ku taakulayn in muddo ah si uu u maalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalsii
ditransitive v. lend (an animal for milking) to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalsii
de: lend (an animal for milking) to s.o.
lx: maalsii
pd: (maalsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: maalsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin. m.f.dh, qaadsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadsii
v.caus: force ~ constrain someone to accept something; transmit (a disease)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadsii
-yey I say: (v) 1. make it fit; make capable of holding or containing. 2. make someone contract a disease or catch a bug [virus]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadsii
(fal) shey ku kale le'ekaysii mug ama dherer ahaan. Dharka qaadsii shandadda. Dh: deeqsii.
qaadsii: (fal) noole inuu wax qaado xoog ama xeelad ku yeelsii. Wiilka yar ha diline sasabo alaabta ku qaadsii. Dh: yeelsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadsii
de: force ~ constrain s.o. to accept s.t.; [ext.] transmit (a disease)
lx: qaadsii
nt: qaadsiin (ta) [vn-f], qaadsiis (ka) [vn-m]
pd: (qaadsiiyey)
ps: v2a=caus
key: qaadsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafilid
(Qafilid-da)
Wax qafilan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilid
m.f.dh eeg qafil². la-mid: qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful, qu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafilid
-da: (magac, dhedig, keli) qafil ku xidhid Qafilid la'aan aqalka ha ka tegin. Dh: qufulid qataarid, xidhid. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamisid
m.f.dh eeg qamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasilid
(Qasilid-da)
Bariiska la doonayo in la kariyo, biyo ku qasaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasilid
m.dh la-mid: qasaasilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqid oo biyo ku maydhid. Qasilidda dharka ani igu daa. Dh: qasaasilid, dhaqis, maydhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirid
(Qayirid-da)
Beddelid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirid
m.f.dh eeg qayir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayirid
-da: (n) the act of altering, usually by discoloring ~ dhalanrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bedde lid. Alaabtu qayirid uma baahnee innoo daa. Dh doorin, qayiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shay isaga oon la tuurin laftiisa uun hagaajin iyo qurxin wax ka beddesha ku samayn. Buluugga waxa loogu tala galay qayirinta dharka cadcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayixid
(Qayixid-da)
Wax qayaxan ka dhigid; diirid; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayixid
m.f.dh eeg qayax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: barii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisii
(fal) sug illaa dhulku diirayo oo barqada la gaadhayo. Xoolaha ha kallihine bariisii. Dh: bariisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsii
(fal) cid kale, weeci oo dawga ka leexi. Ciidanka buurta u baydhsii. Dh: weeci, leexi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayeysii
f.g2 (-iiaya, -iisay) Nafley jahawareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayeysii
v. disorient; make someone dizzy ~ disoriented
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayeysii
(fal) cid kale, dhibaatee oo wareeri. Dh: dawikhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayeysii
de: disorient; make s.o. dizzy ~ disoriented
lx: dayeysii
pd: (dayeysiiyey)
ps: v2a=tr
key: dayeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: geyeysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayeysii
(fal) qof wax uusan galabsan ku ciil oo bad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid. m.f.dh, hadalsiin.