qawrarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawrarid
(Qawrarid-da)
Qawrar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawrarid
m.f.dh eeg qawrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawrarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrarid
(Jawrarid-da)
Engeg la kogay, la qawraray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrarid
m.f.dh eeg jawrar². la-mid: jawrar¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarid
m.dh la-mid: tarrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dildillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacid
(Dildillaacid-da)
Meelo badan ka dillaacid ama hadba iska dillaacid; meelo badan ka dhanbalmid ama ka qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jeexan ama godan dusheeda. Dh: qaw, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarid
m.f.dh eeg qaar³. la-mid: qaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawrar
(Qawrar-ka)
Dildillaac yaryar oo engegga iyo kulaylku keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawrar
qawrar¹: m.l Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iyo wixi lamida yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco.
qawrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Jir nafley, dhul, derbi iyo wixi lamida dildillaac yaryar yeelasho kulayl ama qabow dartii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawrar
m.l Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iyo wixi lamida yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawrar
m. n., [collective] small cracks in the earth
qawrar [inchoative] v. become cracked from heat (of soil)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawrar
-ka: (magac, lab, keli) eeg qawdhadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarid
m.f.dh eeg cawar². la-mid: cawaraad, cawiraad, cawirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawarid
vl. n. cheating, duping; blinding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeello u gaysasho; cid kale, dhaawac gaadhsiin. Dh: dhaawacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawarid
de: cheating, duping; blinding
lx: cawarid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: cawarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarid
(Dawarid-da)
(doonni, kd.) samayn; washirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarid
m.f.dh eeg dawar². la-mid: dawar¹, dewer¹, dewerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarid
-da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wax la mid ah, dhisid ama samayn. Dawaridda doontu waxay u baahan tahay waqti iyo hanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tarrari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrari
(fal) qarxi oo kala dillaaci. Dh: dillaaci, jeex.
qarrari: (fal) wax la asturayo ama sheeko la dul marmarayo kashif oo runta caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawadid
(Qawadid-da)
Wax laysa siiyey, yaraysasho, saluugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawadid
m.f.dh eeg qawad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawadid
-da: (magac, dhedig, keli) iska weyneysiin oo ka faanid. Qawadidda bilaa macniga ah dadku way nacaan. Dh: qawadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarid
m.dh eeg dawdar². la-mid: dawdar¹; dowddarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawracid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, birayn ama xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrarid
m.f.dh eeg halrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuurid oo ku midayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarid
m.f.dh eeg qaddar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'Ilaahay. cilmigiisa hore wax ugu xukumid.
qaddarid -da: (magac, dhedig. keli) qaddar noqosho. Hadhuudhku imika uunbuu qaddariddi u horraysay bilaabay. Dh: qaddaris.
qaddarid-da: (magac, dhedig, keli) wax in ka mid ah qiyaasid ama xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraarid
m.f.dh eeg qaraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) iska soo taagid, xamili waayid. Shaqo badan iyo mishaar yarayaa qaraaridda keenay: Dh: diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarid
(Qarqarid-da)
1. Qarqaryo iska garasho, dareemid; dhaxan la gariirid; jarayn; jarcayn; burunjiyeyn.
2. Gariirid; ruxasho; gilgilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarid
m.f.dh eeg qarqar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarid
-da: (magac, dhedg, keli) eeg qadhqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracid
-da: (magac, dhedig, keli) wax keliballoobay noqosho. Berliskii oon ka dhergin ayaan qarracid ka qaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqid
-da: (magac, dhedig, keli) cid biyo ku dilid oo ku halaagid. Dh: qarqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarin
m.dh la-mid: tarrarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala dillaacin. Dh: jeexid, qarradhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrerid
m.dh la-mid: qarririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarririd
m.f.dh eeg qarrir². la-mid: qarrer¹, qarrerid, qarrir¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataarid
(Qataarid-da)
1. Qataar ku xirid; qufulid.
2. Sixrid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataarid
m.f.dh eeg qataar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qafilid.
qataarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale baad u samayn oo wax sixran ka dhigid. Saaxir qataaridda yaqaan lama soo dhawaysto. Dh: sixrid, baabid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawaacid
(Qawaacid-ka)
Wax weyn oo daran; dhibaato weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaacid
m.l Khasaaro weyn; masiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawaacid
m. n. serious trouble, harm ~ damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaacid
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo daran, dhibaato weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawaacid
cf: daran
de: serious trouble, harm ~ damage
lx: qawaacid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qawaacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalid
m.f.dh eeg qawlal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawqabid
m.dh la-mid: qabaanqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cunt dusheeda si qalbiqaatan ah u qaylyid oo hadala la fahmayn ku habqamid. Dh: qawqamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawrar_1
de: small cracks in the earth
hm: 1
lx: qawrar
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: qawrar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawrar_2
de: become cracked from heat (of soil)
hm: 2
lx: qawrar
pd: (qawraray)
ps: v1=inch
key: qawrar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawratirid
m.f.dh eeg cawratir². la-mid: cawritirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawraacid
-da: (magac, dhedig, keli) maritaanka waddada toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawriirid
m.dh la-mid: gawdiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawriirid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqadhaqaaq lahyn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfalid
m.f.dh eeg jawrfal². la-mid: jowrfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) amarkutaaglayn iyo dulmi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawriirid
m.f.dh eeg jawriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta qammaarka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarracmid
(Qarracmid-da)
Qof qarracan helay, noqosho; muraaradillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarracmid
m.f.dh eeg qarracan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qarracan noqosho. Dh: marooradillaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Ciidda roob la'aanta ayaa qarradhidda ugu wacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraqmid
vl. n. sinking; capsizing