qaxmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxmid
m.f.dh eeg qaxan². la-mid: qaxan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid qaxan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaxid
(Qaxid-da)
Degdeg cabsi leh, meel uga guurid, uga cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxid
m.dh la-mid: qixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhibaato ka jirto degdeg iyo qarboqarbo uga guurid. Dh: qaxootiyid, barakicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxmi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhuxul shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxmi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhuxul shidid. m.f.dh, qaxmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxmi
v. make (charcoal) glow; light up, ignite something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxmi
(fal) dhuxul shidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxmi
de: make (charcoal) glow; light up, ignite s.t.
lx: qaxmi
pd: (qaxmiyey)
ps: v2a=tr
key: qaxmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamid
m.f.dh eeg qaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalmid
(Qalmid-da)
1. Wax haddii la qalayo qalid u suubbama ama qalmi kara noqosho.
2. (u qalmid) u cuntamid; u dhigmid; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalmid
m.f.dh eeg qalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalmid
-da: (magac, dhedig, keli) u cuntamid, u dhigmid, ku habboonaan. Isku qalmidda wiilka iyo gabadha waa la isku raacay. Dh: istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasmid
(Qasmid-da)
Wax qasmay noqosho; walaaqmid; labmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasmid
m.f.dh eeg qasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasmid
-da: (magac, dhedig, keli) rimid la'aanta dhedigga kolka lab badani saarto.
qasmid -da: (magac, dhedig, keli) isku daadasho iyo isku mulaaqmid ay wax aan is lahayni isku dhex yaacaan. Dh: laaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxmin
m.f.dh eeg qaxmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul iyo wax la mid ah shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxrid
m.dh la-mid: qahrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale gasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxmid
(Taxmid-da)
Wax taxan ahaansho, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxmid
m.f.dh eeg taxan¹. la-mid: tixmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxmid
f. n. state of being strung on a thread, arranged ~ aligned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qaab is daba joog ah isugu aaddan. Taxmiddu is kuma toosna. Dh: taxnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxmid
de: state of being strung on a thread, arranged ~ aligned rw: taxan
initial: t
lx: taxmid
pd: (-da)
ps: n-f
key: taxmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxan
qaxan¹: m.l 1. Q. ah: dhuxul shidan oo aan dambas dusha ka fuulin. 2. la-mid: qaxmid.
qaxan²: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Dhuxul, wax shidmay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxan
f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Dhuxul, wax shidmay noqosho. m.f.dh, qaxmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
smolder
/smowldhar/ (ame) smoulder (bre); (v) 1. gubasho aan holac lahayn (qaxmid) 2. caro iyo nacayb uurka ku hayn (xumaan caloosha ku qaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaxmid
m.f.dh eeg qayaxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabmid
(Qaabmid-da)
Qaab yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabmid
m.f.dh eeg qaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) ururid oo caano isku tegey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimid
m.f.dh eeg qatin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxi
v. evacuate; cause to flee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxi
-yey say: (v) displace from a threatened or dangerous area; evacuate (i-vaa-kuweeyt) ~ qixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxi
(fal) dad xoog ku rar adoo ka cabsiinaya. Dadka qaxi oo meelo kale ha u guuraan. Dh: barakici,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxi
a: qixi
de: evacuate; cause to flee
lx: qaxi
pd: (qaxiyey)
ps: v2a=tr
key: qaxi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Axmed
name: Ahmed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Axmed
name-m more, most grateful, praiseworthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Axmed
de: Ahmed
lx: Axmed
ps: name-m
key: Axmed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axrid
m.f.dh eeg axar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, gudo iyo waxii la mid ah ka bixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxid
m.f.dh eeg fax². la-mid: faxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxid
-da: (magac, dhedig, keli) qoosh iyo wixii la mid ah, khamiirid. Dh: fixis.
faxid-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, kululaad oo baylid; dareere, aad u kululaansho. Dh: isrogid, karid, fixid. Li: qaboobid, barafoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabid
(Qabid-da)
1. Lahaansho; haysasho.
2. (guur) u dhixid.
3. La ahaansho; rumaysnaan; moodid.
4. (cudur, kd.) ku dhicid; hayn; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabid
m.f.dh eeg qab³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabid
vl. n. possession, ownership; having a spouse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabid
-da: (magac, dhedig keli) xanuun ama cudur Jahaan. Xanuun qabidna looma dhinto caafimaadna laguma waaro. Dh: hayn.
qabid-da: (magac, dhedig, keli) xaas lahaan; reer Jahaan. Labada qof is qabid baan ku ogayn. Dh: qabis. Li: furid.
qabid -da: (magac, dhedig, keli) aaminsanaan; rumaysnaan. Qabiddda la qabo aragtidaada mid ka duwan ceeb maaha. Dh: aamminsanaan, qabis.
qabid-da: (magac, dhedig, keli) dhar xidhnaan ama gashanaan. Dh: gashanaan.
qabid-da: (magac, dhedig, keli) wax qaamaysan ahaan; deyn ku jirid. Qabidda lacagta wuu ogol yahay ee muddada lagu bixinayo u sheeg. Dh: qabis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabid
de: possession, ownership; having a spouse
lx: qabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: qabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadid
(Qadid-da)
1. Wax laysa siina hayey ama la wada qaadanayey, wax ka waayid.
2. Qof qatan noqosho.
3. Seegid; waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadid
m.f.dh eeg qad². la-mid: qatooyo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan ku joogid: cunta la'aan baryid. Dh: qadis. Li: dhergid.
qadid-da: (magac, dhedig, keli) wax in la helo ahaa seegid. Dh: qadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalid
(Qalid-da)
1. Neef nool gowricid, haragga ka bixin, xubnihiisa kala jarjarid oo kala dhigdhigid.
2. Qof buka ama dhibbaani gaartey ama iin kale leh, oo takhtarradu gacanta ama qalab wax kaga qabtaan, oo xubinta bugta ama meesha iimaysan gooyaan; (indho) fiiqid, u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalid
m.f.dh eeg qal². la-mid: qalniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalid
vl. n. slaughter, butchering; surgery, surgical operation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalid
-da: (n) 1. slaughtering (is-loo-tar-ing). 2. surgery (sar-jari); surgical operation ~ qalliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo kurka ka jarid. Wanka qaliddiisu way fududahay. Dh: gawricid, qalis.
qalid-da: (magac, dhedig, keli) meel xanuunaysa jeexid oo inta bugta ka dawayn. Qalidda nabarku waa lagama maarmaan. Dh: jeexid, qalis.
qalid -da: (magac, dhedig, keli) indho aan wax arkayn xuubka ka qaadid oo araggii u soo celis. Ishu qalid kama maarmayso. Dh: fiigid, jeexid, bixin, qalis.
qalid -da: (magac, dhedig, keli) haragga ka bixin oo kala dhigdhigid. Dh: jarjarid, googoyn, qalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalid
de: slaughter, butchering; [ext.] surgery, surgical operation
lx: qalid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: qalid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalid
نَحْرِ، ذَبْحٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamad
-ka: (magac, lab, keli) daabka la gabsade ee billaawaha; gacan qabsiga qolxadka. Qamadka billaawaha lama dheereeyo. Dh: daab.
qamad -ka: (magac, lab, keli) daloolka ku yaal birta waranka ee samaydu gasho.
qamad -ka: (magac, lab, keli) gudinta halka uu daabku ka galo. Qamadkaa dhuuban gudintayda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamir
qamir¹: m.l Q. ah: badar yar oo ceeriin ah.
qamir²: f.g1 (-ray, -rtay) Badar ceeriin ku cunid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamir
(fal) badar ceeriin ku cunid (qof).
qamir-ka: (magac, lab, keli) badar yar oo ceeriin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamis
qamis¹: m.l Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.
qamis²: f.g1 (-say, -stay) Rati xarig gafuurka u gelin si hoggaamintiisu u fududaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamis
m.l Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamis
(fal) rati xarig gafuurka u gelin si hoggaamintiisu u fududaato.
qamis -ka: (magac, lab, keli) laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammi
m.l la-mid: hammi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammi
m. n. worry, anxiety; ambition; problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammi
bw: Arabic
de: worry, anxiety; ambition; problem
lx: qammi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: hammi
key: qammi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarid
-ka: (magac, lab, keli) eeg garbed.
qarid -ka: (magac, lab, keli) eeg qarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasid
(Qasid-da)
Wax qasan ama murugsan ka dhigid; walaaqid; labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasid
m.f.dh eeg qas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasid
vl. n. muddling; act of mixing (up), confusing ~ complicating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasid
-da: (n) the act of mixing; mixture (miksi-jar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasid
-da: (magac, dhedig, keli) budo iyo dareere isku laagid. Qasidda liintu wakhti badan kaama qaadanayso. Dh: laagid, walaaqid.
qasid -da: (magac, dhedig, keli) isku dhex mulaa- qid. Xafiiska qasida ka jooji.
qasid -da: (magac, dhedig, keli) murgin oo meel laga furo iyo meel laga xidho u diidid. Qaajada qa- sidda kala joog. Dh: walaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasid
de: muddling; act of mixing (up), confusing ~ complicating
lx: qasid
pd: (-da)
ps: vn-f
see: qas
key: qasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawid
m.l la-mid: qawad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxin
m.dh la-mid: qixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxin
-ta: (n) evacuation (i-vaa-kuweey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, barakicin oo dhulkoogii xoog kaga kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) dalkaaga, adoon jeclayn ka tegid. Dh: qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayid
(Qayid-da)
1. (biyo, kd.) Meel ka diqdiqayn oo meel kale ku shubid, ku daadin.
2. (uunsi) shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayid
m.f.dh eeg qay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo meel ka dhurid oo meel kale u dhurid. Saacad ayaan qayidda laaska ku dhammeeyey. Dh: dhurid, qayis.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) bixbixin xoog ah oon xad lahayn. Dh: qayis, farriigid.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) uunsi shidid. Dumarku qayidda aqallada way jecel yihiin. Dh: uunsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaymi
(Qaymi-ga)
Waxa wax gooyaan ama taraan; waxtar; (ama qiime).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaymi
m. n. value