qare-dameeraad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QARE-DAMEERAAD
(Gare-damer) N, C, S Citrullus colocynthis (L) Schard. Cucurbitaceae.
N Cucumis dipsaceus Spach. Cucurbitaceae.
C,S Cucumis figarei Naud. Cucurbitaceae.
C Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaradameeraad
-ka: (magac, lab, keli) geed xabxabka u eg oo dhulka ku dul dagaaga oo midho buurbuuran oo aad u qadhaadh bixiya. Qaradameeraad ayuu batiikh mooday. Dh: unuun, unuundameeraad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-DAMEERAAD
(Daran-damerad) S Suaeda sp. Chenopodiaceae.
N Zygophyllum album L. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YAGAR-DAMEERAAD
(Yagar-damerad) May, S Neurocanthus sp. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexdameecaad
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha cirirka tan u danbaysa ee u dhexaysa Rabdanbe iyo Godinta. Dh: laxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardajeexid
(Qardajeexid-da)
Meel aan dhabbe lahayn oo socod xun, marid, ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeexid
m.f.dh eeg qardajeex². la-mid: qardajeex¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) toobiyayn oo meel aan dhabbe lahayn marid. Waddo la'aanta ayaa qardajeexidda nagu kalliftay. Dh: qardajeexis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexsan
(tilmaame) mid aan waddo toos ah socon.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARIN-DAMEER
Neuracanthus polyacanthus 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
welwel-dheeraad
m.l (c.naf.) Welwel ka qabid shaqada jirka iyo caafimaad darro la mala awaaley. Waxay keeni kartaa cudur maskaxeed qofka naftiisa naafeeya. Noocyada khatarta ah waxa jira himadjab caafimaad darro, oo sida badan ay sabab u tahay qalbi jabka joogtada ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]