qawlaalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaalis
(fal) awr faruurta ka xidh. Awrka qawlaalis oo hogaami.
qawlaalis ka: (magac, lab, keli) meel jar iyo waraar ah. Dh: qawlaan, qaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaalin.
calaalis-ka: (magac, lab, keli) dheefta inta calaliska u baahan; dheefta intii aan dareere ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalid
m.f.dh eeg qawlal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaacis
-ka: (magac, lab, keli) sii deyn wax la dawlaaciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalis
m.l la-mid: qalqaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalqaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waylaalis
-ka: (magac, lab, keli) harag laga bixiyo lo'da oo hagaag loo midgiyey. Waylaaliskani waa mid waylood. Dh: masalle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalxaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaalxaalid. xaami: (tilmaame) iibsi xawli ku socda oo aad u wanaagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalis
m.dh la-mid: laalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaal
(fal) wax asturan si foolxun u fayd.
qalaal -ka: (magac, lab, keli) hul yar oo biyo ku hadh leh. Maqasha qalaalka ku dabbaal.
qalaal -ka: (magac, lab, keli) meel banaan oo aan xoolaha wax manfac ah u lahayn. Qalaal bannaan ayuu adhiga u suufiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawlal
(Qawlal-ka)
Afka dhinaciisa, meesha bushinta sare iyo tan hoose isugu yimaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlal
qawlal¹: m.l (-llo, m.dh) Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka.
qawlal²: f.g1 (-alay, -ashay) Nafley, labadeeda qal dhexdooda bir, xarig, iyo wixi lamida, gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qawlal
m.l (-llo, m.dh) Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawlal
m. n. corner of the mouth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qawlal
-ka: (n) bridle (baraay-dhet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlal
-ka: (magac, lab, keli) afka labadiisa dhinac ee ilku ku teedsan yihiin midkood. Qawlalka hoose ayaa wax noqday. Dh: gafuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawlal
de: corner of the mouth
lx: qawlal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qawlal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaali
(fal) hilib iyo wixii la mid ah, ilakaha ku gooso oo ku jilci inta aanad liqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalis
(Calalis-ka)
Cunnada inteeda la calaliyo (hilib, badar, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalis
m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. la-mid: calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalis
m. n. solid food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalis
cf: caysh, cunno, dheef
de: solid food
lx: calalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: calalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaali
fk. D u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tusaale: “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaali
(adv) directly (direktili)-, straight (istareeyt). Ex: dawaali u tag; go directly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaali
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hindise ah. Iska daa halaalida. Dh: halaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalis
(Ilaalis-ka)
Raacis; dhawris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalis
vl. n. protection, act of guarding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalis
-ka: (n) the act of watching protection (pro-tak-shen) ~ ilaalin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalis
de: protection, act of guarding
lx: ilaalis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: ilaalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallaal
(Qallaal-ka)
Hul yar oo biyakuhar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallaal
qallaal¹: m.l (-lo, m.dh) 1. Balli yar oo ay biyo ku hareen. 2. Duleelka sanka iyo afku ay isaga furanyihiin.
qallaal²: m.dh Waddo aan toobiye ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallaal
m. n. place ~ crevice with remnant of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallaal
-ka: (magac, lab, keli) gabaw aad u duug ah oo aqalladu gaadhaan. Qallaal ayuu noqday aqalkii aan ka guurnay. Dh: one, duug.
qallaal -ka: (magac, lab, keli) Balli yar oo ay biyo ku hareen.
qallaal -ka: (magac, lab, keli) duleelka sanka iyo afku ay isaga furanyihiin.
qallaal -ta: (magac, dhedig, keli) Waddo aan toobiye ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallaal
de: place ~ crevice with remnant of water
lx: qallaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qallaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: khalkhali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlaan
-ka: (magac, lab, keli) meel jar iyo waraar ah. Dh: qaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku wadidda dad jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalis
-ta: (magac, dhedig, keli) gurid alaab loo guro oo kolba qayb la qaado. Daldalis baan ku dhamaynnay alaabtii. Dh: guris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaaci
(fal) xadhig dawlis ah iyo wax la mid ah marba in yar sii daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faalalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgalis
m.l la-mid: galaalgalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamis
m.l la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanis

halaajis
m.l la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halaajid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaali
-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo raamo ah. Hallaali badan buu wiilku leeyahay. Dh: bulbul, raan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaawis
m. n., [collective] minced fried meat preparation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaawis
de: minced fried meat preparation
lx: kalaawis
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kalaawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalis
m.l la-mid: madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaalis
m.dh.w eeg majilis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaalis
f. n., pl. meeting places; meetings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaalis
bw: Arabic
de: meeting places; meetings (traditionally near a mosque) Sg: majlis
lx: majaalis
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: majaalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaalid
(Qafaalid-da)
1. Qof laga adkaaday, xoog ku wadasho; afduubid; boojin.
2. (beer) Geedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalid
m.f.dh eeg qafaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, daleed la dhigid oo dhirta ka jarid. Qafaalid la'aan berta lama qodi karo. Dh: jirid, geedqaadid.
qafaalid -da: (magac, dhedig, keli) afduubid, xoog ku kaxaysad. Dh: afduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida orgida u ciyid. Qalaadinta iska daa orgi ma tihide. Dh: ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallajis
(Qallajis-ta)
Bahal yar oo jaadad badan ah; waxay sida mulaca leedahay dhex dhuuban, dabo dheer, afar addin, waxayna u badan tahay dhulalka kulkulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallajis
qallajis¹: m.l la-mid: qallajin.
qallajis²: m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallajis
m.l.u (cilmiga naflayda) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallajis
f. n. lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallajis
-ta: (n) lizard (liz'ardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo u eg siilaanyada kana roon oo mulaca ka yar oo badanaa lagu arko gidaarrada iyo jidhifta dhirta waaweyn. Dh: qorrato, wasakhad.
qallajis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallajis
de: lizard sp.
lx: qallajis
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: qorrato {C & S}
key: qallajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallalid
(Qallalid-da)
Wax qallalan noqosho; engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallalid
m.f.dh eeg qallal². la-mid: qallal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalid
-da: (magac, dhedig, keli) qombobid oo isku dhegid. Saanta gallalidda ka ilaali oo dhis.
qallalid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan qoyanayn oo engegan noqosho. Bustaha qallalid ayaan u wadhay. Dh: engegid. Li: qoyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaali
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl qabashadeeda isku taxluujin ama qabanqaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalqaali
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl qabashadeeda isku taxluujin ama qabanqaabin. m.f.dh, qalqaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalqaali
v. arrange, organize, prepare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalqaali
-yey / say: (v) [with preposition ku] 1. urge (eerj); press for; incite or stimulate ~ku qalqaali 2. arrange (a-raanj). Ex: baabuur noo qalqaali; arrange a car for us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaali
(fal) eeg qalqaal.
qalqaali -ga: (magac, lab, keli) eeg qalqaalli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalqaali
de: arrange, organize, prepare
lx: qalqaali
pd: (qalqaaliyey)
ps: v2a=tr
key: qalqaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalid
m.dh la-mid: khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalin
m.dh la-mid: khalkhalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawaacid
(Qawaacid-ka)
Wax weyn oo daran; dhibaato weyn.