qasilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasilasho
m.f.dh eeg qasilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilasho
m.f.dh eeg qafilo. la-mid: qufulasho, qunfulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafilasho
-da: (magac, dhedig, keli) xidhasho oo qafil ku adkayn. Qafilashada aqalku waa muhim kolkaad ka baxayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalasho
m.f.dh eeg qalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflasho
m.f.dh eeg qaflo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaslasho
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan baylahda uga eegasho. Dh: dhawrasho, eegasho, daryeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasisasho
m.f.dh eeg nasiso².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamisasho
m.f.dh eeg qamiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirasho
m.f.dh eeg qayiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilasho
(Tashiilasha-da)
Sahay ama wax kale dhaqaalaysasho, si ay u raagaan oo ayan durba u dhammaan; maradhaaraysasho; dhaqaalaysasho; dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilasho
m.f.dh eeg tashiilo. la-mid: tashiilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) shay ama wax kale dhaqaalaysasho si ay u raagaan oo aanay durba u dhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasiimasho
m.dh la-mid: gesiimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto cunid; quudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimasho
m.f.dh eeg laasimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax mar kasta samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macbilasho
m.f.dh eeg macbilo. la-mid: macbilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan filasho oo sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawisasho
m.f.dh eeg qaawiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawisasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka ama qayb ka mid ah dharka ka tirid: is qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbirasho
m.f.dh eeg qabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalasho
m.f.dh eeg qafaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallidasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheekh culimada madaahibta ka mid ah masalo diini ah kaga dayasho. Hadaad cilmi u lahayn inaad nas dhigan xukun kala soo baxdo qallidasho samee. Dh: kudayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasnaansho
m.l/dh la-mid: qasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax laaqan oo isku qasan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wakiilasho
(Wakiilasha-da)
Wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakiilasho
m.f.dh eeg wakiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wakiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasilo
f.mg3 (-ishay, -ilatay) Wasakh biyo iskaga nadiifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilasho
de: beginning, start; appearance of a new moon
lx: bilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filasho
m.f.dh eeg filo. la-mid: filad, filitaan (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filasho
vl. n. expectation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filasho
filashada: (n) the act of (an-ikis paktidh) expecting; expectation (ekis pak teey-shin); anticipation (aan tisi peey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Filasho
Aspettanza
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filasho
a: filad
de: expectation
lx: filasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: jarreero
key: filasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalasho
m.f.dh eeg jalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, jal qaadasho oo isxanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaybsasho ama saami qaadasho. Dh: qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nasasho
(Nasasha-da)
Hawl adag oo loo joojiyo in oogada daalku ka ba'o; waqti labo hawlood u dhexeeya oo aan waxba la qaban; bojin; daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasasho
m.f.dh eeg naso. la-mid: nasad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
nasasho
to rest
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasasho
vl. n. rest, act of taking a break; vacation; half-time {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nasasho
-nasashada: (n) rest ( rest); the act of resting; quiet relaxation ~ nasiino
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nasasho
Riposo
Rest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxo qaadasho oo hawl xilli kooban ka fadhiisasho. Nasashadu qofka firfircooni ayay siisaa. Dh: nasadya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nasasho
de: rest, act of taking a break; vacation; half-time {sports}
lx: nasasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nasasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nasasho
إستراحه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabasho
(Qabasha-da)
1. Wax laysu soo taagey, gacanta ku dhigid, ku dhegid, iska laallaadin; hayn; xajin.
2. Falid; waxayn; samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabasho
m.f.dh eeg qabo². la-mid: qabad, qabatin² (5).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qabasho
Capture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabasho
vl. n. act of detaining, arresting; holding, seizing, taking; doing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabasho
-qabsashada: (n) the act of holding, catching or capturing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qabasho
Incasso
Encashment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabasho
-da: (magac, dhedig, keli) hirdan geesaha la is daro oo dibida ama dadku sameeyaan; ciyaar ama dagaal labo qof ama laba dibi ay ku tartamaan si uu midi midka kale dhulka u dhigo. Labolabo qabasho iskugu baxa. Dh: legdin, xambaaro.
qabasho -da: (magac, dhedig, keli) falid; samayn. Qabashada hawsha saddex qof ku daaya. Dh: falid.
qabasho -da: (magac, dhedig, keli) calaacasha wax ku xajin. Gacantu way jaban tahay oo qabashada usha ma karayso. Dh: hayn.
qabasho -da: (magac, dhedig, keli) meel u ambabbixid. Dh: aadid; tegid.
qabasho -da: (magac, dhedig, keli) wax baxsi ah joojin. Dabinka waxa loo dhigay qabashada libaaxa. Li: siidayn.
qabasho-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabanqaabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabasho
a: qabad
de: act of detaining, arresting; holding, seizing, taking; doing
lx: qabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirasho
(Qirasha-da)
Wax qof falay oo aan laga asaraartamine 'falay' la yiraahdo; inkirid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirasho
m.f.dh eeg qiro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qirasho
vl. n. acknowledging, confessing, admitting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qirasho
-qirashada: (n) confession (kon-feshen); admission (aadh-mishin) ~ qiraal, qirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal dhacay masuuliyaddiisa si cad u oggolaansho. Ninkii ninka dilay qirasho wuu diiddan yahay. Dh: oggolaansho. Li: dafirid, diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qirasho
de: acknowledging, confessing, admitting
lx: qirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qirasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qirasho
اعْتِرَاف، إِقْرارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidasho
m.f.dh eeg sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale gacanta ama dhabarka ku qaadasho. Dh: haysasho. Li: dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigasho
(Sigasha-da)
Halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho, u gaarid, kaga baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigasho
m.f.dh eeg sigo. la-mid: sigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis ku dhici lahayd wax yar kagaga baxsaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasho
m.f.dh eeg siko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis, cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsad, u gaarid, wax yar kaga baxsad; qarka isu taagid; u dhowaad.
sikasho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqasho
m.f.dh eeg siqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo aad fadhido badhida ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.