qaws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaws
m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) Laba calaamadood oo bil u eg, iskana soo horjeeda oo ereyada, hadallada iyo wixi lamida la dhex gesho middood. la-mid: qows.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaws
m. n. parenthesis; parentheses {punctuation}
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaws
name-m succor, help. Cf. Ghawth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaws
-ka: (magac, lab, keli) wadaad kiristaan a oo kaniisad fadhiya u sarreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaws
bw: Arabic
de: parenthesis; [pl] parentheses {punctuation}
lx: qaws
pd: (-ka Pl: qawsas (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: qaws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsi
m.l la-mid: qawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawso
f.mg3 (-saday, -satay) Dab kulaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawso
-da: (magac, lab, keli) dab kulaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawshad
(Qawshad-ka)
(gocoso, goon) Calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsasho
m.f.dh eeg qawso. la-mid: qawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawshad
m.f.l eeg qawsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsiin
m.f.dh eeg qawsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiil
m.l 1. Inan; kuray; ilmo yar oo lab ah. 2. Adeege; madiidin; qawsaar. 3. Isha birteeda; wil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Parentheses
Qawsas, bilo
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
(
Qaanso bileed, qaws
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
()
Qaanso bileed qaws
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
)
Qaanso bileed, qaws
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
herdsman
/herdhisman/ (n) qawsaar (qofka xoolaha raaca).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parenthesis
/parenthasis/ (n) 1. laba baraakat ama laba qaws (qaanso) oo qoraalka la dhex geliyo 2. jumlad ama sharax dheeraad ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilo
-bilaha: (n) bracket (baraakit); ( ) or [ ] ~ qawsayn, qaws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qowsaar
-ka: (n) servant who looks after livestock; herdsman (heerdis-man) -qawsaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobbi
-ga: (magac, lab, keli) wiil madiidin ah oo dad kale xoolo uu raaca, shaqaale ahaan. Dh: qosaar, qawsaar.
dhoobbi-ga: (magac, lab, keli) weelka geela lagu liso. Dh: gaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsaar
-ka: (magac, lab, keli) oday weyn oo fadhi ku talis ah. Oday biiqe qawsaar Arraweelo ka yaabiyay ayuu ahaa. Dh: duq.
qawsaar -ka: (magac, lab, keli) midiidin hawl kar ah. Reerka nin qawsaar ah ayaan kaga imid. Dh: ciidan, adeege..
qawsaar -ka: (magac, lab, keli) noole inta uu la joogo ugu da' iyo muqaal roon. Dibi qawsaar ah ayaa Lo'da la socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qawsad.
qawsasho -da: (magac, dhedig, keli) bisaara- daysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qas
(Qas-ka)
Arrin ama wax kale oo murgey; waxyaalo kala jaad ah oo isku darmay; xasil la'aan; lab; wareer; soos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qas
qas¹: m.l 1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas²: f.g1 (-say, -stay) 1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iyo wixi lamida oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qas
qas¹: m.l 1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas²: f.g1 (-say, -stay) 1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iyo wixi lamida oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin. m.f.dh, qasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qas
m. n. confusion, turmoil; mess, muddle; anarchy
qas v. muddle, make (water) murky ~ turbid; confuse, mix up, complicate; embarrass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qas
-ay/tay:(v) 1. mix (miks); blend (baleendh); stir (isteer); mix up ~ lab 2. disrupt (dis-rapt).
qas -ka: (n) confusion (kon-fiyuu-shin); disorder (dis-oordher)-, chaotic state, chaos, turmoil; disruption (dis-rap-shin) ~ qulqulad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qas
(fal) budo ama wax milmaya dareere ku dar oo ku dhex walaaq. Liinta budada ah innoo qas aan ku aftirnee.
qas: (fal) wax aan is lahayn isku laaq. Waraaqaha xafiiska isku dhex gas.
qas: (fal) arrin la hayo xumee oo qardabee. Shirka haddaad fahmi weydo gas.
qas-ka: (magac, lab, keli) rabshad iyo degge- naansho la'aan. Dh: rabshad.
qas-ka: (magac, lab, keli) badhida dabada iyo adhaxda dhabarka inta u dhaxaysa. Qaska dambe ayaa odayga xanuunaya. Dh: gadoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaw
qaw¹: m.l Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa.
qaw²: m.dh.sh.r Erey tilmaama dhawaac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaw
m.l Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaw
Trough
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaw
m. n. precipice, ravine, gorge
qaw [feminine] n. thump, thud, sound of pounding ~ knocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaw
(ereycodeed) lagu cabbiro jabaqda wax la isla dhaco ama cod sida shanqadha biraha ah. Qawda maqashii waxna ha u qaban.
qaw-ga: (magac, lab, keli) meel jar iyo waraar ah. Ninkii qaw dheer ayuu ka dhacay. Dh: waraar, haadaan, gebi, laalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caws
(Caws-ka)
1. Nagaar jaadad badan ah oo dhulka badanki kashkaash u ah oo daboola: waa caleemo aan jirrid iyo laamo waaweyn midna lahayn; xoolahaa daaqa.
2. Gogol laga falkiyo; harrar; raar; falag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caws
m.l Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caws
m.l Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caws
Grass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caws
m. n., [collective] grass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caws
-ka: (n) grass (garaas)-, lawn (loon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caws
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh jaadad badan ah oo dhulka badankiisa ka baxa. Cawsku, waa tigaad engegan oo ka kooban laamo yaryar oo aan jirrid iyo caleemo la sheego toona lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caws
de: grass
lx: caws
pd: (-ka Pl: cawsas)
ps: n4-m, n2-m-mass
key: caws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaws
-ka: (n) the grinding teeth; molars (moo-laris) ~ gows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaws
-ka: (magac, lab, keli) ilkaha danbe ee miciyaha ku xiga ee wax lagu calaliyo.
gaws -ka: (magac, lab, keli) surta inta miiddeeda mooyaane inta xanjada ah. Suri waa miid iyo gaws.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haws
-ka: (magac, lab, keli) islahadal iyo qaraw. Dh: hadar, hadur, qaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaws
(Jaws-ka)
Miro yicibta iyo garaska u eg, oo shaaha lagu darsado; (ama jows).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaws
jąws: m.l (botani) Miro yicibta u eg oo shaaha lagu darsado. la-mid: jows.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaws
jąws m.l (botani) Miro yicibta u eg oo shaaha lagu darsado. la-mid: jows.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaws
m. n., (mass n.): nutmeg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaws
-ka: (n) nutmeg (nat meg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaws
-ka: (magac, lab, keli) midho kuwa yicibta iyo kuwa garaska u eg oo shaaha lagu darsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaws
a: jows
de: nutmeg
lx: jaws
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: jaws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laws
-ka: (n) peanut (piinat); groundnut (garaawndhnat) ~ lows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laws
-ka: (magac, lab, keli) geed xididdada ka bixiya midho qolof ku jira oo la cuno saliidna laga shiido; waa geed nagaadh dhulka dushiisa ku baaha. Dh: loos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawl
(Qawl-ka)
1. Baarka geedka, hadba inta curdanka ah oo kol soo dhalata oo soo kudda; wade.
2. Hadal; erey; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawl
qawl¹: m.l 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
qawl²: f.g/mg1 (-wlay, -wshay) 1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iyo wixi lamida.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawl
m.l 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawl
m. n., [collective] young shoots of a tree
qawl v. put forth shoots, germinate, sprout
qawl m. n. word, statement; pledge, word of honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawl
-ka: (n) 1. something spoken; speech (ispiij)-, word (woordh). 2. an assurance or a promise; word (woordh). Ex: qawlkiisa wuu dhawraa; he keeps his word
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawl
-ka: (magac, lab, keli) qof axdi iyo ballan leh.
qawl -ka: (magac, lab, keli) cabbitaan qof jirran afka loogu shubo. Dh: kawl
qawl -ka: (magac, lab, keli) erey keliya oo lagu dhawaaqo. Aamus oo yaanu qawl kaa soo bixin. Dh: erey, kalmad.
qawl -ka: (magac, lab, keli) hadal xilkasnimo oo lagu kalsoonaado. Qawl keliya ha la isku ogaado. Dh: hadal,
qawl -ka: (magac, lab, keli) tigaad gu'samaadka baxda oo ay xooluhu cunaan oo u eg salaadka way nugushahay oo horay ayay u engegtaa.
qawl -ka: (magac, lab, keli) eeg qaji.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qays
name-m firm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qays
-ka: (magac, lab, keli) wadaad kaniisadeed. Ma cirkaa qadhqadhi waanigaa qayskii gawra- caye. Dh: wadaad. Li: waranle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qows
m.l (-sas, m.l/dh; -syo, m.dh) la-mid: qaws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taws
(Taws-ta)
Xanuun; cudur; tawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taws
m.dh 1. Calaamad cudurka lagu garto. 2. Tabar yari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taws
m.dh 1. Calaamad cudurka lagu garto. 2. Tabar yari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taws
f. n. illness, symptom of a disease; physical ~ psychological sickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taws
-ta: (n) sickness (sik-nes); pain (peeyn) xannuun, cudur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taws
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaalo ama dhibaato kale. Taws nin laa u galgasha, tolana waw irkiyaa!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taws
cf: tawin
de: illness, symptom of a disease; physical ~ psychological sickness
initial: t
lx: taws
pd: (-ta Pl: tawsas (ka))
ps: n4-f
key: taws
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwis
m.l Q. ah: hilib iyo wixi lamida oo holac lagu dubay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarwis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarwid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsad
vl. n. state of being destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsad
-ka: (magac, lab, keli) maroorsi la maroorsado arrin ay cidi waddo. Dh: maroorsi, leexsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawsad
de: state of being destitute
lx: qawsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: qowso
key: qawsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsho
f.g3 (-shaday, -shatay) Calaalin (gocoso, goon).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsho
v. munch, eat cereals, nuts ~ grains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsho
(fal) eeg qawlayso.
qawsho -da: (magac, lab, keli) calaalinta gocoso, goon iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawsho
de: munch, eat cereals, nuts ~ grains (after being roasted, but before being cooked)
lx: qawsho
pd: (qawshaday)
ps: v3a=tr
syn: qariid
key: qawsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar “qaw” ku dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Shanqar 'qaw' ku dhalin. m.f.dh, qawsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawis
bawis¹: m.l la-mid: bawisid.
bawis²: f.g2 (-say, -stay) Wax sida turub shaandheyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawis
v. mix something, shuffle (playing cards)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawis
de: mix s.t., shuffle (playing cards)
lx: bawis
nt: bawis (ka) [vn-m]
pd: (bawisay)
ps: v1=tr
key: bawis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsi
-ga: (magac, lab, keli) barashada qof ama wax kale.
bawsi -ga: (magac, lab, keli) eeg bawsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawso
v. learn through watching ~ listening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bawso
-bawsaday / bawsatay: (v) learn by hearing without schooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawso
(fal) waxbarasho ku baro dhegadhegayn. Baabkan bare iima dhigine waanigii bawsadaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawso
de: learn through watching ~ listening
lx: bawso
nt: bawsi (ga) [vn-m]
pd: (bawsaday)
ps: v3a=
key: bawso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawis
m.l la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawis
m.l la-mid: dawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawis
-ka: (magac, lab, keli) dawinta wax la dawiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaash
(Qaash-ka)
Jaadadka warmaha mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaash
m.l 1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. la-mid: haash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaash
m. n. lance, long spear; violent person
qaash m. n. (adj.): bad ~ rotten fruit; tainted, gone off; violent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaash
-ka: (magac, lab, keli) finan biyood buurbuuran oo ka soo baxa dadka jooga xeebaha xilliyada kulaylaha ah gaar ahaan carruurta. Cunugii dhashay ayuu jidhkiisa qaash ka soo daatay.
qaash -ka: (magac, lab, keli) jaadadka warmaha waaweyn mid ka mid ah. Qaash jufiyo baarrumo leh ayuu sitay. Dh: waran.