qaxwee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwee
f.mg2 (-weeyay, -waysay) Qaxwe cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxwee
f.mg2 (-weeyay, -waysay) Qaxwe cabbid. m.f.dh, qaxwayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxwee
v. have a coffee ~ tea break, have a snack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxwee
-yey/qaxweysay: (v) have a coffee; drink coffee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxwee
(fal) bun ama qashir la kariyay cab. Kaalay ila kaxwee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxwee
de: have a coffee ~ tea break, have a snack
lx: qaxwee
pd: (qaxweeyey)
ps: v2b=intr
key: qaxwee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaxwe
(Qaxwa-ha)
Bun (ama qahwe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxwe
m. n., (mass n.): coffee (drink)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxwe
-qaxwaha: (n) coffee (koo-fi) ~ kafee, bun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxwe
-ha: (magac, lab, keli) xawso bun ama qashir la kariyay ah. Dh: bun, shaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxwe
a: qaxwo
bw: Arabic
de: coffee (drink)
lx: qaxwe
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: qaxwe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) la-mid: khilaawee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalwee
v. isolate oneself in order to pray and recite the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwee
(fal) eeg qalway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalwee
bw: Arabic
de: isolate oneself in order to pray and recite the Koran
lx: qalwee
pd: (qalweeyey)
ps: v2b=intr
see: khilaawee
key: qalwee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwayn
m.f.dh eeg qaxwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxway
(fal) qaxwe cab, xawso fuud. Kaalay gaxway Dh: qaxwee, shaahee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin. m.f.dh, caweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawee
v. spend the evening, socialize in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawee
-yey / -caweysay: (v) have a chat or a good talk in the evening; socialize (soo-sha-laayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawee
(fal) eeg caway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawee
de: spend the evening, socialize in the evening
lx: cawee
pd: (caweeyey)
ps: v2b=
key: cawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) la-mid: daawee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawee
v. give medicine to, treat medically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawee
-yey / daweysay: (v) cure (kiyuur); remedy (ramedi); heal (hiil); treat medically. Ex: dawee bukaanka; cure the patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawee
(fal) bukaan dabiib; qof xanuun hayo hel cudurkiisa nooca uu yahay oo daawo sii. Dh: dabiib, daawee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawee
a: daawee
de: give medicine to, treat medically
lx: dawee
pd: (daweeyey)
ps: v2b=
key: dawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Maro fawo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax fallisid. 2. Wax hammi gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawee
v. overcome, get the better of someone by offering more (as at an auction), try to do ~ attempt something (in a situation where one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawee
(fal) walax, hawo geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawee
de: overcome, get the better of s.o. by offering more (as at an auction), try to do ~ attempt s.t. (in a situation where one is not sure of succeeding)
lx: hawee
nt: haweyn (ta) [vn-f], haweys (ka) [vn-m]
pd: (haweeyey)
ps: v2b=tr
key: hawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax soconaya oo meel joogey ka wadid. m.f.dh, kaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaxee
v. lead, drive, herd, take (people ~ animals) somewhere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaxee
-yey / kaxeysay: (v) drive, lead, convey or transport a vehicle, animal or people ~ wad. Ex: fadlan, baabuurka ii kaxee; please drive the car for me
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaxee
a: kexee
de: lead, drive, herd, take (people ~ animals) somewhere
lx: kaxee
pd: (kaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: kaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxwe
(Naxwa-ha)
1. Laan cilmiga afka kamid ah oo ku saabsan muuqaalka iyo qaabka iyo dhismada ereyada iyo sida tixaha hadalku u samaysan yihiin.
2. Habka ay u dhisan yihiin, ereyada iyo tixaha af qolo gaar ahi ku hadasho.
3. Hadalka si wanaagsan ugu hadliddiisa iyo u qoriddiisa.
4. Buug xeerarka naxwuhu ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxwe
m.l 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxwe
m.l 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxwe
m. n. grammar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxwe
-naxwaha: (n) grammar (garaamar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxwe
-ha: (magac, lab, keli) laan cilmiga afka ka mid ah oo lagu derso qaabka weedhu u dhisan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxwe
bw: Arabic
de: grammar
lx: naxwe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: naxwe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naxwe
قَوَاعِدُ (اللُّغَةَ) نَحْوِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) la-mid: qubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabee
(fal) eeg gabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) Qado cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) Qado cunid. m.f.dh, qadeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadee
v. lunch, have ~ eat lunch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadee
-yey / qadeysay: (v) eat a lunch (laanj); have a lunch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadee
(fal) hadhimo cun; duhur wax cun. Duhurka dabadii qadee. Dh: hadhimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadee
de: lunch, have ~ eat lunch
lx: qadee
pd: (qadeeyey)
ps: v2b=intr
key: qadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qahwe
(Qahwa-ha)
Bun (ama qaxwe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qahwe
m.l la-mid: qaxwe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qahwe
m. n., (mass n.): coffee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qahwe
-ha: (magac, lab, keli) sharaab kulaylka lagu fuudo oo bun tuman oo la kariyay ah. Dh:qaxwe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qahwe
a: qaxwe ~ qaxwo {UJ}
de: coffee
lx: qahwe
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: qahwe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid. m.f.dh, qalayn. m.f.dh, qalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalee
v. make someone feel uneasy ~ lonely
qalee v. fry diced ~ chopped meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalee
(fal) raaxo ha dareemin.
qalee: (fal) hilib iyo khudaar isku shiil inta aad faxfaxa ku darin. Hilibka walaal innoo qalee.
qalee: (fal) buuq ka dhig oo meel ku cidhiidhi. Dixda qalee ha la isku arkee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaree
f.g2 (-reeyey, -raysay) 1. Qar u yeelid (weel). 2. la-mid: qiree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaree
v. smooth the rim when carving a bowl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaree
(fal) geerka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaree
de: smooth the rim when carving a bowl See also: qiree
lx: qaree
pd: (qareeyey)
ps: v2b=tr
key: qaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawed
(fal) eeg qawad.
qawed -ka: (magac, lab, keli) cudur yar oo haragga ku dhaca siiba luqunta iyo ageheeda oo cadcaddaan u yeela. Nadaafadxumadu faafidda qawedka qayb ayay ku leedahay. Dh: caar, cambaarcad, qawed.
qawed -ka: (magac, lab, keli) saluugid wax la saluugo. Qawedka iska daa waa laguu biirine. Dh: saluug, qawad.
qawed -ka: (magac, lab, keli) isla weyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawle
m.l la-mid: qowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawle
-ha: (magac, lab, keli) eeg qawlaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwo
m.dh la-mid: qaxwe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxwo
m. n., (mass n.): coffee (drink)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxwo
-qaxwaha: (n) coffee (koo-fi) ~ kafee, bun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxwo
de: coffee (drink)
lx: qaxwo
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: What do you want, coffee or tea?
xv: Maxaad jeceshahay, qaxwo mise shaah?
key: qaxwo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Wax quwad u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwee
v. strengthen, reinforce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwee
-yey / quweysay: (v) make strong or increase the strength of; strengthen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwee
(fal) wax quwad u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwee
de: strengthen, reinforce
lx: quwee
pd: (quweeyey)
ps: v2b=tr
key: quwee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxee
(fal) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxi illaa uu hareeraha ka daadanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) la-mid: saawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax hagaajin; samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax hagaajin; samayn. m.f.dh, waxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxee
v. do, make
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxee
(fal) eeg waxay.
waxee: (magac'uyaal) su'aaleed u dhigma maxaad. Waxee ad i waydiisay. Dh: wexee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxee
cf: fal, qabo, samee, yeel
de: do, make
initial: w
lx: waxee
pd: (waxeeyey)
ps: v2b=tr
key: waxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsoodi ku haboon faafin. Tusaale: “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsodi ku haboon faafin. Tusaale: Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey. m.f.dh, baawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawee
(fall baylihi oo wax bilaa daryeel ah ka dhig. Xoolahaaga haddaad doonto baawec oo waxa dadweynaha ilaali. Dh: haawey, halladaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balwee
f.mg2 (-eeyay, -eysay) Balwo ku luuqeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balwee
f.mg2 (-eeyay, -eysay) Balwo ku luuqeyn. m.f.dh, balweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwee
(fal) eeg balway.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. m.f.dh, daawayn. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawee
v. medicate, treat, give medicine to someone, cure, fix (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawee
-yey/daaweysay: (v) doctor (dhaak-tor)-, cure (kiyuur); medicate (medi-keeyt); give medical treatment to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawee
(fal) qof ama xoolo xanuun hayo wax uu ku bogsado sii.
daawee: (fal) bir iyo wixii la mid ah, ballaadhi, dubbe ku tun oo kala bixi, li daawee alqabankan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawee
de: medicate, treat, give medicine to s.o., cure, fix (up)
lx: daawee
pd: (daaweeyey)
ps: v2b=
key: daawee