qarrarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarid
m.dh la-mid: tarrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dildillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tarrari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrari
(fal) qarxi oo kala dillaaci. Dh: dillaaci, jeex.
qarrari: (fal) wax la asturayo ama sheeko la dul marmarayo kashif oo runta caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraarid
m.f.dh eeg qaraar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) iska soo taagid, xamili waayid. Shaqo badan iyo mishaar yarayaa qaraaridda keenay: Dh: diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarid
(Qarqarid-da)
1. Qarqaryo iska garasho, dareemid; dhaxan la gariirid; jarayn; jarcayn; burunjiyeyn.
2. Gariirid; ruxasho; gilgilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarid
m.f.dh eeg qarqar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarid
-da: (magac, dhedg, keli) eeg qadhqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracid
-da: (magac, dhedig, keli) wax keliballoobay noqosho. Berliskii oon ka dhergin ayaan qarracid ka qaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqid
-da: (magac, dhedig, keli) cid biyo ku dilid oo ku halaagid. Dh: qarqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarin
m.dh la-mid: tarrarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala dillaacin. Dh: jeexid, qarradhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrerid
m.dh la-mid: qarririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarririd
m.f.dh eeg qarrir². la-mid: qarrer¹, qarrerid, qarrir¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawrarid
(Qawrarid-da)
Qawrar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawrarid
m.f.dh eeg qawrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawrarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
limit
/limit/limitation;(n) 1. xad, xudduuda aan la dhaafi karin. (heer ku xadaysan) 2. xadayn (xad u yeelid); qarrarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
screpolarsi
v.rifl. - tarrarid, qarrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarracmid
(Qarracmid-da)
Qof qarracan helay, noqosho; muraaradillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarracmid
m.f.dh eeg qarracan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qarracan noqosho. Dh: marooradillaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Ciidda roob la'aanta ayaa qarradhidda ugu wacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraqmid
vl. n. sinking; capsizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku hanfasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraqmid
de: sinking; capsizing
lx: qarraqmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qarraqmid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qarraqmid
غرق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarroorid
m.f.dh eeg qarroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarroorid
-da: (magac, dhedig, keli) surgin, muruş cinjir iyo wixii la mid ah, guntamid oo isku roorid Qarrooridda muruqu way xanuun badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarid
m.f.dh eeg qaar³. la-mid: qaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrar
qarrar¹: m.l la-mid: tarrar¹; tarrarid.
qarrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: tarrar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarrar
m.l Dillaac, jeex. la-mid: tarrar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarrar
v. shatter, break apart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarrar
-ay / tay: (v) 1. grack (karaak); crack open; break (bareeyk); fracture (farak-jar); snap apart -bacran, tarrar. 2. limit (limit)-, specify (espee-sifaay); fix (fiksi) ~ qarrir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrar
(fal) kala dillaac.
qarrar -ka: (magac, lab, keli) qombobka iyo dildillaaca ay dhaxantu keento. Dh: safan, qarrar.
qarrar -ka: (magac, lab, keli) eeg qarraadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarrar
de: shatter, break apart
lx: qarrar
pd: (qarraray)
ps: v1=intr
see: tarrar
key: qarrar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradid
(Arradid-da)
Dhar la qaato waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradid
m.f.dh eeg arrad². la-mid: arrad¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arradid
vl. n., [abstract] lack of proper clothes, shabbiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhar ka dhammaaday noqosho ama dhar cusub waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arradid
de: lack of proper clothes, shabbiness
lx: arradid
pd: (-da)
ps: vn0-f-abs
key: arradid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraari
(fal) caleen ka dhergi. Dibiga qaraari ha kaa fadhiistee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqari
f.g2 (-iyay, -isay) Ka q.: cid cabsi gelin. la-mid: qarqarsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarreri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarreri
(fal) wax kala dillaaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax af dillaac u yeelid. la-mid: qarrari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarrari
v. shatter, split, tear (away)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarrari
de: shatter, split, tear (away)
initial: t
lx: tarrari
pd: (tarrariyey)
ps: v2a=tr
key: tarrari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarid
m.dh la-mid: dardarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ka sii deynta ama bannaanka soo dhigid wax dahsoonaa. Barraxiddaan soo barraxay badeecaddii ayuu roobku bilaabay.
barraxid -ka: (magac, lab, keli) bannaanka u soo saarid wax meel ku dahsoonaa. Soo barraxid iyo baadhid boolis loo diraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wax loo qoro ama loo akhriyo qof kale barid. Dh: farbaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfarid
(Farfarid-da)
Godgod yaryar u yeelid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfarid
m.f.dh eeg farfar². la-mid: faarfaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraqid
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, biyo, raashin iyo wixii la mid ah kol keli ah wada qaybin iyadoon waxba lala hadhin. Dh: farraqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrarid
m.f.dh eeg halrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuurid oo ku midayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjarid
(Jarjarid-da)
Googgoyn; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarid
m.f.dh eeg jarjar². la-mid: jarjaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama in ka badan, googoyn oo qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrarid
(Jawrarid-da)
Engeg la kogay, la qawraray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrarid
m.f.dh eeg jawrar². la-mid: jawrar¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmarid
(Marmarid-da)
1. Meel dhawr jeer marid, ku socsocosho.
2. Isha oo laysku hayo, wax kor ka marmarin, si saxarka galay uga soo baxo ama hurdadu u ba'do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarid
m.f.dh eeg marmar³. la-mid: marmar¹ (3) .