qarqaroofan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqaroofan
adj., pl. curled, twisted, bent (around)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarqaroofan
-aa: (adj) having repeated turns, bends, winding or twisting; sinuous (sinu-was); tortuous (toor-juwas)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqaroofan
cf: qaroof
de: curled, twisted, bent (around)
lx: qarqaroofan
pd: (qarqaroofnaa)
ps: adj-pl
key: qarqaroofan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miskiinlaa
(Miskiinlaa-ga)
Geed sida cadaadda qodxo daran oo qarqaroofan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qansax
(Qansax-a)
Geed qodax yar oo qarqaroofan iyo mayrax wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warwarrood
(Warwarrood-ka)
Geed laamo dhuudhuuban oo samayooyin laga dhigto iyo qodxo qarqaroofan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofan
qaroofan¹: f.mg1 (-fnaa, -fnayd) Wax qalloocsan noqosho.
qaroofan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la qalloocshey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaroofan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la soo qalloocshey ahaansho. m.f.dh, qaroofnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroofan
(tilmaame) eeg qalloocan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqooran
(tilmaame) mid nabar weyn qaba. Dh: haltagaysan.
qarqooran: (tilmaame) wax la meegaaray ah oo hareerihiisa la qoday ah. Dh: meegaaran, afmeeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqarooti
v. walk with a swaying gait (from side to side)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarooti
-ga: (magac, lab, keli) eeg qadhqadh.
qarqarooti -ga: (magac, lab, keli) garbo ku qaadashada ul lagu socdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqarooti
de: walk with a swaying gait (from side to side)
lx: qarqarooti
pd: (qarqarootiyey)
ps: v2a=intr
key: qarqarooti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaroofan
m.l la-mid: maggarafoon.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maggaroofan
-ka: (n) microphone (maay-kara-foon) ~ makarafoon, mikorofoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarsiyan
Qarqarsi ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiyan
f.mg4 (-sinaa, -sinayd) 1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsiyan
(tilmaame) qarqarsi u xidhan. Awrku wuu qarqarsiyan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmaroorsan
der. [adjective] twisted, all tangled up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmaroorsan
(adj) curled (kuurlidh); twisted (tu wistidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaroorsan
(tilmaame) qalqalloocsan oo kolba dhan u leexsan. Dh: qalqalloocan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmaroorsan
de: twisted, all tangled up
lx: marmaroorsan
ps: adj-der
see: maroor
key: marmaroorsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalqalloocan
-qalqalloocnaa / nayd: (adj) not straight; having repeated turns or bends; winding or twisting; sinuous (sinu-was); tortuous (toor-juwas) ~ qarqaroofan Ex: jid qalqallooca; a tortuous road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqalloocan
(tilmaame) mid meelo badan ka qolloocan. Dh: marmaroorsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid qadhqadhyo hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsinaan
m.f.dh eeg qarqarsiyan. la-mid: qarqarsinaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley qarqaryo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryeysan
(tilmaame) nafley qarqaryo hayso geeri qarka u saaran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarin
m.f.dh eeg qarqari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarin
-ta: (magac, dhedig, keli) khabbayn o haddana khabbayn; kolba meel ku xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqaryo
(Qarqarya-da)
Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryo
m.dh Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryo
m.dh Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqaryo
vl. n. shivering, trembling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarqaryo
-qarqaryada: (n) freezing cold; feeling uncomfortably cold; shivering (shivering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryo
-da: (magac, dhedig, keli) garriir ama dubaaxin ilkaha iyo bawdooyinka la isla dhaco kolka dhaxan, naxdin ama xummadi jirto. Hu'aad Jahani kuma qarqaryo tiro. Dh: qadhqadhyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqaryo
de: shivering, trembling
lx: qarqaryo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qarqaryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarjajoof
-ka: (magac, lab, keli) teed iyo sayn ay xayawaanka badkood iska kiciyaan kolkay dagaal u diyaar yihiin. Libaaxii kolkuu raggii arkay ayuu garjajoof iska kiciyay Dh: teed.
qarjajoof -ka: (magac, lab, keli) tuuro iyo kurtino ay meeli leedahay. Nin wejiga qarjajoof ku leh ayaa iga nixiyay: Dh: kurtinno
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qarqar-ka
épaule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarayn
m.f.dh eeg qarqaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarqarka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryoo
(fal) qadhqadhyo dareen oo aad u gariir. Dhaxanta ad aragtide bal inyar qarqaryoo. Dh: qadhqadhyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqaryow
v. shiver, tremble (with fear ~ from the cold)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqaryow
cf: dhaxamow
de: shiver, tremble (with fear ~ from the cold)
lx: qarqaryow
pd: (qarqaryooday)
ps: v3a=intr
key: qarqaryow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farafootan
(Farafootan-ka)
Habka loo legdamo mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafootan
farafootan¹: m.l Nooc legdinta ka mid ah.
farafootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Qof, qof kale la legdamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farafootan
v. wrestle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafootan
-ka: (magac, lab, keli) habka midmid loogu legdamo. Farafootanka aayara. Dh: lagdan.
farafootan -ka: (magac, lab, keli) farabadi iskugu faanid; laandheerenimo ku faanid. Farafootan iyo tookh meel laguma gaadho. Dh: farasheegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farafootan
de: wrestle
lx: farafootan
nt: farafootan (ka) [vn2-m]
pd: (farafootamay)
ps: v1=recip
key: farafootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaroora
(tilmaame) qalqallooca. Musbaar marmaroora ayaa wareemay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarraaf
(fal) samee qoraal aanad garanayn c si qafalmaljax ah u dhig.
qarqarraaf: (fal) far foolxun oo qalad badan qor.
qarqarraaf -ka: (magac, lab, keli) wax qabad aan ficnayn oo aqoon la'aani ka muuqato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarba dhan u xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiin
m.dh la-mid: qarqarin; qarqarsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryood
m.f.l eeg qarqaryoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryood
m.f.l eeg qarqaryoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryood
-ka: (magac, lab, keli) qadhqadhyo dareemid oo aad u gariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalqalloocin oo kolba dhan u leexleexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarrooti
qarqarrooti¹: m.l 1. Q. ah: socod dheeldheelli ah oo la iska yeelyeelo. 2. la-mid: qarqarrootiyid.
qarqarrooti²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Socod dheeldheelli ah socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrooti
(fal) si isjejebin ah u soco.
qarqarrooti -ga: (magac, lab, keli) si isjejebinahu socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala dillaacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaroomane
m.l Dh. ah: xoolo aroor ah, ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin oo meel lagu nasiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcaraafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax carcaraafey ahansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaroojin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog wax ku qaadid, wax gacanta lagu hayo xoog ku qaadid; xoog iyo jujuub wax kaga qaadid. Dh: faramaroojis, boob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramaroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoog ku muquunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaroorsan
(tilmaame) qof, wax manjarrooray ahaansho. Dh: mijaroorsan, minjaroorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalqalloocin
(Qalqalloocin-ta)
Qalqallooc u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqalloocin
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u maroorin. Waddada qalqalloocinta ka daa oo qiyaasta saaniyee. Dh: weecweecin, marmaroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarraafid
-da (magac, dhedig, keli) si gafalmal. jax ah u qorid. Qarqarraafidda ka daa wargadda oo cid si wanaagsan wax u qorta la doono.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqooritaan
-ka: (magac, lab, keli) soo afmeeritaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar qalloocsan
Point of refraction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqasooran
m.l Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barwaaqasooran
m.l Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqasooran
-ka: (magac, lab, keli) urur dawlado ah oo ku heshiiya dheef iyo dhaqaale wadaag. Midawga Yurub wuxu ku bilaabmay urur barwaaqasooran ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaroomanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARMAR-SOOHANE
(Marmar-sohane) N, C Caucanthus edilus Forsk. Malpighiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarrootiyid
m.f.dh eeg qarqarrooti². la-mid: qarqarrooti¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si isjejebin ah u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryeysnaan
m.f.dh eeg qarqaryeysan. la-mid: qarqaryeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararsan
Barar leh; barartay; kabrarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh ahaansho (meel jirka ka mid ah). m.f.dh, bararsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararsan
der. [adjective] swollen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsan
(tilmaame) meel barar iyo caabuq leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararsan
de: swollen
lx: bararsan
pd: (bararsanaa)
ps: adj-der
key: bararsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dardaran².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrosan
-ta: (magac, dhedig, keli) carrada ay wax si fiican uga baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaran
dardaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dardaray noqosho. la-mid: berberan¹, derderan¹.
dardaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dardaray ahaansho. la-mid: barbaran, berberan², derderan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardaran
dardaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dardaray noqosho. m.f.dh, dardarmid.
dardaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dardaray ahaansho. m.f.dh, dardarnaan. la-mid: barbaran, berberan, derderan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaran
(tilmaame) qof madaxa wax uga dhiman yihiin oo la maray. Dh: baaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax gardarro falay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax gardarro falay ahaansho. m.f.dh, gardarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaran
der. [adjective] wrong, in error
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardaran
-aa / gardarnayd: (adj) guilty (gilti); blameworthy, blamable; culpable (kowpa-bal); aggressive (agresiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaran
(tilmaame) mid gardaro sameeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaran
de: wrong, in error
lx: gardaran
pd: (gardarnaa)
ps: adj-der
key: gardaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoocan
1. La gooyey; go'an.
2. (af) aan hadalka si wanaagsan u sheegi karin; afla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax, wax in yar laga gooyay ahaansho. 2. Wax, wax ka maqan.