qarxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarxin
(Qarxin-ta)
Qarax ka keenid; bujin; dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxin
m.f.dh eeg qarxi. la-mid: qarxis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarxin
vl. n. shot, firing, exploding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxin
-ta: (n) the act of exploding, erupting, bursting or blasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxin
-ta: (magac, dhedig, keli) bam iyo wixii la mid ah, wax qarxay ka dhigid. Dh: qarxis.
qarxin-ta: (magac, dhedig, keli) sir la qarinayo kashifid oo sheegid. Qarxinta sirta waa laga hes- hiiyay Dh: qarxis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarxin
de: shot, firing, exploding
lx: qarxin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qarxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarin
(Qarin-ta)
Meel aan laga arki karin dhigid, gelin; wax aan muuqan ama qarsoon, ka dhigid; kaayid; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarin
m.f.dh eeg qari. la-mid: qaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarin
vl. n. hiding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarin
-ka: (n) concealment (kon-siil-ment); hiding (haaydh-ing)-, secrecy (siik-rasi) ~ qaris, daboolid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan la arkayn dhigid; wax aan muuqan oo qarsoon ka dhigid. Sirtu garintay ku fiican tahay. Dh: kaayid, dahid. xasayn, sheelid, qaris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarin
de: hiding
lx: qarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qarax ku burburin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qarax ku burburin. m.f.dh, qarxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarxi
v. explode, detonate; fire (a weapon)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxi
-yey / say: (v) cause to explode, erupt, burst or blast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxi
(fal) bam iyo wixii la mid ah wax, olol ka keen oo kala fidhiidhi.
qarxi: (fal) wax isku yaallay kala qarradhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarxi
de: explode, detonate; fire (a weapon) rw: qarax
lx: qarxi
pd: (qarxiyey)
ps: v2a=tr
key: qarxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxin
m.dh la-mid: qixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxin
-ta: (n) evacuation (i-vaa-kuweey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, barakicin oo dhulkoogii xoog kaga kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka bajisiin oo firxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxin
(Farxin-ta)
Farax gelin; riyaaqin; reyrreysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxin
m.f.dh eeg farxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) farax gelin; wax uu u riyaaqo u sheegid; ka rayraysiin; ka farxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marxin
(Marxin-ta)
Dhaqaalayn; tashiilid; kaydin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxin
m.f.dh eeg marxi. la-mid: marxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxin
-ta: (magac, dehdig, keli) shay kaydin oo xilligii la isticmaali lahaa dib uga dhigid. Marxinta raashinku waa qalad. Dh: kaydin, madhxin.
marxin -ta: (magac, dhedig, keli) qudhmin. Dugaagga badhbaa marxinta ku cuna raqda. Dh: madhxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariin
m.l Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariin
-ka: (magac, lab, keli) geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu como cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo ku hafin. Qoomkii Nebi Nuux qarqin ayaa lagu halaagay. Dh: qarqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsin
(Qarsin-ka)
Fandhaal weyn; qudde; dhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Fandhaal weyn; qudde.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarsin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Fandhaal weyn; qudde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarsin
Common N. large hand-carved wooden ladle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsin
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal weyn co cuntada lagu guro. Qarsinka qaado oo beriiska ka gur. Dh: qunde.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarsin
bw: qudde
de: large hand-carved wooden ladle
lx: qarsin
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
syn: kaal, qaaddo
key: qarsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarxid
(Qarxid-da)
Qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxid
m.f.dh eeg qarax². la-mid: qarxad, qarxasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxid
-da: (n) explosion (ikis-palow-shin); blast (balaast), eruption (i-rap-shen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxid
-ta: (magaca, dhedig, keli) qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxis
m.l la-mid: qarxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarxid.
qarxis-ta: (magaca, dhedig, keli) eeg qarxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxin
(Qurxin-ta)
Qurux u yeelid; wax qurxoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxin
m.f.dh eeg qurxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxin
vl. n. decoration, beautification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurxin
-ta: (n) beautification (biyuu-ti-fikeey-shin); beautifying (biyuu-ti-faaying); decoration (da-kareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan wanaagsan u yeelid oo wax qurux badan ka dhigid, qurux u yeelid, bilic u samayn. Dumarku qurxinta aqallada way yaqaaniin. Dh: qurxis. Li: foolxumayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxin
de: decoration, beauti-fication
lx: qurxin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qurxin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qurxin
تَجْمِيل، تزيين
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bujin
(Bujin-ta)
Weel isku aabburan daboolka kaqaadid; wax gudaha biyo ama dhacaan ama neefi kaga jirto dillaacin; qarxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacays
(Shacays-ka)
Dab hore oo afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo loo daaro; (ama shucays).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddibiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Buntuq aan xabbadaha qarxin cillad awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala. m.f.dh, waalid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blast
/balaasti/ (n) 1. dabayl (xanfar) 2. qarax (qarxin)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dynamite
/dhaynamayt/ (n) qaraxdo awood-badan, oo loo adeegsado qarxinta ceelasha macdanta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
explode
/ikispalowdh/ (v) qarxin, qarxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mine
/mayn/ (pron) waxayga (kayga).
mine: /mayn/ (n) 1. godka macdanta laga qodo. 2. miino xabaalid ama qarxin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trigger
/trigar/ (n) 1. keeb (riishad, leebka qoriga laga rido) (n) 2. qarxin (ridid, sida wax arin kiciya ama bilaaba).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Explosion

Metodo di preparazione per Esplosione
Habka qarxinta diyaarinteeda
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
esplodere
v.intr. e tr. - qarxid; qarxin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inesploso
agg. - aan weli qarxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bambo qaraxda la dhicid.
bambayn -ta: (magac, dhedig, keli) kubbad iyo wax la mid ah hawo ama naqas ka buuxin adiga oo adeegsanaya bam. Bambaynta badan ka jooji kubbada yaanay qarxine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafuuf
(fal) neef baqtiyey, qudhun dartii la dibbir. Sicii bakhtiyey wuu dafuufay.
dafuuf -ka: ((magac, lab, keli) xoolaha baqtiyey ee dibbara inta ayna qudhun dartii la qarxin. Dafuufka xerada ka jiida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiig ku dhex guntama nabar aan qarxin oo dhexdiisa ku madoobaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyamareen ah. Furdaan dhexdeed ha seexan. Dh: faraq.
furdaan -ta: (magac, dhedig, keli) awaaraytidu inta aanay bislaan, madaxa hadhuudhka oo isaga oo aan firi yeelan madoobaada oo intaanu qarxin la cuno. Beerta furdaan iyo aalaba ka guro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxadin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaraaxadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarrin
m.f.dh eeg qaarri. la-mid: qaarris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxiso
-qarxisada: (n) detonator (date-neeyter) -qarxiye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarxiye
m. n. detonator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarxiye
-qarxiyaha: (n) detonator (det 'neeyter) ~ qarxiso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarxiye
de: detonator
lx: qarxiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qarxiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayriin
m.l la-mid: ceeriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayriin
[adjective] raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayriin
-ah: (n) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ qaydhiin, ceedhiin, ceeriin, ceyriin, cayriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayriin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayriin
a: qaydhiin
de: raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
lx: qayriin
pd: (qayriinaa)
ps: adj-m
see: ceeriin
key: qayriin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arin
أَمْرٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel aan laga arki karin gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel aan laga arki karin gelin. m.f.dh, qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qari
v. hide, conceal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qari
-yey / say: (v) hide (haaydh); conceal (kon-siil); cover up (kavar ap) ~ xasee, dabool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qari
(fal) dadka ka khabbee; meel aan la arkayn geli; ha sheegin. Dh: sheel, khabbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qari
de: hide, conceal
lx: qari
pd: (qariyey ~ qarshey)
ps: v2a=tr
key: qari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: qixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxi
v. evacuate; cause to flee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxi
-yey say: (v) displace from a threatened or dangerous area; evacuate (i-vaa-kuweeyt) ~ qixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxi
(fal) dad xoog ku rar adoo ka cabsiinaya. Dadka qaxi oo meelo kale ha u guuraan. Dh: barakici,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxi
a: qixi
de: evacuate; cause to flee
lx: qaxi
pd: (qaxiyey)
ps: v2a=tr
key: qaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrin
(Arrin-ka, Arrin-ta)
Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaal; talo; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrin
f. n. matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrin
-ta: (n) a subject of concern, feeling, or action: matter (maa ter)-, a state of affairs; a situation; case (keeys) ~ xaajo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Arrin
Argomento; oggetto
Issue; subject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrin
-ka: (magac, lab, keli) male iyo fikir laga tashanayo. Dh: talo, xaal, xaajo.
arrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama hawlo taladeedu taagantahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrin
de: matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
lx: arrin
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f, n2c-m
key: arrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxan
(Arxan-ka)
Naxariis; raxmad; turaal; jimic.