qasacadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadayn
m.f.dh eeg qasacadee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qasacadayn
Canning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moolgarayn oo qasacado ku cabbayn. Qasacadaynta wershado ayaa sameeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadaysan
-qasacadaysnaa: (adj) preserved and sealed in a can; canned (kaanidh). Ex: cuntada qasacadaysan; the canned food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadaysan
(tilmaame) qasacad lagu cabeeyey ah. Tamaad qasacadaysan ayaa tukaanka buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaradayn
(Xasaradayn-ta)
Xasarad kula kicid; maagid; adyadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradayn
m.f.dh eeg xasaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad cid kula kicid. Dh: maagid, adyadayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Canning
Qasacadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cunto, cabitaan iyo wixi lamida wax qasacad lagu shubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasacadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cunto, cabitaan iyo wixi lamida wax qasacad lagu shubay ahaansho. m.f.dh, qasacadeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacadeysan
der. [adjective] canned, placed in a can
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadeysan
(adj) preserved and sealed in a can; canned (kaandh) ~ see also [eeg] qasacadaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadeysan
(tilmaame) eeg qasacadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacadeysan
de: canned, placed in a can
lx: qasacadeysan
pd: (qasacadeysnaa)
ps: adj-der
key: qasacadeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddayn
m.f.dh eeg kabacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraaxadayn
m.f.dh eeg qaraaxadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraaxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid. Qaraaxadaynta ka jooji wiilka. Dh: dacaayadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasacad
(Qasacad-da)
Qasac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacad
m.dh la-mid: qasac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacad
f. n. tin can; canned goods
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacad
-da: (n) can (kaan); metallic can ~ qasac,daasad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qasac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacad
de: tin can; [pl] canned goods
lx: qasacad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: Arabic
xv: qasac
key: qasacad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadan
f.mg4 (-naa, -nayd) Koor wax qadaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadan
(tilmaame) koor wax la gadaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalan
La qasaalay; mayran; dhaqan; xalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la qasaalay ahaansho (dhar).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasaalan
der. [adjective] washed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalan
(tilmaame) wax biyo lagu maydhay ah. Qamiisku wuu qasaalan yahay. Dh: maydhan, dhaqan, mayran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasaalan
de: washed
lx: qasaalan
pd: (qasaalnaa)
ps: adj-der
key: qasaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacdayn
(Raacdayn-ta)
1. Wax lala tegey ama la dhacay, raacdo ahaan uga dabategid.
2. Ceyrin; eryid; cagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdayn
m.f.dh eeg raacdee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqan doondoonid. Dh: raadcayn, doondoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafayn
(Masaafayn-ta)
(guur) meel masaafo jirta geyn oo ku meherin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadays
-ka: (magac, lab, keli) gadaado ku shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh, niis, garri iyo biyo isku laaqid oo isku cajiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid Qarxadaynta ka jooji wiilka. Dh: qaraaxadayn, dacaayadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid. m.f.dh, qasacadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacadee
v. can, put in a can
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadee
-yey I qasacadeysay: (v) preserve in cans; can (kaan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadee
(fal) moolgaree oo qasacado ku cabbee. qasacad ku samee. Tamaadka qasacadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacadee
de: can, put in a can
lx: qasacadee
pd: (qasacadeeyey)
ps: v2b=tr
key: qasacadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragcadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daloosha ragcad ku dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaasayn
(Rasaasayn-ta)
1. Rasaas ka dhigid.
2. Xabbado ama saanad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaasayn
m.f.dh eeg rasaasee. la-mid: risaasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaas ku aa'id. Rasaasayn baa libaaxii lagu dilay. Dh: xabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad isku ekeysiin. Wadaadayn wadaad lagumo noqdo. Dh: wadaadays. Li: waranlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasladayn
(Wasladayn-ta)
Waslado ka dhigid, u googgoyn; jarjarid; cadadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasladayn
m.f.dh eeg wasladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waslado ka dhigid; cad jarjarid oo waslad waslad ka dhigid. Dh: googgoyn; cadcadayn; wasladays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaraday
(fal) cid kale xasarad kula kac. Aaddaday baa isoo yidhi: dadka wada xasaraday, ka ku dilaa dad kuma jiro, kaad dishaana dayid ma leh. Dh: xasaradee, alyadee, maag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maarayn iyo maamul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku riditaanka bashqad. Bashqadaynta ka hor warqadda ii akhri. Dh: bashqadayn, buqshadayn, bushqadayn, galayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xasaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyaaladayn
m.f.dh eeg qabyaaladee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysaraamayn
m.f.dh eeg qaysaraamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagacaddaan
(Cagacaddaan-ta)
Kabo qabid la'aan; kabo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagacaddaan
m.f.dh eeg cagacad. la-mid: cagacaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagacaddaan
f. n., [abstract] barefootedness, shoelessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagacaddaan
-ta: (adj) barefoot (beer-fuut); with nothing on the feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagacaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo la'aan. Cagacaddaan ayaan ku imid guriga. Dh: cagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagacaddaan
de: barefootedness, shoelessness
lx: cagacaddaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cagacaddaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadayn
m.dh la-mid: calaamadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) summad u yeelid. Dh: astayn; calaamadays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carqaladayn
-ta: (n) disruption (dis-rapshiny disturbance (dis-teer-bansi) ~ rabshayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl, wiiqid; carqalad ku samayn. Dh: carqaladays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ka sheegid. Dacaayadaynta dadka waaweyn ka daaya. Dh: dicaayadeyn. Li: ammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbacayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarriiqasho iyo cid kale u jarjarid; hadba dhinac u orodid iyo weecweecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la diririd oo u hanjabid afka uun ah. Dh: hanjabid, diririd, guhaadin.
hayaanadayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof u soo baahday wax aad leedahay, si xun ula dhaqmid. Dh: hayaanadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkacaddayn
m.f.dh eeg ilkacaddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilkacaddayn
-ta: (n) the act of grinning or smiling ~ dhoollo-cadayn -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qosol yar oo dhoolasha uun la caddeeyo. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabadayn
(Karkabadayn-ta)
Karkabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabadayn
m.f.dh la-mid: karkabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deddejin ama qarbaqarbayn. Dh: karkabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiyadayn
(Khasiyadayn-ta)
Wax khasiyad ah cid kula kicid; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiyadayn
m.f.dh eeg khasiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faragelin iyo afdheeri wax aan laguu dirsan. Dh: faduulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacanlayn
(Labacanlayn-ta)
Si labacanle ah wax u cunid, u boobid; xagga iyo xaggaba ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlayn
m.f.dh eeg labacanlee. la-mid: labacanlays.