qariibis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibis
m.l la-mid: qariibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof qariib ah dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibid
qariibid¹: m.l 1. Cunidda badar, sonkor iyo wixi lamida iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iyo wixi lamida ah oo aan la karin.
qariibid²: m.f.dh eeg qariib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariibid
-ka: (magac, lab, keli) cunidda badar, sonkor iyo wixii la mid ah, oo aan la karin.
qariibid -ka: (magac, lab, keli) xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibin
m.f.dh eeg qariibi. la-mid: qariibis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tartiibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariib
(Qariib-ka)
1. Qof dad aan dadkiisa ahayn dhex jooga, ama meel ku cusub; qof qalaad.
2. (Qariib-ta) Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariib
qariib¹: m.l (-byo, m.dh) Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga.
qariib²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
qariib³: f.mg1 (-bay, -btay) U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariib
qariib¹: m.l (-byo, m.dh) Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga.
qariib²: f.mg1 (-bay, -btay) U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid. m.f.dh, qariibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariib
m. n. foreigner, newcomer; migrant, resident (but not originally from the area ~ group)
qariib [feminine] n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariib
-ka:(n) 1. stranger (istareen-jar); foreigner (fooriner); newcomer (nuu-kamer; niyuu-kamer); outsider. 2. —qariib -ah: (adj) strange (istareenji); peculiar (pi-kuul-yaar); odd (oodh); eccentric (ik-san-tirik) ~ cajiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariib
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka jaadadkiisa mid ka mid ah. Qariib hilibkii weli ma cuntay.
qariib -ka: (magac, lab, keli) qof socoto ah oon joogin meeshiisii ama reerkiisa. Inan yahay qarib baan ahe hay qulquladayne. Dh: socoto, marti. Li: mudane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidis
m.l la-mid: bariidin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qariib_1
bw: Arabic
de: foreigner, newcomer; migrant, resident (but not originally from the area ~ group) Contrast: ajnebi ~ ajnabi
hm: 1
lx: qariib
pd: (-ka Pl: aqraab (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: qariib_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qariib_2
de: fish sp.
hm: 2
lx: qariib
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qariib_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariidid
(Qariidid-da)
Badar ama wax la mid ah, ceerin ku cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariidid
m.f.dh eeg qariid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariidid
-da: (magac, dhedig, keli) xuduudo wax kala xadeeya samayn. Gumaysigu qariidid ayuu Afrika ku gaybiyay: Dh: xadayn; khariidadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarribid
-da: (magac, dhedig, keli) xumayn oo wax aan hagaagsanayn ka dhigid. Dh: kharaabin, kharribid, xumayn. Li: suubbin, hagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariibid
m.f.dh eef tariib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ku cusub oo qariib ah ahaan. Dh: waadaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriijis
m.dh la-mid: barriijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barriijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardiiris
-ka: (magac, lab, keli) biyo la kululeeyey oo diirran. Dh: diirran. Li: qabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariiriso
(Gariirisa-da)
1. Wax gariirisa.
2. Qandhada daran oo oogadu la gariirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariiriso
m.dh Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariiriso
f. n. shivering; severe fever causing shivering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariiriso
-da: (magac, dhedig, keli) xummad keeno xanuunku ama maaddo markii dadka lagu duro ka jarcaysiisa ama ka gariirisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariiriso
de: shivering; severe fever causing shivering
lx: gariiriso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gariiriso
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qariib-ka
étranger.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarriibid
m.f.dh eeg rarriib².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARIIBIYE
(Saribie) S Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
S Pupalia lappacea (L)A.Juss Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibid
m.f.dh eeg sarriib. la-mid: sarriigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibid
-da: (magac, dhedig, keli) sariibad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartiibin
(Tartiibin-ta)
Si tartiib ah ama tartiibsan wax ku wadid, wax u qabasho; tartiib u yeelid; aayarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibin
m.f.dh eeg tartiibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xasilloon wax u wadid ama u qabasho. Dh: aayarid, qunyarid, tartiibis. Li: dedajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibis
(Iibis-ka)
Iibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibis
m.l la-mid: iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibis
vl. n. buying, selling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibis
-ka: (n) the act of selling (seeling) ~ gadid -da, iibin -ta.
soo iibiska: (n) the act of purchasing (peerjaasing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibis
de: buying, selling
lx: iibis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: iibis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabis
-ta: (magac, dhedig keli) eeg qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaris
m.l la-mid: qarin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaris
-ka: (n) concealment (kon-siil-ment); hiding (haaydh-ing); secrecy (siik-rasi) ~ qarsad, qarsasho, daboolid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riibi
(Riibi-ga)
Bahal duula oo xoolaha cuna; dhuug; gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riibi
m. n., [collective] tse-tse fly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo xoolaha cuna. Dh: dhuug, dhuu, gendi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riibi
de: tse-tse fly
lx: riibi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: dhuug, gendi
key: riibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariis
(Bariis-ka)
Bariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariis
m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho. la-mid: bariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariis
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARIIS
(Baris) All.Som. Oriza sativa L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariis
-ka: (n) rice (raays) ~ bariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariis
a: bariid; staple of northern Somalia
de: rice
lx: bariis
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bariis
أرز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. la-mid: carbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbis
vl. n. exercise, maneuver, drill, training; jogging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbis
de: exercise, maneuver, drill, training; jogging
lx: carbis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: carbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbis
(Garbis-ka)
Garbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbis
m.l la-mid: garbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbis
vl. n. act of shouldering, shoving with one's shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, garabka ku dhufasho ama ku riixid. Dh: garbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbis
de: act of shouldering, shoving with one's shoulder
lx: garbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: garbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbis
m.l la-mid: harbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg harbin. hardaf: (fal) orod qaabka hardafka ah, orod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibis
-ka: (magac, lab, kali) habka la iskula helo aadu jiibta oo farshaxan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg niibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabis
m.l 1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabis
-ka: (magac, lab, keli) gadhoodhinta la gadhoodhiyo caano la doonayo in la lulo.
qaabis -ka: (magac, lab, keli) caana gadhoodh ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamiis
m. n. long robe ~ shirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamiis
-ka: (n) traditional long shirt (sheert); robe (roowb) ~ shaati, khamiis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamiis
a: khamiis
bw: Arabic
de: long robe ~ shirt
lx: qamiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qamiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarabi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariid
(Qariid-ka)
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariid
qariid¹: m.l.u Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariid²: f.g1 (-day, -dday) Badar iyo wixi lamida ceeriin ku cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariid
m. n., [collective] grain, nut, rootcrop ~ cereal
qariid v. munch on, eat grain ~ precooked cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariid
-ay / day: (v) eat uncooked grain or cereals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariid
(fal) badar iyo wax la mid ah, ceeriin ku cun; qaydhiin ku cuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariin
m.l Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariin
-ka: (magac, lab, keli) geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu como cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariir
m.l In yar oo badar ah oo qeedhiinka lagu cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariir
(fal) eeg qadhiidh.
qariir-ka: (magac, lab, keli) eeg qadhiidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrib
(fal) xumee oo wax aan hagaagsanayn ka dhig. Carruurtii baa baabuurka qarribtay. Dh kharaabi, kharrib, xumee. Li: suubbi, hagaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarwis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarxis
m.l la-mid: qarxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarxid.
qarxis-ta: (magaca, dhedig, keli) eeg qarxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasiis
-ka: (magac, lab, keli) qof falal xun sameeyo oon waxba ka xishoon. Qasiis xoolahaagaa looga hadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybis
(Qaybis-ka)
Qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybis
m.l eeg qaybi. la-mid: qaybin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybis
vl. n. act of sharing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybis
-ka: (n) the act of distributing; distribution (dis-tiribiyuu-shin); division di-vishin) ~ see