qawle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawle
m.l la-mid: qowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawle
-ha: (magac, lab, keli) eeg qawlaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawley
m.dh Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawley
-da: (magac, dhedig, keli) mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awle
name-m yelper; yeller
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qale
m. n. butcher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qale
-qalaha: (n) uneasiness (an-iisi-nes), especially uneasy with strangers ~qalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qale
de: butcher
lx: qale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawl
(Qawl-ka)
1. Baarka geedka, hadba inta curdanka ah oo kol soo dhalata oo soo kudda; wade.
2. Hadal; erey; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawl
qawl¹: m.l 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
qawl²: f.g/mg1 (-wlay, -wshay) 1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iyo wixi lamida.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawl
m.l 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawl
m. n., [collective] young shoots of a tree
qawl v. put forth shoots, germinate, sprout
qawl m. n. word, statement; pledge, word of honor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawl
-ka: (n) 1. something spoken; speech (ispiij)-, word (woordh). 2. an assurance or a promise; word (woordh). Ex: qawlkiisa wuu dhawraa; he keeps his word
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawl
-ka: (magac, lab, keli) qof axdi iyo ballan leh.
qawl -ka: (magac, lab, keli) cabbitaan qof jirran afka loogu shubo. Dh: kawl
qawl -ka: (magac, lab, keli) erey keliya oo lagu dhawaaqo. Aamus oo yaanu qawl kaa soo bixin. Dh: erey, kalmad.
qawl -ka: (magac, lab, keli) hadal xilkasnimo oo lagu kalsoonaado. Qawl keliya ha la isku ogaado. Dh: hadal,
qawl -ka: (magac, lab, keli) tigaad gu'samaadka baxda oo ay xooluhu cunaan oo u eg salaadka way nugushahay oo horay ayay u engegtaa.
qawl -ka: (magac, lab, keli) eeg qaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawle
m.l Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAWLE
(Jawle) C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora sphaerocarpa Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawle
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noocyada bariiska.
jawle -ha: (magac, lab, keli) midhadigireed tiro yar oo aan bislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawle
m.l (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. la-mid: mowle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawle
m.l (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. la-mid: mowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mawle
magacyada Ilaahay mid ka mid ah. Wuxu Mawle kuu qoray cidi kaama moostee miciin waa Ilaahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawle
-ha: (magac, lab, keli) godadka maansada mid ka mid ah oo ay dumarku tiriyaan oo siddeed iyo toban god ah. Dh: buraanbur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalle
(Qalla-ha)
1. Wax waajib ahaa oo qof ka tegey, oo waa danbe la sameeyo, laga gar'alleeyo, la guto.
2. Guddoonka Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalle
m.l Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalle
m.l Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalle
m. n. delayed fulfilling of an obligation, catching-up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalle
-qallaha: (n) prayers performed at a later time, after missed it's regular time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalle
-ha: (magac, lab, keli) dib u samaynta cibaado xilligeedil dhaaftay. Subixiigalle ayaan ku tukaday: Li: adde, adaa.
qalle -ha: (magac, lab, keli) cibaadada la qallaynayo lafteeda.
qalle -ha: (magac, lab, keli) qaddar Eebbe oo inta badan dhimashada lagu gaar yeelo. Qallaha ilaahay rumee. Dh: qadde, qaddar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalle
de: delayed fulfilling of an obligation, catching-up
lx: qalle
pd: (/ha)
ps: n-m
key: qalle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAWLI
(Kaulo) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S Maerua triphylla A. Rich. Capparidaceae.
S Nymphaea caerulea Savigny. Nymphaeaceae.

QAWLO
(Kaulo) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S Maerua triphylla A. Rich. Capparidaceae.
S Nymphaea caerulea Savigny. Nymphaeaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qowle
(Qowla-ha)
Dad dibadda wareega oo ku nool boob iyo dhac iyo ugaarasho, aan dadse dilin; qowleysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowle
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Dad aan shaqo lahayn oo dadka kale dhaca. la-mid: qawle, qowleysato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qowle
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Dad aan shaqo lahayn oo dadka kale dhaca. la-mid: qawle, qowleysato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowle
m. n. bandit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qowle
-ha: (magacwadareed) dad aan shaqo lahayn oo dadka kale dhaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowle
de: bandit
lx: qowle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qowle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawle
(Xawla-ha)
Xawlli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawle
m. n. fast pace, running fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawle
-ha: (magac, lab, keli) orod xoog badan oo la sii kordhiyo. Anigu orod xawle ah ma ordi karo. Dh: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawle
a: xawlli
de: fast pace, running fast
initial: x
lx: xawle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xawle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraf
waraf: m.l (-fyo, m.dh) Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
wąraf¹: m.l Welwel ama xanuun lala seexan waayay. la-mid: weref¹.
wąraf²: f.mg1 (-rfay, -rafday; -rfi) Welwel ama xanuun la seexan waayid. la-mid: weref².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraf
m.l (-fyo, m.dh) Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gang
/gaang/ (n) 1. burcad, qawleysato, gaangeystaro (n) 2. baando, koox saaxiibo ah, siiba wada-shaqayn leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
predatory
/predhatoori/ (adj) xayawaanka duur-joog ta ah oo wax cuna 2. qawleysato (dadka ku nool dhaca iyo boobka).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budhcad
-da: (n) gangster (gangister); bandit (baan dit) ~ burcad, qawleysato
budhcad: -ka: (n) butter (bater); ghee (gii) ~ burcad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burcad
-da: (n) 1. gangster (gaangister); bandit (baan dit) ~ tuug, dooxato. 2. gang (gaang) ~ budhcad, qawleysato
burcad: -ka: (n) butter (bater); ghee (gii) ~ budhead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dooxato
-dooxatada: (n) gang (gaang); bandits (baanditis); gangsters ~ burcad, qawleysato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaysasho
-da: (magac, dhedig, keli qawleysinnimo ku noolaansho oo ku shaqaysasho Qwlaysasho ayuu ku mamay oo waa la kari la'yahay. Dh: dhecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalawle
m.l 1. Geel guran ah. 2. Muqmad aan subag iyo dufa midna lahayn. 3. Cantalaay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalawle
-ha: (magac, lab, keli) geel guran ah.
qalawle-ha: (magac, lab, keli) muqmad aan subag iyo dufan midna lahayn.
qalawle-ha: (magac, lab, keli) eeg cantalaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalowle
m.l 1. Geel aan irmaan ahayn. 2. Cunto aan idaan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalowle
-ha: (magac, lab, keli) geel aan irmaan ahayn.
qalowle-ha: (magac, lab, keli) cunto aan idaan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abawle
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo la tunto habeenkii oo keliya, waxay na gaar u tahay haweenka. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah laba durbaan oo yaryar oo la kala yiraahdo jabuu iyo shaanbal.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawler
n., dowdowle, -hi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawdle
/dhodhal/ (v) 1. gaabin (dhuukubid) (v) 2. waqti-dhumin (aayar wax u samayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Cabaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawlee
v. lament, moan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawlee
(fal) butaac oo same codka 'jaw'. jawni: (fal) miro qolof ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawlee
de: lament, moan (of group of people or animals)
lx: jawlee
pd: (jawleeyey)
ps: v2b=
key: jawlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: qaaliyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalee
v. put a high price on, sell dearly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaalee
-yey / qaaleysay: (v) raise the price; make more expensive ~ qaaliyee, qaaligaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalee
(fal) qaali ka dhig. Dh: qaaliyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalee
a: qaaliyee {S}
de: put a high price on, sell dearly
lx: qaalee
pd: (qaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: qaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaley
(Qaaley-da)
Hunguriweyni; iimaanyoognimo; iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaley
m.dh Qof aan dhergin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaley
f. n., [abstract] greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaley
-da: (magac, dhedig, keli) hunguri weyni u qofku wax walba inuu u baahan yahay uu iska dhigo. Qaaleydu waa dhibaato Ilaahay laga baryo. Dh: iimaanyoognimo, iimaan la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaley
de: greed ~ greediness, insatiability (never content ~ satisfied with what one has)
lx: qaaley
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: qaaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhalan geddi. Waxa in badan meel uun yaalla qaalle ayaa ku dhaca. Dh: sargguur; salguur.
qaalle -ha: (magac, lab, keli) waxyeello qalalaase iyo arbushaad ah. Jabhaduhu qaalle ayay ka abuuraan magaalooyinka. Dh: qalalaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaqle
m. n. nosy ~ prying person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaqle
-qaaqlaha: (n) nosy person; fusser (fas-ser)-, prier also pryer (paraay-er)-, troublemaker (tara-bel-meeyker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqle
-ha: (magac, lab, keli) qof qaylo badan oo buuq wax ku doona.
qaaqle-ha: (magac, lab, keli) qof aan hanti lahayn camalna aan hayn.
qaaqle -ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Qaagle iyo baasuuke ayaa la isla dhacay. Dh: waaqle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaqle
de: nosy ~ prying person
lx: qaaqle
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: qaaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Qalle gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Qalle gudasho. m.f.dh, qallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallee
v. fulfill later an obligation one had omitted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallee
-yey / qalleysay: (v) perform missed prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallee
(fal) eeg qallay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallee
de: fulfill later an obligation one had omitted
lx: qallee
pd: (qalleeyey)
ps: v2b=
key: qallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallef
-ka: (magac, lab, keli) eeg qallaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) la-mid: khilaawee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalwee
v. isolate oneself in order to pray and recite the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwee
(fal) eeg qalway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalwee
bw: Arabic
de: isolate oneself in order to pray and recite the Koran
lx: qalwee
pd: (qalweeyey)
ps: v2b=intr
see: khilaawee
key: qalwee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANDLE
(Gandle) S Bruguiera gymnorrhiza (L) Lam. Rhizophoraceae.
S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawl_1
de: young shoots of a tree
hm: 1
lx: qawl
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: qawl_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawl_2
de: put forth shoots, germinate, sprout
hm: 2
lx: qawl
pd: (qawlay)
ps: v1=intr
key: qawl_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawl_3
de: word, statement; pledge, word of honor
hm: 3
lx: qawl
pd: (-ka Pl: qawlal (ka))
ps: n4-m
xe: Arabic
xv: qowl
key: qawl_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawlad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawlad
-da: (n) room (ruum) ~ qol, qowlad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawlad
bw: qowlad
de: room
lx: qawlad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: qol
key: qawlad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawlal
(Qawlal-ka)
Afka dhinaciisa, meesha bushinta sare iyo tan hoose isugu yimaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlal
qawlal¹: m.l (-llo, m.dh) Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka.
qawlal²: f.g1 (-alay, -ashay) Nafley, labadeeda qal dhexdooda bir, xarig, iyo wixi lamida, gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawlal
m.l (-llo, m.dh) Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawlal
m. n. corner of the mouth