qarraqmid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraqmid
vl. n. sinking; capsizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku hanfasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraqmid
de: sinking; capsizing
lx: qarraqmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qarraqmid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qarraqmid
غرق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraqmid
m.dh la-mid: qarqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku hanfasho oo ku dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqid
-da: (magac, dhedig, keli) cid biyo ku dilid oo ku halaagid. Dh: qarqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarracmid
(Qarracmid-da)
Qof qarracan helay, noqosho; muraaradillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarracmid
m.f.dh eeg qarracan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qarracan noqosho. Dh: marooradillaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qarqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraqid
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, biyo, raashin iyo wixii la mid ah kol keli ah wada qaybin iyadoon waxba lala hadhin. Dh: farraqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraan ururin. Qaraamidda qof uun ha lagu ogaado. Dh baahayn, dhawrtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracid
-da: (magac, dhedig, keli) wax keliballoobay noqosho. Berliskii oon ka dhergin ayaan qarracid ka qaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarid
m.dh la-mid: tarrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dildillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warramid
(Warramid-da)
War sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warramid
m.f.dh eeg warran². la-mid: warran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warramid
-da: (magac, dhedig, keli) war sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Ciidda roob la'aanta ayaa qarradhidda ugu wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqaad
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku halaagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarraamid
m.f.dh eeg xarraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kacaannimo la kurbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarriiqmid
m.f.dh eeg tarriiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarriiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala jeexan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamid
m.f.dh eeg qaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqid
m.f.dh eeg qaraq². la-mid: qaraq¹ (2), qaraqmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarqid
-da: (n) drowning (daraawn-ing); the act of drowning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraq
(fal) eeg qarqi.
qarraq-a: (magac, lab, keli) dhibaato burbur iyo dhimasho ah oo ay biyo keenaan. Qarraq ayaa Fircoon lagu halaagay. Dh: qaraq, kharaq.
qarraq -a: (magac, lab, keli) biyo ku hanfadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradid
(Arradid-da)
Dhar la qaato waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradid
m.f.dh eeg arrad². la-mid: arrad¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arradid
vl. n., [abstract] lack of proper clothes, shabbiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhar ka dhammaaday noqosho ama dhar cusub waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arradid
de: lack of proper clothes, shabbiness
lx: arradid
pd: (-da)
ps: vn0-f-abs
key: arradid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arxamid
m.f.dh eeg arxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, jimic u gelid; u tudhid oo u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabmid
(Qaabmid-da)
Qaab yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabmid
m.f.dh eeg qaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) ururid oo caano isku tegey noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarami
(fal) qaadhaan ururi. U qaraami inanka haddii uu waayey lacagtii Jaamacadda. Dh: baahee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraami
m.l la-mid: qaaraami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraami
m. n. love song ~ poem with unique rhythm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraami
-ga: (n) Somali classical music, especially Fiftieth or Sixties songs ~ qaaraami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraami
-da: (magac, dhedig, keli) heeso fadhiga lagu kala rogto oo inta badan jacayl ku sal leh oo bilawgii qarnigii labaataan caan ka ahaa geyiga Soomaalida oo ereyadeeda ay ka mid yihiin: «sidii dhugdhugley, dhul dheer maribaa; dhawaaqayga loo dhegeystaa». Hees qaraami ah noo qaad. Dh: belwo.
qaraami -da: (magac, dhedig, keli) heesihii hore ee bilawga fanka cusub. Heesihii qaraamiga inna xasuusi caawa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraami
a: qaaraami
bw: Arabic
de: love song ~ poem with unique rhythm (has become a popular art form)
lx: qaraami
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: qaraami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tarrari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrari
(fal) qarxi oo kala dillaaci. Dh: dillaaci, jeex.
qarrari: (fal) wax la asturayo ama sheeko la dul marmarayo kashif oo runta caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqmid
m.f.dh eeg saaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax oogada wada gaaray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacramid
-da: (magac, dhedig, keli) laftu marka ay jabto ee aanay burburin ama kala dhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ka sii deynta ama bannaanka soo dhigid wax dahsoonaa. Barraxiddaan soo barraxay badeecaddii ayuu roobku bilaabay.
barraxid -ka: (magac, lab, keli) bannaanka u soo saarid wax meel ku dahsoonaa. Soo barraxid iyo baadhid boolis loo diraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxamid
m.f.dh eeg barxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo la isku daray noqosho. Dh: badhxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabramid
m.f.dh eeg dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqramid
(Daqramid-da)
Madax ka lafoobid, dhaawac ama nabar ku dhacay darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqramid
m.f.dh eeg daqran¹. la-mid: dakhramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqramid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa oo uu qofka dhaawac ka gaadho. Dh: dakhramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farcamid
(Farcamid-da)
Dhal badan dhalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farcamid
m.f.dh eeg farcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farcamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhal badan. dhalid. Dh: tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxamid
m.f.dh eeg farxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqmid
m.dh la-mid: fasakhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garnaqid
-da: (magac, dhedig, keli) garnaq suubbin; garqaadid iyo baane; xaq baadhis. Garnaqidda dadka aad buu u yaqaan odaygu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraami
(Qaaraami-ga)
1. Heeso iyo gabayo caashaq ah oo gaar ah.
2. Dadka tirsha laftooda (ama qaraami).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraami
m.l 1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. la-mid: qaraami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaraami
m.l 1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. la-mid: qaraami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaraami
m. n. love song ~ poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaraami
-ga: (n) classical Somali music, especially Fifties or Sixties songs ~ qaraami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraami
-ga: (magac, lab, keli) heesihii hore o caashaqa ku saabsanaa.
qaaraami -ga: (magac, lab, keli) qof heesihii hore eecaashaqa tirin jirey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaraami
bw: Arabic
de: love song ~ poem
lx: qaaraami
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
see: qaraami
key: qaaraami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qablamid
(Qablamid-da)
Qablan samayn, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qablamid
m.f.dh eeg qablan². la-mid: qablan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qablamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal qaylo ah iyo socod sanqadh dheer oo culus leh. Waxba yuun qablamin oo annaga, qaw na maqashiine. Dh: buugid.
qablamid -da: (magac, dhedig, keli) wax qablamay ahaan; gaajo xoog ah qaabid. Qablamid ayay lo'du la ciyaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflamid
m.f.dh eeg qaflan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldamid
m.f.dh eeg qaldan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldamid
-da: (magac, dhedig, keli) gef iyo wax aan sax ahayn samayn. Qaldamiddu waa dabeecadda Aadanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamaamid
(Qamaamid-da)
Sida wax oomman, meel wax yaalliin, ugu yaacid, ugu firxasho.