qatimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo in muddo ah biyo ka celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatimi
(fal) xoolo in muddo ah biyo ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimid
m.f.dh eeg qatin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimin
m.f.dh eeg qatimi. la-mid: qatimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatimis
m.dh la-mid: qatimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatim
(fal) Qur'aan dhammee oo ducadana raaci. Qur'aanka caawa qatim. Dh: gebagebee, dhammee, khatin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduur
(Durduur-ta)
(biyo kd.) aan hadba loo soo qatimin ama aan loo soo dheregdhacsane layska dhacayo oo aan afka laga qaadayn; rakaad isku dhowdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kacdimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaatime
(Qaatima-ha)
Orod gaar ah oo fardood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatime
m.l Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaatime
m. n. particular gait of a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatime
-ha: (magac, lab, keli) orodka fardaha mid ka mid ah. Farasku qaatime ayuu halkan ku yimid. Dh: orod.
qaatime -ha: (magac, lab, keli) qaab loo socdo oo u eg socodka fardaha.
qaatime -ha: (magac, lab, keli) qof arrin ama hawl kale oo la hayo soo xidha oon dabadii la hadal. Duga u weyne qaatime ka dhiga. Dh: gunaanade, khatime.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaatime
de: particular gait of a horse
lx: qaatime
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaatime
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadiimi
-ah: (adj) antique (aan-tiik). Ex: baabuur qadiimi ah; an antique car ~ qadiimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiimi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qadim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timi
v., sg., simple past tense: she / you came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timi
de: she / you came
initial: t
lx: timi
ps: v4b-2sg/3f-past
xe: When did you arrive in Mogadishu?
xv: Goormaad timi Muqdisho?
key: timi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadim
(fal) horraysii. Taladaada soo qadim. Dh: qaddim, qadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammi
m.l la-mid: hammi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammi
m. n. worry, anxiety; ambition; problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammi
bw: Arabic
de: worry, anxiety; ambition; problem
lx: qammi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: hammi
key: qammi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qatin
(Qatin-ka)
Inta wax laga qado ama laga qadi karo; labo waqti oo wax la cuno ama la cabbo, muddada u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatin
qatin¹: m.l 1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah : xoolo aan kalkoodi gelin.
qatin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) 1. Xoolo muddo biyo ka qadid. 2. Ka q.: wax la qaybsanayo wax ka waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qatin
qatin¹: m.l 1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah : xoolo aan kalkoodi gelin.
qatin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) 1. Xoolo muddo biyo ka qadid. 2. Ka q.: wax la qaybsanayo wax ka waayid. m.f.dh, qatimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qatin
m. n. time between meals
qatin v. fast, abstain, go without eating food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatin
(fal) hawl la hayay, sida Quraan la aqrinayay soo gebagebee. Dh: qatim.
qatin -ka: (magac, lab, keli) dhammaystir Qur'aanka mar soddonka jisba la akhriyo oo la dhammeeyo. Dh: khatin.
qatin -ka: (magac, lab, keli) kal ay xooluhu ceelka ka fadhiyaan oo aanay aroorin. Lo'du saddex cisho ayay qatin ahayd oo maanta waa kalkeedi. Dh: qatanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxmi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhuxul shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxmi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhuxul shidid. m.f.dh, qaxmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxmi
v. make (charcoal) glow; light up, ignite something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxmi
(fal) dhuxul shidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxmi
de: make (charcoal) glow; light up, ignite s.t.
lx: qaxmi
pd: (qaxmiyey)
ps: v2a=tr
key: qaxmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayim
(fal) meel ad u socoto ku toos oo dhinacna hawga leexan. Dawgaa qaad oo buurtaa uun ku qayim. Dh: hagaag.
qayim -ka: (magac, lab, keli) qiime ay cidi bulshada dhexdeeda ku yeelato. Axmed waa wiil qayim fiican. Dh: qiime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaymi
(Qaymi-ga)
Waxa wax gooyaan ama taraan; waxtar; (ama qiime).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaymi
m. n. value
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaymi
-ga: (n) 1. value (vaal-yuu); usefulness or importance. 2. price (paraays); cost (koost)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaymi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gayme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaymi
de: value
lx: qaymi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: qiime
key: qaymi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimi
m.l la-mid: qiime.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatihi
(fal) aad u buuxdhaafi. Dh: buuxdhaafid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fatima
name-f intelligent, weaning
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayimi
f.g2 Wax layliyid; dabcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayimi
v. train, school, tame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayimi
cf: hebed
de: train, school, tame
lx: hayimi
pd: (hayimiyey)
ps: v2a=
key: hayimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalami
(Qalami-da)
Bahal yar oo dhinac daayeerka uga eg (cagaha, dabada) dhinacna dawacada (wejiga, dhegaha), oo indho waaweyn; geedatiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalami
qalami¹: m.l la-mid: qalammi.
qalami²: m.dh Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalami
f. n. lemur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalami
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daayeerka ka mid ah oo geedafuulka iyo booddada ku caan ah. Beerta xayawaanka qalami baa joogta. Dh: geedatiris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalami
de: lemur
lx: qalami
pd: (-da)
ps: n-f
key: qalami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qatanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotomi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel, qori iyo wixi lamida salka dhulka u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qotomi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel, qori iyo wixi lamida salka dhulka u dhigid. m.f.dh, qotomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qotomi
v. set up, erect, put upright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qotomi
-yey / -say: (v) put in an upright position; raise (raayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotomi
(fal) salka u aas oo si fiican dhulka ugu dhidib. Waranka hoggaamiyaha hortiisa ku qotomi. Dh: taag, jooji. Li: jiifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qotomi
de: set up, erect, put upright (i.e., in vertical position)
lx: qotomi
pd: (qotomiyey)
ps: v2a=tr
key: qotomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatimid
m.f.dh eeg qabatin³. la-mid: qabatin² (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabatimid
-da: (n) addiction (a-dhikt-shiri); habitualness (habij-wal-nes) ~qabatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabatimid
-da: (magac, dhedig, keli) la qabsasho. Kol haddaad asxaabtaada hesho qabatin kale uma baahnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimin
m.dh la-mid: kacdimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatimid
(Khatimid-da)
Wax socona hayey dhammaystirid, ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatimid
m.f.dh eeg khatin². la-mid: khatin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soconaayey dhammaystirid. Dh: ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiimi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof quraan, duruus iyo wixi lamida dhammeeyay mar labaad bilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqtiimi
v. review, study again; repeat (the Koran)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqtiimi
de: review, study again; repeat (the Koran)
lx: naqtiimi
pd: (naqtiimiyey)
ps: v2a=tr
key: naqtiimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore loo sameeyay ku rogaalcelin; dib ugu noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatimee
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Faras si qaatimo ah u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatimee
(fal) qaabka fardaha ciyaaraya u soco.
qaatimee: (fal) afjar oo gebagebee. Soo qaatimee hadalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddimid
m.f.dh eeg qaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shinkiisii ka horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirmid
(Qayirmid-da)
Beddelmid; doorsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirmid
m.f.dh eeg qayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bed- delmid. Cadceedda ayaa qayirmidda gaadhiga ugu wacan. Dh: beddelmid, doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anatomi
m.l (-iyo, m.dh) (baayoloji) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anatomi
m.l (-iyo, m.dh) (baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacrimi
v. fertilize; make something fertile ~ fruitful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimi
yey say: (v) fertilize (feerta laayz); make [soil, for example] fertile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimi
(fal) eeg bacrimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacrimi
a: bacrimee [v2b=]
de: fertilize; make s.t. fertile ~ fruitful
lx: bacrimi
pd: (bacrimiyey)
ps: v2a=tr
key: bacrimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barismi
(magac, lab, keli) wakhti duunyada iyo dadkuba nolol fiican ku jiraan. Barismi waa badnaa nololaa se ka badatay. Dh: berisamaad, samalaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirid
m.f.dh eeg catir². la-mid: catirayn, cartirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, cidaad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawimid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawimid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayimid
-da:(n) the act of specifying; specification (spase-fi-key-shin) ~ si gaar ah u caddayn; xaddidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imi
f.g2 (-iyay, -isay) Fal samayntiisa joogtayn. la-mid: daayimi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daa'imi
f.g2 (-iyay, -isay) Fal samayntiisa joogtayn. m.f.dh, daa'imin. la-mid: daayimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imi
(fal) jirsii muddo dheer oo wax weligii jira ka dhig. Gacankudhiiglaha xabsiga ku daa'imi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daa'imi
a: daayimi
de: make s.t. eternal, cause to last forever
lx: daa'imi
pd: (daa'imiyey)
ps: v2a=tr
key: daa'imi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daa'imi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daayimi
v. make something eternal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimi
(fal) wax joogta ah oo weligii jira ka dhig. Dh: daa'imi, waari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daayimi
de: make s.t. eternal
lx: daayimi
pd: (daayimiyey)
ps: v2a=tr
see: daa'imi
key: daayimi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daytime
/dheytaym/ (n) maalinimada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatihid
(Fatihid-da)
Wax badan oo meel ku wada jira, isku mar, qubid ama daadin. (ka fatihid) ka qubid, ka daadin; (ku fatihid) ku qubid; ka buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatihid
m.f.dh eeg fatah². la-mid: fatah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatihid
-da: (magac, dhedig, keli) buux dhaafid. Biyaha fatihidda ka ilaali. Dh: qubasho, fatahid.