qayaaquuto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quutoquuto, quuto, qudunquuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayaquuto
f. n. stork, heron
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaaquut
(Yaaquut-ka)
Dhagxanta qaaliga ah mid ka mid ah oo almaaska maahee inta kale ugu adag, oo dhawr jaad oo kala midabyo duwan u sii kala baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaaquut
m. n., [collective] ruby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaquut
-ka: (magac, lab, keli) eeg yaaqud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaaquut
de: ruby Alt sp: yaaquud
initial: y
lx: yaaquut
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: yaaquut
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quutaquuto
m.dh la-mid: qudunquuto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quutaquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quuto, qudunquuto, qayaaquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalquute
-ha: (magac, lab, keli) qof xalaal inuu cuno ku dadaala oo xaaraanta iska ilaaliya. Dh: xalaalmiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaano
-da: (magac, dhedig, keli) khiyaamo iyo qatalid cid an fialanayn lagula kaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayaayo
(Qayaaya-da)
Wax is leh ama isku jaan go'an wixii ku dheeri ah ama ka dhimman oo quruxdooda wax u dhimaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaayo
m.dh.kh 1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iyo wixi lamida oo is dulsaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayaayo
m.dh.kh 1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iyo wixi lamida oo is dulsaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayaayo
f. n. (adj.): bad match ~ fit; disharmonious, disproportionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax is leh ama isku jaango'an wixii ku dheeri ah ama ka dhiman ee quruxdooda wax yeelleeya. Gabadhu way qurux badan tahaye barta wejiga ayaase qayaayo ku ah. Dh: iin, dhalliil.
qayaayo -da: (magac, dhedig, keli) dareen silloon oo dadka hela kolka uu matag hayo; waxa la dareemo kolka ay hunqaaco ku soo hayso. Dh: daalalyo, yalaalugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayaayo
de: bad match ~ fit; [atr.] disharmonious, disproportionate
lx: qayaayo
pd: (/da)
ps: n-f
key: qayaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaquud
-ka: (magac, lab, keli) dhagax qaali ah oo jaadad badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayacato
(Qayacata-da)
Xabag wax la iskula dhejiyo oo aad u adag oo dhirta qaarkeed bixiso (dacar, gowlallo, cobol, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayacato
m.dh Nooc xabagta ka mid ah oo dhirta qaarkeed laga helo oo leh midab cad, aadna u adag oo wax la iskula dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayacato
f. n., (mass n.): gum ~ resin produced by certain trees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayacato
-da: (magac, dhedig, keli) xabag aad u adag oo dhirta qaarkeed laga guro oo waxa la isku dhejinayo la mariyo. Qayacato meesha la mariyo dhayal ugama fuqdo. Dh: xamag.
qayacato -da: (magac, dhedig, keli) laan maydhax laga diiray oo la caddeeyey. Qayacato engegan shid oo laan qoyan ha goyn. Dh: qayaxato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayacato
de: gum ~ resin produced by certain trees
lx: qayacato
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: qayacato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaxato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qayacato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulo
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo la seexdo qadada ka dib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: tannaagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqso
(fal) qaylo ku tiigso. Hadal qaylo tara, ma tayaaqsadaa, mise turunturrada aan ku tababbartee, waan tiigsadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaanxumo
m.dh la-mid: ayaanxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaanxumo
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumo iyo ayaandarni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraguuto
-da: (magac, dhedig, keli) in aan badnayn oo faraha lagu qaadi karo oo aan muqdur ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarbuuco
m.dh la-mid: qaarbuuxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarbuuco
-da: (magac, dhedig, keli) qaarka sare u buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarbuuxo
m.dh Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. la-mid: qaarbuuco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaarbuuxo
f. n., [compound] person who is fat in the upper part of the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarbuuxo
-da: (magac, dhedig, keli) qargarweynaan xagga sare loo weyn yahay; qaarka sare u buurnaan. Ragga qaarbuuxada leh ayaa u itaalweyn. Dh: qarqarweyni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaarbuuxo
de: person who is fat in the upper part of the body
lx: qaarbuuxo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: qaarbuuxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamuur
-ta: (magacwadareed) eeg qabaabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudquuto
m.dh la-mid: qudunquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faragguuto
(Faragguuta-da)
In aan badnayn oo faraha lagu qaadi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faragguuto
m.dh (-ooyin, m.l) Wax yar oo far iyo suul lagu qaadi karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faragguuto
f. n. handful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faragguuto
de: handful
lx: faragguuto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faragguuto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjaruufo
(Qanjaruuf-ta)
Qandhuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjaruufo
qanjaruufo¹: m.dh la-mid: qandhuufo¹.
qanjaruufo²: f.g3 (-ftay, -fatay) la-mid: qandhuufo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qanjaruufo
f.g3 (-ftay, -fatay) la-mid: qandhuufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjaruufo
f. n. pinch, nip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qanjaruufo
-qanjaruufada: (n) pinching with the thumb and a finger; pinch (pin-ji) ~ qandhuufo
qanjaruufo -qanjaruuftay / qanjaruufatay: (v) pinch (pinj) or nip (nip) with the thumb and a finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjaruufo
(fal) ciddiyaha caaradooda wax ku xago. Hadduu ku dayn waayo wejiga ka qanjaruufo. Dh: xago.
qanjaruufo -da: (magac, dhedig, keli) xagasho ciddiyaha caaradooda wax lagu xagto. Ka daa gabadha ganjaruufada. Dh: xagasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjaruufo
bw: qandhuufo
de: pinch, nip
lx: qanjaruufo
nt: qanjaruufo (qanjaruuftay) [v3b=]
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qanjaruufo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qanjaruufo
قرص
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadinta
(magac, dhedig, keli) cid meel u rarid. Dh: hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qudunquuto
(Qudunquuta-da)
Shinbir, midab badan iyo af dheer oo guduudan leh; (ama quudquuto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudunquuto
m.dh Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. la-mid: qudunquute, quudquuto, quutaquute, quutaquuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qudunquuto
f. n. hornbill bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudunquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quutoquuto, quuto, qayaaquuto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qudunquuto
de: hornbill bird
lx: qudunquuto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qudunquuto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quutaquute
m.l la-mid: qudunquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraanquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof hanti xaaraan ah cunay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaraanquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof hanti xaaraan ah cunay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraanquute
-ha: (magac, lab, keli) qof aan xalaasha iyo xaaraanta midna u aabayeelin oo kuu arkaba cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaarqabto
f. n. cursed woman ~ female
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaarqabto
-da: (n) accursed female
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaarqabto
de: cursed woman ~ female Pl: habaarqabooyin
lx: habaarqabto
pd: (/da)
ps: n8-f
key: habaarqabto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qambaruurso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof tiiraanyeysan hoos u ooyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qambaruurso
v. cry silently without complaining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qambaruurso
(fal) yaayuul oo hoos u oy.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qambaruurso
de: cry silently without complaining
lx: qambaruurso
pd: (qambaruursaday)
ps: v3a=intr
key: qambaruurso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tayaaqsad.