qaybgobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgobo
-da: (magac, lab, keli) xisaab ahaan, qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r+, taas oo r ay tahay acanka, +- na tahay xagasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayb goobo
m.dh (-bo ..., m.l) (xisaab) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +na tahay xagasha.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qayb goobo
Sector of a circle
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayb-goobo
m.dh (-bo ..., m.l) (xisaab) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +-na tahay xagasha.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAYBO
Sezioni
Sections
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Roob wax feeray noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Roob wax feeray noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayoo
(fal) roob wax feeray noqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboob
inch. v. become cold, be ~ get cool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboob
-ah / qaboobaa / qaboobayd: (adj) cold (kooldh); cool (kuul) ~ qabow. Ex: meet qaboob ah; a cold place
qaboob -ay / -tay / qaboobeen / qaboobnay: (v) become cold; be cold; grow cold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboob
de: become cold, be ~ get cool
lx: qaboob
pd: (qaboobay)
ps: v1=inch
key: qaboob
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QANBOB
Cucumis pustulatus 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) Neef riman soo sid-dhaweyn (sac ama hal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasgoo
v. be close to giving birth (of an animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasgoo
de: be close to giving birth (of a animal)
lx: qasgoo
pd: (qasgooyey)
ps: v2a=intr
key: qasgoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid. m.f.dh, qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybso
v. share (out), take a share; divide, apportion among oneselves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybso
-qaybsaday / qaybsatay / qaybsadeen / qaybsanay: (v) divide up; portion out; share (sheer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybso
(fal) shay iskaa gobollo uga dhigo oo gaybqayb u kala sooro. Dh: sooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybso
de: share (out), take a share; divide, apportion among oneselves
lx: qaybso
pd: (qaybsaday)
ps: v3a=tr
key: qaybso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabooba
m. n. cold season, winter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabooba
de: cold season, winter
lx: qabooba
pd: (-ha)
ps: n0-m-time
key: qabooba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobe
-ha: (magac, lab, keli) xilliga ama waqtiga dhulku aanu diirranayn ee jiilaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboono
(Qaboona-da)
1. Intaan qorraxdu soo dheeraan ama ay dhicid ku dhowdahay oo ay qabowdahay.
2. Barqagibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboono
m.dh Subaxnimada inteeda hore oo aan qorraxdu weli soo kululaan. la-mid: qaboone.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboono
f. n. cool of the morning ~ evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboono
-qaboonada: (n) early morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboono
-da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore inta aan dhulku kululaan. Socodku qaboonada hore ayuu ku habboon yahay. Dh: subax, aroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboono
de: cool of the morning ~ evening (i.e., before the sun gets hot or after it has lost its intensity)
lx: qaboono
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qaboono
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoo
(fal) waadaal ka gudub oo nololsha la qabso Saaddex cishaad joogtaaye haddeed qalagoo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QALBOOB
Cucumis halabarda 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamboob
qamboob¹: m.l (qamboob, m.dh) Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. la-mid: qalfoon (2).
qamboob²: m.dh Miro cagaaran oo dusha ku leh qodaxyo oo inta la dubo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamboob
m.l Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno; qalfoon (2).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAMBOOB
(Gambob) C Cucumis figarei Naud. Cucurbitaceae.
C, May Cucumis halabrada Chiov. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamboob
-ta: (magac, lab, keli) midho cagaaran oo dusha ku leh qodaxyo oo inta la dubo la cuno. Dh: qanboob, qalfoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanboob
(Qanboob-ka)
Geed yar oo dhulka ku faalala oo bixiya miro la cuno oo kulkulucsan oo gas leh; qalfoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanboob
m. n., [collective] plant species, with sweet berries
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QANBOOB
Cucumis halabarda 001, C. pustulatus 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanboob
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo dhulka ku dagaaga oo bixiya midho la cuno oo kulkulucsan oo gas leh. Qanboob ii soo gur Dh: qalfoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanboob
de: plant sp., with sweet berries
lx: qanboob
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
syn: qalfoon
key: qanboob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybgal
(Qaybgal-ka)
(ka qaybgal) Wax la waxaynayo oo qayb laga qaato, wax laga wadaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgal
qaybgal¹: m.l Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo. la-mid: qaybgelid.
qaybgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Ka q.: hawl la qabanayey ama wax kale qayb ka qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybgal
qaybgal¹: m.l Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo.
qaybgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Ka q.: hawl la qabanayey ama wax kale qayb ka qaadasho. m.f.dh, qaybgelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybgal
-ka: (n) participation (paarti-sipeey-shin) see also [eeg] ka qaybgal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgal
(fal) (ka ~) ku jir oo qayb ka noqo. Shirka ka soo qaybgal.
qaybgal -ka: (magac, lab, keli) (ka ~) shir iyo wax la mid, qayb ka noqosho. Dad ka qaybgal loog yeedhay uunbaa casuumadda iman kara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgel
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaybgal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybiso
f. n. extension cord (for electric appliance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybiso
-qaybisada: (n) electrical extension cord ~ doobiyo bareeso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybiso
de: extension cord (for electric appliance)
lx: qaybiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qaybiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobow
f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax qaboobay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboobow
inch. v. become cold, get colder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobow
(fal) wax aan kululayn noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboobow
de: become cold, get colder
lx: qaboobow
pd: (qaboobaaday)
ps: v3a=inch
key: qaboobow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgale
m.l (-layaal, m.l/dh) Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybgale
m.l (-layaal, m.l/dh) Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgale
-ha: (magac, lab, keli) «ka hawl iyo shaqo qof ka qaybqaatay oo fulinta u joogay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iyo wixi lamida in uu qayb kaqaato u oggolaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iyo wixi lamida in uu qayb kaqaato u oggolaan. m.f.dh, qaybgelin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaybsoon
Synthetic division
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaybooro
m.dh Summad geela lagu dhigo oo leh qaab (U) hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybgelid
(Qaybgelid-da)
(ka qaybgelid) Hawl la qabanayo ama wax kale oo loo dhan yahay, qayb ka qaadasho, wax ka wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelid
m.f.dh eeg qaybgal². la-mid: qaybgal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qayb ka ahaansho oo joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelin
m.f.dh eeg qaybgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~ hawl iyo shaqo cid kale wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Ka q.: hawl, arrin iyo wixi lamida xubnaha fulinaya ka mid noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaybqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Ka q.: hawl, arrin iyo wixi lamida xubnaha fulinaya ka mid noqosho. m.f.dh, qaybqaadasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybqaado
[with propositon ka] participate (paarti-sipeeyt) also [eeg] ka qaybqaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybqaybi
(fal) wax tirsama ama miisaanma, dad badan u kala soor soor; qayb qayb ka dhig. Dh: soor soor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybsasho
(Qaybsasha-da)
Qofba intuu qayb u helay, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsasho
m.f.dh eeg qaybso. la-mid: qaybsad, qaybsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybsasho
vl. n. dividing, act of sharing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsasho
-qaybsashada: (n) partition (paar-ti-shin); division of something ~ qaybsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala qaadasho, kala soorasho. Labadii wiil qaybsashada dhaxalka way ku heshiin waayeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybsasho
de: dividing, act of sharing
lx: qaybsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qaybsasho
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaybgalnimo
Divisibility
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qoqob goobo
Circular segment, Segment of a circle