qaroome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroome
-ha: (magac, lab, keli) xeelad iyo tab war lagu kala qaato oon khiyaamo ku jirin. Dumarku raga way ka qaroome badan yihiin ragguna wu ka khiyaamo badan yahay. Dh: shiddaarad, xarfad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelad
-da: (magac, dhedig, keli) tab iyo garoom wax lagu furdaamiyo. Dh: qaroome, xeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladay
(fal) tab iyo qaroome adeegso. Xeelady oo wuxuu hayaba ka qaad. Dh: xarfaday tab farsamay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladee
(fal) tab iyo farsamo aad uidadan ku gaadho samee; xeelad ku salee. Joelade wuxuu hayaba ka qaad. Dh: qaroomee, xara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelaysi
-ga: (magac, lab, keli) tab iyo qaroome aan lagula ogayn ku dhaqmid. Dh: qaroomaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiilo
-da: (magac, dhedig, keli) tab iyo qaroome wax lagu furdaamiyo oo hibo Eebbe ah. Dh: qaroome, xeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomey
m.dh.kh G. ah: gabar yar, hanaqaad galeen ah oo aan weli timatidcan. la-mid: garaammo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garoomey
f. n., [collective] pubescent ~ adolescent girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoomey
(fal) madaxa timaha ka wada xiir oo moolee.
garoomey: (tilmaame) gabadh yar oo aan weli timaha tidcan, laakiin hanaqaad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garoomey
de: pubescent ~ adolescent girl {S}
lx: garoomey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: garoomey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroobbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Fur ubbo oo qori ah oo dalool yar dhexda ku leh. 2. Gafuurka shimbiraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaroobbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Fur ubbo oo qori ah oo dalool yar dhexda ku leh. 2. Gafuurka shimbiraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroobbe
-ha: (magac, lab, keli) afka fiiqan ee shinbiraha.
qaroobbe -ha: (magac, lab, keli) fur ubbo oo qori ah oo dalool yar dhexda ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomay
(fal) cid kale, xeeladay. Hooyadaa qaroomee oo lacag ka qaado. Dh: shidaaradee, qaroomee, shidaaraday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoome
-ha: (magac, lab, keli) neef la tumay oo aan goodh ahayn. Sidii dibi qoome ah ayuu aad u naaxay. Dh: qublay, bohon..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroore
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baayoloji) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroore
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroof
f.g1 (-fay, -ftay) Wax toosan qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaroof
f.g1 (-fay, -ftay) Wax toosan qalloocin. m.f.dh, qaroofid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaroof
v. curl, make something bend ~ curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroof
(fal) wax toosnaa qallooci.
qaroof -ka: (magac, lab, keli) eeg qallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaroof
de: curl, make s.t. bend ~ curve
lx: qaroof
pd: (qaroofay)
ps: v1=tr
key: qaroof
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaroon
(Qaroon-ta)
Geed-quwaaxa mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroon
m.dh (-oomo, m.l) Geed quwaax aan qodax lahayn, leh asal wanaagsan, xabag la calashado iyo qolof shaah laga dhigto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaroon
m.dh (-oomo, m.l) Geed quwaax aan qodax lahayn, leh asal wanaagsan, xabag la calashado iyo qolof shaah laga dhigto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaroon
f. n., [collective] incense-bearing plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QAROON
Commiphora ?erosa 01, C. samharensis 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAROON
(Garon) S, C Commiphora ancistrophora Chiov. Burseraceae.
C, N Commiphora gileadensis (L)C.Cr. Burseraceae.
S Commiphora velutina Chiov. Burseraceae.
S Commiphora truncata Engl. Burseraceae.
C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
May, S Commiphora chiovendana Gillett. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora horrida Chiov. Burseraceae.
C Commiphora ciliata Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaroon
-ka: (n) shrub tree; plant name
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroon
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaroome.
qaroon -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadhoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaroon
de: incense-bearing plant sp.
lx: qaroon
pd: (-ta Pl: qaroomo (/ha))
ps: n1-f-col
key: qaroon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroor
m.l Ul dhumuc leh, weyn oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroole
(Baroola-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroole
m. n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroole
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluun ah, jaad mallay ah. Baroole baddii ka soo baxay, barbaar ugu qayli leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroole
de: fish sp.
lx: baroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomo
f.g3 (-ntay, -matay) Madax, timo ka muldhisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Garoowe
pr. n., loc. Goroowe [city in east Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Garoowe
(n) capital city of Nugaal region, one of the North-eastern Somali regions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Garoowe
cf: caasimad
de: Goroowe [city in east Somalia] Capital of the Sool region
lx: Garoowe
ps: n0-loc
key: Garoowe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobe
-ha: (magac, lab, keli) xilliga ama waqtiga dhulku aanu diirranayn ee jiilaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboone
m.l la-mid: qaboono.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqode
-ha: (magac, lab, keli) nin dumarka la dhabiiltama, siiba xagga maamulka masruufka iyo dheriga. Qarqodaha dumarku way nacaan. Dh: qorqode, qodqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaale
m.l Caws adag oo rarada laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomaale
-ha: (magac, lab, keli) caws adag oo rarada laga sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargoomee
v. do harm (to), damage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargoomee
a: hargaamee
de: do harm (to), damage
lx: hargoomee
pd: (hargoomeeyey)
ps: v2b=
key: hargoomee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) 1. Cid dhaawac aan weynayn gaarsiin. 2. Cid hadal qadaf ah ku dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardoofee
v. offend, harm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoofee
(fal) arrin iyo wax la mid ah, khilaaf hoose oo aan badnayn ku abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardoofee
de: offend, harm
lx: qardoofee
pd: (qardoofeeyey)
ps: v2b=tr
key: qardoofee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofmid
m.f.dh eeg qaroofan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomato
m.dh Dhacarato. la-mid: qaroomaysato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomato
-da: (magac, dhedig, keli) Dhacarato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddaaradayn ay khiyaamo ku jirin. Dh: xeeladayn, shiddaaradayn, qaroomays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaroomayn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qarqoorre
Tooxiye qarqoorte.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoomid
m.f.dh eeg qarsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha dadka ka libdhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Acrosome
Akrosoom
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agronome
agronome, adj - Agroonomo ; Beer yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardoole
m. n. horseman, horse-owner; cavalry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardoole
de: horseman, horse-owner; [pl] cavalry
lx: fardoole
pd: (/ha Pl: fardooley (da))
ps: n5b-m
key: fardoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farooley
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ama wax kale oo adag laga sameeyo oo afka hore ku leh faro dhaadheer oo dhulka lagu xaaqo ama carrada qushaashka iyo quruuruxa lagaga saaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fearsome
/fiirsam/ (adj) cabsi-leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garoobee
v. be single again; show (by dress and behavior) that one is looking for another husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoobee
(fal) meheri oo fur; carmali ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garoobee
de: be single again; show (by dress and behavior) that one is looking for another husband
lx: garoobee
pd: (garoobeeyey)
ps: v2b=
key: garoobee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garooman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan geeso lahayn ahaansho (neef riyo ama lo' ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomid
m.f.dh eeg garoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoommo
-da: (magac, dhedig, keli) derejooyinka ay askartu qaadato. Garoommo aanad shaqaysanna, guudka la iskama saaro. Dh: derejooyin, galoonno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsoore
(Garsoora-ha)
Garta yaqaan oo maamula oo dadka ku kala saara; garnaqe; qaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsoore
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garsoore
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsoore
m. n., [compound] judge; mediator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsoore
-garsooraha: (n) one who makes judgment; judge (jaaj)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garsoore
Giudice
Judge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Garsoore
ama Garyaqaan, magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo xaakin caddaaladda iyo sinnaanta ilaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsoore
-ha: (magac, lab, keli) qof xaakim ah; dacwad qaade; ruux garnaqe; baane yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsoore
de: judge; mediator
lx: garsoore
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: garsoore
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paronyme
paronyme, n.m. - laba eray oo isku dhawaaq ah iskuna dhigma dhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombi
qaloombi¹: m.l Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn. la-mid: qaloombiyid.
qaloombi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaloombi
m. n. drone of voices, sound of a crowd ~ rushing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaloombi
magac loo bixiyo wiil kolkii uu dhashay oohin iyo qaylo bilaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloombi
(fal) buuq iyo sawaxan samee. Dh: qaloonbi, hugun, dhawaaq, qayli
qaloombi -ga: (magac, lab, keli) dhawaaq ama buuq badan. Qof maduxu xanuunyaa qaloombiga wuu nacaa. Dh: hugun, buuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaloombi
de: drone of voices, sound of a crowd ~ rushing water
lx: qaloombi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: qaloonbi
key: qaloombi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANDOOLE
(Gandole) S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
S Bruguiera gymnorrhiza (L) Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardoofo
(Qardoofa-da)
Waxyeello; aflagaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardoofo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardoofo
f. n. harm, offense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardoofo
-da: (magac, dhedig, keli) khilaaf hoose oon badnayn. Labada qof qardoofo ayaa ka dhaxaysa. Dh: isdiiddo. Li: heshiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardoofo
de: harm, offense
lx: qardoofo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qardoofo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofan
qaroofan¹: f.mg1 (-fnaa, -fnayd) Wax qalloocsan noqosho.
qaroofan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la qalloocshey ahaansho.