qayb-bulsho
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayb-bulsho
m.dh (-bo ..., m.l) (bul.) Dabaqad bulsheed, ama nidaam dawlad oo ku dhisan u kala qeybinta dadweynaha kooxo, iyada oo fiirinaysa reerkooda, darajadooda, maalkooda iyo shaqadooda iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayb bulsho

dabaqad
m.dh (-do, m.l) Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaqad
m.dh (-do, m.l) Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodob bulsho
Caste system
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybsasho
(Qaybsasha-da)
Qofba intuu qayb u helay, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsasho
m.f.dh eeg qaybso. la-mid: qaybsad, qaybsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybsasho
vl. n. dividing, act of sharing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsasho
-qaybsashada: (n) partition (paar-ti-shin); division of something ~ qaybsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala qaadasho, kala soorasho. Labadii wiil qaybsashada dhaxalka way ku heshiin waayeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybsasho
de: dividing, act of sharing
lx: qaybsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qaybsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulso
(fal) inta duhurka iyo casarka u dhaxaysa yar seexo. Waan shaqa tegaynaaye gayluulso saaxiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybqaadasho
m.f.dh eeg qaybqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeggaybgal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gayluulsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudho
(fal) weel iyo wax la mid ah, dabool saaro oo ku adkee. Aabbudho dhiisha si aanu cayayaanku kaaga gelin. Dh: daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbasho
(Babbasha-da)
Maryaha iyo wixii la mid ah oo dabayshu ruxayso, dhaqdhaqaaqooda; dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbasho
m.f.dh eeg babbo. la-mid: babbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbasho
vl. n. act of fluttering in the wind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbasho
-babbashada: (n) the act of waving or fluttering; flap (falaap) Ex: babbashada calanka; the flap of the flag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro iyo wax la mid ah oo dabayshu ruxayso, kolba dhinac u walhasho. Babbashada calankaan meel dheer ka soo aragnay. Dh: walhasho, lulmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbasho
de: act of fluttering in the wind
lx: babbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: babbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbulo
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaas xidhmooyinka loo qaado. Daabbulo qaad ah ayuu sidaaye albaabka u fura. Dh: xidhmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbasho
(Gabbasha-da)
Nabar laysku soo tuuray oo lagu kaco si uusan wax ugu dhicin: ka leexasho; gaashaan ama qalab kale ku balfin; iska gaabin; kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbasho
m.f.dh eeg gabbo. la-mid: gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbasho
vl. n. act of dodging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbasho
- gabbashada: (n) the act of dodging; dodge (dhaaj); duck (dhak) ~ dhakasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbasho
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh la'aan; dhuumasho kooban. Dh: waabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbasho
de: act of dodging
lx: gabbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gabbasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabbasho
تَجَنُّب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbasho
(Kabbasha-da)
(caano, kd.) kabbo afka ku qaadasho oo liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbasho
m.f.dh eeg kabbo².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbasho
-kabbashada: (n) the act of sipping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, kabbo oo afka ku qaadasho oo ligid.
kabbasho -da: (magac, dhedig, keli) mar qudha afka gelin. Dh: cantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilo
m.dh Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabbilo
-da: (magac, dheddig, keli) maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbayso
(fal) wax qarso. Lacagta qabbayso. Dh: khabbayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabsasho
(Qabsasha-da)
1. Wax laysu soo taagey gacanta ku qabasho, ku dhegid; haysasho; xagsasho.
2. (qof dumar ah) kufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsasho
m.f.dh eeg qabso. la-mid: qabsad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabsasho
-qabsashada: (n) 1. the act of conquering or invading. 2. the act of catching. 3. rape (reeyp); the act of raping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydasho
m.f.dh eeg qaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulo
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo la seexdo qadada ka dib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsasho
(Haybsasha-da)
Qof haybtiisa weyddiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybsasho
m.f.dh eeg haybso. la-mid: haybsad, haybsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale haybtiisa weydiin ama warsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabboosho
m.dh In yar oo caano, biyo iyo wixi lamida ah oo mar afka lagu qaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirasho
m.f.dh eeg qayiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, qayladhaan u dirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulsi
-ga: (magac, lab, keli) qadada ka dib seexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabbilsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho. m.f.dh, qaabbilsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaabbilsan
der. [adjective] employed in something, assigned ~ attached to, devoted to; specializing in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabbilsan
-aa / ayd: (adj) responsible (ris-poon-sibal); assigned (a-saaynid). Ex: Cali baa waxbarashada qaabbilsan; Ali is responsible [assigned] for the education.
u qaabilsane -ha: (n) attache (ata shee) ~ u qaybsan. Ex: u qaabilsaneha ciidamada; military attache
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaabbilsan
a: sp: qaabilsan
de: employed in s.t., assigned ~ attached to, devoted to; specializing in Usually with preposition u
lx: qaabbilsan
pd: (qaabbilsanaa)
ps: adj-der
key: qaabbilsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabbilsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale ka horgeyn. m.f.dh, qaabbilsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbirasho
m.f.dh eeg qabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabeysasho
m.dh la-mid: qubeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka maydhasho. Qabaysashada ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabowsasho
m.f.dh eeg qabowso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) maydhasho oo adoo soo kululaaday biyo isku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabasho
(Qaraabasha-da)
Waxaan faraha lagu hayn dibadda ka doondoonasho; dewersasho; qarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabasho
m.f.dh eeg qaraabo².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraabasho
-qaraabashada: (n) forage (foo-reej) ~ qarafsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaraabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarbaboosh
-ka: (magac, lab, keli) muuqaal tuuroruuro leh oo foolxun; muuqaal aan isku sigibtirnayn. Wejiga qarbaboosh ayuu ku leeyahay oo waa laga naxaa. Dh: qarjaajoof.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayb-goobo
m.dh (-bo ..., m.l) (xisaab) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +-na tahay xagasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulsad
-ka: (magac, lab, keli) qayloolo samayn oo duhurka dabadii seexasho. Dh: qayluulsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabusho
m.dh la-mid: tabaabulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabusho
-ha: (magac, lab, keli) hawl la qaban doono, isku diyaarin oo qorshayn. Dh: tabaabulsho, agaasin, tabaabulyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysasho
m.f.dh eeg baybayso. la-mid: baybaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysasho
m.dh la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabxuunsho
(Laabxuunsha-da)
Lafsakaarta caaraddeeda hoose oo fiiqan; labxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabxuunsho
m.dh la-mid: laabtaxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabxuunsho
f. n. point of the breast bone; xiphoid process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabxuunsho
-laabxuunshada: (n) xiphisternum (sifis-teer nem); xiphoid ~ feercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) laf sakaarka caaradiisa hoose ku taalla. Laabxuunshada ayaa xanuunaysa. Dh: labxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabxuunsho
de: point of the breast bone; xiphoid process
lx: laabxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laabtaxaw, labxo
key: laabxuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabnaansho
m.l/dh la-mid: qaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaanasho
-da: (magac, dhedig, keli) qabbaan ka dhigasho, ciidansi. Waxaan kuugu imiday qabbaanasho. Dh: adeegasho; qaraabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbidxasho
m.f.dh eeg qarbidxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydnaansho
m.l/dh la-mid: qaydnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulshe
-ha: (magac, lab, keli) wax aad u qalab'urursato oo isku diyaarinayso inaad wax ka qabato. Tabaabusho iyo qorshe ayaa lagu wadaa hawlaha. Dh: tabaabul, tabaabulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayuubsasho
m.f.dh eeg xayuubso. la-mid: xayuubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka siibasho oo wax dul yaal ka diliilijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsanaansho
m.l/dh la-mid: qaybsanaan.