qayaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qayaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadi
(fal) rar oo meel dheer u hayaami. Dh: dalandooli, hayaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadis
m.l la-mid: maryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamis
m.l la-mid: qayraamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadis
m.dh la-mid: qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qayaad
nickname-m brave, clever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qayaad
magac loo bixiyo wiil dhashay iyada oo geeddi iyo hayaan lagu jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaad
(fal) meel ka guur oo geeddi dheer gal. Xaggaa iyo guban u qayaad. Dh: hayaan, guur.
qayaad -ka: (magac, lab, keli) hayaan meel inta laga guuro meel dheer loo guuro oo habeenno la sii dhaxo. Dh: dalandool, hayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abaadid. abaaditaan -ka: (magac, lab, keli) waaritaan ama raagid. Dh: abaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadis
-ta: (magac, lab, keli) dillaacidda waaga berigiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bayaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydadis
-ka: (magac, lab, keli) baydadin ku ridis. Baydadiska iyo sakatiga ka daa beesha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadis
(Cadaadis-ka)
Cadaadinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaasad) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis
Pressure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadis
vl. n. harassment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cadaadis
Perseguitamento
Persecution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadis
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku dhaca halbeegbedeedka.
cadaadis -ka: (magac, lab, keli) cid kale kadeedid oo dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadis
de: harassment
lx: cadaadis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caymadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg layaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida orgida u ciyid. Qalaadinta iska daa orgi ma tihide. Dh: ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadis
-ka: (magac, lab, keli) noole ke rafaadin.
rafaadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ragaadin.
ragaadis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg ragaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadis
m.l la-mid: rakaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadis
m.l la-mid: saraadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadis
m.l la-mid: siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadis
-ka: (magac, lab, keli) siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadis
-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilliguu rimi lahaa dhaafay ama rimi waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tanaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg walaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dharkaynka oo kale ah oo caano leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaadid
(Xayaadid-da)
Hees ka luuqin, ku qaadid, ku dhawaaqid; madiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaadid
m.f.dh eeg xayaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn oo ku dhawaaqid. Dh: qaadid, madiixid.
xayaadid -da: (magac, dhedig, keli) iska raaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadinta
(magac, dhedig, keli) cid meel u rarid. Dh: hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg harraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamiso
(Hayaamisa-da)
Cudur riiraxyo badan keena; hinjibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamiso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. la-mid: hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iyo wixi lamida; hinjibiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaamiso
f. n. tickling irritation of the throat (which causes coughing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamiso
-da: (magac, dhedig, keli) cudur riiraxanyo badan keena. Dh: yahaamiso, hinjibis.
hayaamiso -da: (magac, dhedig, keli) habaas xoolaha socdaa kiciyaan oo dadka afka iyo sanka ka gala oo mararka qaar hargab ama duray dhaliya. Dh: boodh, habaas, siigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaamiso
cf: riiraxyo
de: tickling irritation of the throat (which causes coughing)
lx: hayaamiso
pd: (-da)
ps: n-f
key: hayaamiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaris
m.l la-mid: haybaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadis
jarmaadis¹: m.l la-mid: jarmaadin.
jarmaadis²: m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadid
m.f.dh eeg maryaad². la-mid: maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadin
m.f.dh eeg maryaadi. la-mid: maryaadis, meryaadin, meryaadis, miryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meryaadis
m.l la-mid: maryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miryaadis
m.l la-mid: maryaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaadis
(Nabdaadis-ka)
Nabdaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabadda ka qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nayaayiso
m.dh Rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nayaayiso
f. n. hope
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nayaayiso
de: hope
lx: nayaayiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: nayaayiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qabbaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadays
-ka: (magac, lab, keli) gadaado ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalfaadid
m.f.dh eeg qalfaad². la-mid: qalfaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalfaadid
-da: (magac, dhedig, keli) looxaan waaweyn oo geedaha jirriddooda laga jaray wax ku dhisid sida doonyaha oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalis
m.l la-mid: qalqaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalqaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadid
m.f.dh eeg qammaad². la-mid: qammaad¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogaan; ka dheeraan; ka weecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadin
m.f.dh eeg qammaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogayn; ka dheerayn; ka weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafis
m.l Budaynta xashirka bunka oo kal iyo mooye lagu budeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaalis
(fal) awr faruurta ka xidh. Awrka qawlaalis oo hogaami.
qawlaalis ka: (magac, lab, keli) meel jar iyo waraar ah. Dh: qawlaan, qaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdir
f.mg1 (-ray, -rtay) U q.: war dhiillo leh cid u geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladdir
(fal) (u ~) war dhiillo leh cid u geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamin
m.f.dh eeg qayraami. la-mid: qayraamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waylaalis
-ka: (magac, lab, keli) harag laga bixiyo lo'da oo hagaag loo midgiyey. Waylaaliskani waa mid waylood. Dh: masalle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baryaqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaargudis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cayaargudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u hayaamitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: qayladdiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaad
vl. pron. you,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaad
(v) you did. Ex: ...ayaad tiri; ... you said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaad
a: baad
de: you + [FOCUS] = ayaa + aad
lx: ayaad
ps: focus + vpro
key: ayaad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaadi
nickname; name-m judge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadis
m.dh la-mid: qadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qadin.
qadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. la-mid: abaadsii.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abaadi
name-m longevity; long life